Wednesday, June 1, 2022

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay magaalada Baydhabo

 Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya inuu xaliyo xiriirka dowlad goboleedyada Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Xeebta Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka iyo Shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo faah faahin ka bixiyay ujeedka socdaalkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay dib u heshiisiinta bulshada, nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka dalka, wuxuuna caddeeyay inay ka go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo dib u heshiisiineed oo loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed. “Ujeeddada aan halkan u nimid waa in aan idinla socodsiino qorshayaashayada ku aaddan in dadka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo ay walaaloobaan, Soomaaliyeey heshiis, heshiisna kula jira caalamka.

Gobolkaan wuxuu caan ku yahay nabad, wada noolaansho, soo dhaweyn iyo dib u heshiisiin dadka Soomaaliyeed, waana sababta aan safarkii ugu horeeyay halkan uga bilownay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri: “Baaqgeygu waa inaan mideyno quluubta, inaan dib u habeynno quluubta, inaan furno quluubta, cadowgana aan iska celinno”. Isagoo Baydhabo jooga

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog