GURIGA »
gudaha dalka
» Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo siyaasiyiin iyo bulshada Galmudug kala hadlay xasilinta deegaanada laga saaray Al-shabaab
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
Xalay kulan kula qaatay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug,
qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo shacabka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si ku meel gaar ah ugu sii shaqeynaya magaalada
Dhuusamareeb ayaa siyaasiyiinta iyo bulshada reer Galmudug kala hadlay
xasilinta deegaanada laga xureeyay kooxda Al-shabaab iyo qorshaha dowladiisa ay
ku gaar siineyso adeegyada aas aasiga ah.
Madaxweynaha dowladda fedaraalka ayaa sidoo kale xusay in deegaanada laga
xureeyay Al-shabaab ay ugu talo galeen mashaariic horumarineed, sida
Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha oo si deg
deg ah looga hirgelinaayo dhamaan deegaanada laga xureeyay Ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu
ay ku bixiso dabar goynta kooxaha argagixisada ah, oo ay ciidamada Qaranku ka
soo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka
deegaanka ee halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida" ayaa lagu yiri war kasoo
baxay Madaxtooyadda.
Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhuusamareeb u jooga
dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee la doonayo in guud ahaan dalka
looga sifeynaayo, xili Shalay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay
gacanta ku dhigeen degmada Ceelbuur oo aheyd taliskii ugu weyna Al-shabaab ee
gobolada dhexe.
0 Comments:
Post a Comment