GURIGA »
farsamada
» Wasiirka isgaarsiinta oo ka hadlay sababta ugu weyn ay dowladdu u joojinayso Tiktok, 1xbet iyo Telegram
Wasiirka isgaarsiinta iyo teknooljiyada xukuumadda Soomaaliya, Jaamac Xasan
Khaliif ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee ay dowladdu u xirayso isticmaalka
baraha bulshada, sida Tiktok, 1xbet iyo Telegram.
Wasiirka isgaarsiinta ayaa sheegay Dowladda inay dhibaato weyn ku qabtay
isticmaalka baraha bulshada. Wuxuua si gaar ah farta ugu fiiqay shabakada 1xbet
oo ah shabakad caan ku ah lacagaha qamaarka lagu cayaaro.
Wasiirka wuxuu sheegay in askarta dowladda ay gaarsiisay heer ay hubkooda
iibiyaan si qamaarka ugu cayaaraan.
“Dhallinyarada askaraha ee qaranka u shaqeeya aad buu ugu faafay 1xbet, oo
wuxuu gaaray inay qoryaha kala helaan. Number weyn ayaa jira oo ma ahan wax
qarsoodi ah,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirku wuxuu sheegay in si qaldan looga faaidaystay isticmaalka baraha
bulshada. Wuxuu sheegay dowladdu in aysan hadda ka gaarin go’aan kama dambays
ah, balse ay hakisay, si loo yareeyo waxyeelada ay Dowladda iyo bulshada ku
hayaan.
Qaarkood wuxuu sheegay in amniga lagu dhibaateeyo. Qaar kalena wuxuu sheegay in
xumaanta lagu faafiyo. Wuxuu sheegay jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo
dhaqankeeda inuu halis ku jiro.
0 Comments:
Post a Comment