Tuesday, August 22, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo qaabiley safiirka Jabuuti


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan uu uga siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada baaxada leh ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee gacan ka geysta howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.


Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog