GURIGA »
Soomaaliya
» Xiriirka Imaaraatka iyo Soomaaliya waa mid ku qotoma taariikhda aadanaha.
Imaaraadka iyo taageerada uu siiyo Soomaaliya heer walba
Imaaraatka Carabta ayaa lagu tiriyaa dalka ugu badan ee ka qayb qaata
mashaariicda bini’aadantinimo ee Soomaaliya,waxana ay sameysteen buundo cirka
iyo badda ah si ay u gaarsiiyaan kumanaan tan oo cunto ah si ay uga
badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha.
Gargaarkan ayaa waxaa la gaarsiiyay deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday ee
laga xoreeyay guud ahaan dalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay maamulka G/Gaduud
ee dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ka dhaceen dhibaatooyin bini’aadinimo oo
ka dhashay fatahaada wabiga Jubba oo mara deegaano ka tirsan maamulkaasi,
waxaana sidoo kale la qeybiyay gargaar Imaaraatka Carabta laga qeybiyay
magaalooyinka. Deegaanka Ail Tir iyo Misgwai, oo ku yaalla Gobolka Galgaduud ee
Maamulka Galmudug, ayaa ka mid ah deegaannadii dhawaan la xoreeyay.
Imaaraadku waxa uu ka qayb qaataa mashaariic badan oo bani’aadantinimo iyo
mid horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya. Kaas oo faa’iido u leh ummadda
Soomaaliyeed; Marka laga soo tago xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya
labada dal oo horumar la taaban karo ka gaaray mudooyinkii u dambeeyay, waxaana
daliil u ah booqashooyin rasmi ah, howlo diblumaasiyadeed iyo kulamo iyo
heshiisyo ay kala saxiixdeen.
0 Comments:
Post a Comment