Friday, September 22, 2023
Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan
degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u diyaar garowga iyo ka
jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA ayaa waxaa looga
hadlay qorshaha u diyaargaroowga, isuduwidda hawlaha gargaarka iyo sidii goor
hore wax looga qaban lahaa khatarta ka imaan karta fatahaadaha duufaanta El
Niño ay u geeysan karto deegaanno badan oo dalka ah.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay illaa 64 qof oo kala matalayay
hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Gargaarka, Gurmadka Degdega, Safaaradaha
dowladaha aynu walaalaha nahay, Deeq bixiyayaasha, Wasaaradaha Gargaarka Maamul
Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.
Thursday, September 21, 2023
Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA,oo lakulmey Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,
Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane
Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlayay taageerada arrimaha
xasilnta, u-diyaar garowga Duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka
la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma
Al-Rumaithi.
Dhinacyadu waxa ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga
jawaabo baahiyaha bani'aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyo khawaarijta,
in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hor tagga iyo ka daba-tagga saameynta la
filayo ee Duufaanta El-Nino iyo in Dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada
deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.
Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA, wuxuu sidoo kale safiirka kala hadlay sidii ay
nooga gacan siin lahaayen fududeynta kulama doceedka hay'adaha dhigeenna ee
dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo
aaddan.
Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ballan-qaaday u howl-galidda
qodobbada laga wadahadlay wuxuuna xusay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta
ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u
adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay'adda
Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.
Wednesday, September 20, 2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhin doona Soomaaliya
Safiirka cusub ee Midowga Yurub Karin Johansson, ayaa shalay oo Isniin
ahayd warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah
ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka dhacday xarunta
madaxtooyada ee magaalada Dusmareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee
bartamaha Soomaaliya. ee dalka.
Munaasabadan oo aheyd mid taariikhi ah ayaa noqoneysa markii ugu horeysay
oo warqadaha aqoonsiga looga guddoomo madaxweynaha oo ka soo baxay xafiiskiisa
oo ku yaala xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay “Tani waa waqti taariikhi ah oo
cadeyneysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay saameyn ku leedahay meelo ka
baxsan caasimadda Muqdisho, isagoo intaa ku daray in aan halkan u joogno inaan
u adeegno shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhammaan gobollada dalka”.
Danjire Johansson ayaa dhankeeda bogaadisay guulaha ay Soomaaliya ka
gaartay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo sheegtay in xiriirka MidowgaYurub iyo Soomaaliya uu marayo heerkii ugu sarreeyay abid.
Tuesday, September 19, 2023
Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa waddooyinka iskaashiga amniga
Amiir Cabdulcasiis Bin Sacuud Bin Naa’if Bin C/casiis, Wasiirka Arrimaha
Gudaha Sacuudiga, ayaa shalay oo Axad ahayd xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka
Amniga gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Axmed Sheekh
Cali.
Intii ay socotay soo dhaweynta ayaa waxaa si wadajir ah uga wada hadlay
sidii loo dardargelin lahaa waddooyinka wada shaqeyn ee amniga, kaasi oo u
dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga iyo Wasaaradda
Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay ka wada hadleen
arrimo dhowr ah oo quseeya.
Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha Dr. Nasser bin Abdulaziz Al-Daoud, Ku-Xigeenka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha, Dr. Hisham bin Abdulrahman Al-Falih, Ku-Xigeenka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga, Muxammad bin Muhanna Al-Muhanna, Agaasimaha
Waaxda Amniga Dadweynaha,
Sarreeye Guuto Maxamed Bin Cabdalla Al-Bassami, Agaasimaha Guud ee Ilaalada
Xuduudaha, Sarreeye Gaas Muhammad bin Abdullah Al-Shehri iyo tiro ka mid ah
saraakiisha sarsare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , iyadoo dhanka Soomaaliya ay
ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha.
Monday, September 18, 2023
Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada
New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada
Midoobay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee
Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista
saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka,
Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka
cimillada.
Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan
la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo
sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan
doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga
warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo
shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka
dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.
Sunday, September 17, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah furay Qadashada kaarka Aqoonsiga Dadwaynaha