Thursday, July 20, 2023

Wasiirka Caafimaadka oo hor tagay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka

Wasiirka Caafimaadka


Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr; Cali Xaaji Aadam, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Drs; Maryam Maxamad Xuseen, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dr ;

 Maxamad Xuseen Maxamad ayaa guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka ayaa Warbixin guud ka siiyay qorsha-howleedka iyo qaab-dhismeed guud ee Wasaaradda Caafimaadka howlaha baaxadda leh ee horyaalla waxyaabihii uqabsoomay iyo halka ay hadda wax u marayaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen horumarinta daryeelka Caafimaadka dalka iyo tayayntiisa.

Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalo la xariiray Caafimaadka Dalka Mashaariicda hoos yimaadda kuwa socda iyo kuwa la filayo in dhawaan ay  Wasaaraddu daah-furto sida Mashruuca Damal Caafimaad.

Shuruucda hor-tebinta uleh  Wasaaradda oo ay doonayaan inay  usoo gudbiyaan Golaha Shacabka BJFS  sida Sharciga dawada dalka iyo Caqabadaha hor-taagaan inay Wasaaradda keento maadama uu muddo fog soo jiitamayo lagama maarmaana ay tahay inuu dalka yeesho sharci dawo oo la isku halleyn karo.

Hiigsiga iyo himillada fog ee la xariira Caafimàadka guud ee Wasiirka Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay guud ahaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha iyo guddoonka guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.

 

Share:

Wednesday, July 19, 2023

Ra’iisul Wasaaraha oo daah furay Xarunta Keydka Caafimaadka Qaranka

 

daah furay Xarunta Keydka Caafimaadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee dalka la keenayay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.






Share:

Tuesday, July 18, 2023

Howl wadheenka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkii wadatashiga ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Maxamuud iyo madaxdii hore.

Howlgalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “MidowgaYurub waxa uu soo dhaweynayaa shirkii wadatashiga ee dowladda Federaalka ay dhawaan la yeelatay madaxda hadda jirta iyo kuwii hore ee Soomaaliya.

Dawlad-dhisidda iyo dimoqraadiyaynta ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo Qorshaha Hawl-galka Wadajirka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa madaxdii hore ee Soomaaliya ugu yeeray shir wadatashi ah oo ay isku weydaarsanayeen aragtiyo ku aaddan xaaladda Soomaaliya, si ay u dhageystaan ​​fikradahooda ku aaddan amniga, la dagaallanka argagixisada, dhameystirka dib u eegista dastuurka iyo taabagelinta dimuqraadiyadda.

 

Share:

Monday, July 17, 2023

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaaday in 2.7 milyan oo qof ay ku barakaceen abaarta ka jirta Geeska Afrika

 

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in abaaraha ka jira Geeska Afrika ay sababeen barakaca ilaa 2.7 milyan oo qof.

Warbixin cusub oo ay soo saartay xaaladda gobolka, WFP waxay ku sheegtay in 1.7 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, 516,000 oo qof oo ku nool Itoobiya iyo 466,000 oo qof oo ku nool Kenya ay barakiciyeen abaaro.

Warbixinta WFP waxa kale oo ay daaha ka qaaday in boqollaal kun oo qaxooti ah oo gaadhay goobaha ay abaaruhu saameeyeen ee saddexda waddan ay sii kordhinayso cunto yarida gobolka.

Warbixintu waxa ay tidhi: “Gobolka Geeska Afrika waxa soo maray abaaro ba’an oo xagga cimilada ah ka dib xilliyo xidhiidh ah oo ka hooseeya heerka caadiga ah ee roobabka ilaa dabayaaqadii 2020-ka, kuwaas oo saameeyay beeraha, xoolaha, dhirta, kheyraadka biyaha, hab-nololeedka, iyo kheyraadka daaqa.”

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ku qiyaastay in abaarta daba dheeraatay ee Geeska Afrika ay sababtay in 23.4 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari ba’an iyo 5.1 milyan oo carruur ah oo ay soo food saartay nafaqo darro ba’an.

Horraantii sanadkan, Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP waxay ka digtay in xilli roobaad kale oo xun inta u dhaxaysa March iyo May 2023 ay cawaaqib xun ku yeelan doonto bulshooyinka Geeska Afrika oo dhan.

 

Share:

Sunday, July 16, 2023

JFS ayaa sheegtay inay burburisay kaydkii Khawaarijta ee waxyaabaha qarxa ee gobolka Galagduud

gobolka Galagduud


Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud.

Saraakiil katirsan ciidanka Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay khasaare weyn gaarsiiyeen kooxda Alshabaab.

Howlgalka laga fuliyay gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in lagu burburiyay godad Alshabaab ay ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa.

Dowladdu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal badan oo katirsan Alshabaab iyo horjoogayaal. Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gariyaale, halkaas oo lagu khaarijiyay 18 xubnood oo Shabaab ah. Warbaahinta Dowladda ayaa barteeda telegraamka faafisay sawirrada maydadka Alshabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare, ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadayso howlgalkan illaa laga ciribtirayo Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanada hoos yimaada degmada Galcad.

Galcad ayaa kamid ah degaanadii laga xoreeyay Alshabaab, horraantii sanadkan, inkastoo Shabaabku ka geysteen mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo uu ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, Xasan Tuure.

 

Share:

Saturday, July 15, 2023

Shirka Wadatashiga ee ka socday Muqdisho oo laga soo Gabagabeeye

 

Muqdisho

Waxaa maalintii Khamiistii magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir wadatashi ah oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo looga hadlayay xaaladda dalka.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamza Cabdi Berri, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, Madaxweynayaal hore iyo Ra’iisal Wasaareyaal iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qeybgalayaashu ay ka doodeen lix qodob oo kala ah Hannaanka Doorashada, Hanaanka Madaxweynaha, Hanaanka Xisbiyada badan, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mideynta Shuruudaha Hay’adaha Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, iyo hannaanka dhameystirka dib u eegista Dastuurka. .

Madaxtooyadu ma aysan shaacin wax heshiis ah oo laga gaaray qodobadii laga wada hadlay, balse Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa shirka ku tilmaamay mid horumar leh.

Natiijadii ka soo baxday shirkii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu qabtay bishii May ee la soo dhaafay ayaa muran badan ka dhaliyay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Shirka wadatashiga ah ee ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiintii hore ayaa ahaa mid ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay in ay ku qanciso dhinacyada siyaasadda isku haya in ay aqbalaan natiijadan, inkastoo aysan muujin horumarro laga gaaray arrintan inkastoo shirka Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog