Friday, July 14, 2023
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ay hogaaminayso Ku-simaha Safiirka Finland
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud
Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Lataliya-sare iyo Agaasimayaal ayaa maanta
xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ay hogaamineysay Emma Pajunen oo ah qunsulka u
qaabilsan Waxbarashada iyo horumarinta bulshada isla markaana ah ku Simaha
Safiirka dalka Finland iyo Ida Rasanen oo ah isuduwaha arrimaha siyaasadda iyo
horumarinta.
Kulankaan oo isbarasho ku bilawday labada dhinac ah ka dib ayaa ku
simaha Safiirka dalka Finland ahna qunsulka u qaabilsan Waxbarashada iyo
horumarinta bulshada warbixin kooban ka siisay
Guddoomiyaha SoDMA howlaha guud ee dalka ka qabtaan iyo teegeerada
Mashaariicda maaliyadeed ay dalka Soomaaliya kaga qayb qataanaan hormarintiisa
iyo Hay’addaha kala duwan ay la shaqeeyan ayaa aad u soo dhaweeysay soo
dhaweeyntii wanaagsaneed ee lagu soo dhaweeyay Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa dhankiisa warbixin kooban ka siiyay
xilliga la aasaasay Hay’adda SoDMA iyo howlaha balaaran ay ka qabatay Abaaraha,
Fatahaadaha, Gargaarka iyo Gurmadka degdega ah mudadii yareed ay Hay’adda
jirtay,
una sheegay in ay sii laba jibaari doonaan, Guddoomiyaha ayaa ku amaanay
Dowladda Finland howlaha ay dalka ka qabato uguna mahadceliyay Masuuliyiinta ka
socotay Safaarada Finland booqashada ay ku yimadeen Xarunta SoDMA.
Thursday, July 13, 2023
RW Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay hoygiisa
magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Dr.
Abdelweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Intii uu kulanka socday ayuu Xamza uga warbixiyay labadii ra’iisul wasaare
ee hore guulihii ay dowladda federaalka ka gaartay, gaar ahaan howlgallada ka
dhanka ah argagixisada, barnaamijka deyn cafinta ee dalka, qaadista
cunaqabateynta hubka iyo mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Afrika.
Gaas iyo RW Sharma’arke ayaa kula dar-daarmay madaxda dowladda Soomaaliya
inay xoojiyaan dadaallada lagu doonayo in dalka looga xoreeyo dhaq-dhaqaaqa
dhallinyarada inta aan la gaarin doorashada.
Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka
mid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiintii ka qeyb galaysa shirka wadatashiga ee
ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen madaxda Soomaalidaee hadda jirta.
Wednesday, July 12, 2023
Soomaaliya iyo Jordan oo kawada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga milatari
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdul
Qaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku jooga Boqortooyada Hashemite ee dalka Urdun
ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guud ee Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye
Gaas Yuusuf Axmed Al-Hunaiti.
Intii uu socday kulanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Urdun,
waxaa looga hadlay mustaqbalka iskaashiga milateri ee labada ciidan ee
walaalaha ah, marka laga soo tago xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo
caalamka, iyadoo loo eegayo danta ciidamada qalabka sida. laba wadan oo walaalo
ah.
Saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Jordan ayaa ka qeyb
galay kulanka, marka laga soo tago wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Nuur iyo
guddoomiyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Sarreeye Gaas Hunaiti.
Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada ayaa yiri “Jordan iyo Soomaaliya waxay
leeyihiin hadaf mideysan oo ku aaddan horumarinta amniga, nabadda iyo
xasilloonida gobolka iyo caalamka, iyadoo kor loo qaadayo iskaashiga wadajirka
ah iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada ciidan ee walaalaha ah”.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa yiri: “Soomaaliya waxay soo wajahday, sannado badan, dhibaatada argagixisada, taasoo caqabad weyn oo khatar ah ku ah amniga iyo xasilloonida Soomaaliya,” isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya looga baahan yahay inay si degdeg ah uga faa'ideysato khibradaha iyo waayo-aragnimada.
Ciidamada qalabka sida ee dalka Urdun iyo
khibrada dheer ee ay u leeyihiin la dagaalanka argagixisada, si loo horumariyo
awooda ciidamada, Soomaaliyeey marka ay wajahaan qatarta kooxaha argagixisada
iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada iyo dowladnimada.
Tuesday, July 11, 2023
RW Xamsa oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC)
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya mudane
Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga
hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee urur
goboleedka Iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee bariga Afrika (EAC), kadib
markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto ururkaasi.
Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen mas’uuliyiin kala socotay laamaha kala
duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaargarowga dowladda
Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.
Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya
ee urur gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo
isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo
kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u
sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga
faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin.
Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray
codsiga dowladda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka
qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan
madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha horumarinta Ganacsiga ee
Ra’iisul wasaaraha Cabdiqani Jaamac.
Ra’iisul easaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay
qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala
shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee urur goboleedka
bariga Afrika (EAC).
Monday, July 10, 2023
Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlaya sidii ay isaga kaashan lahaayeen xasilinta deegaanada laga saaray Al-Shabaab
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed
Mucalim Faki, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka
Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad.
Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Safiirka ayaa looga hadlay sidii Soomaaliya
iyo Sacuudiga ay isaga kaashan lahaayeen xasiloonida deegaanada laga saaray
Al-Shabaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Mucalim Faki
ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay Soomaaliya ka
geysaneyso dhismaha dalka.
Dhankiisa Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya magaalada
Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka booqashada
uu ku yimid xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho.
Sunday, July 9, 2023
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeye golaha wasiirada