Wednesday, November 8, 2023
Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya iyo ingriiska oo wada hadalo shaxmaray
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Safiirka
Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Michael Nithavrianakis.
Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay taageerada dowladda Ingiriiska ay
siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo doorka caddaaladda ee xasiloonida
iyo sidii cadaalad loogu heli lahaa deegaannadii dhowaan la xoreeyey.
Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay
dowladda iyo shacabka Britain taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan
yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Tuesday, November 7, 2023
Safiirka cusub ee Mareykanka ayaa ku soo wajahan Soomaaliya si uu xilka ula wareego
Safiirka aan caadiga ahayn ee Mareykanka... Waa Richard Reilly, oo uu
madaxweynaha Mareykanka Joe Wathiq u magacaabay wakiilka dalkiisa ee
Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday in Richard Reilly uu u soo magacaabayo safiirka cusub ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhawaan uu la wareego shaqadiisa rasmiga ah, Reilly ayaa ah safiirkii 4-aad ee uu Mareykanka u soo magacaabo Soomaaliya tan iyo markii uu dib u soo laabtay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. wadamada 2013.
Safiirka cusub ayaa xilka kala wareegi doona danjirihii hore ee Mareykanka
Larry Andre oo muddo sanad ah safiir ahaa, waxaana Reilly ay muujisay
kalsoonida uu ku qabo inuu ka soo bixi karo mas’uuliyadiisa.
Safiirka cusub ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey inay ka go’an tahay inuu si
dhow ula shaqeeyo hay’ado kala duwan oo Maraykan ah, oo ay ku jiraan ciidamada
Maraykanka, hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka iyo ururrada kale
ee ku hawlan la dagaalanka argagixisada caalamiga ah.
Safiirka cusub ayaa sugaya ansixinta aqalka senate-ka Mareykanka si uu u
bilaabo howlihiisa Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in xiriirka diblumaasiyadeed ee Mareykanka iyo Soomaaliyauu dib u soo laabtay sanadkii 2013-kii, kadib muddo dheer oo xasilooni darro
iyo dagaalo sokeeye ay dalka ka socdeen. Danjire Stephen Schwartz ayaa
noqday safiirkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo Soomaaliya u jooga bishii June
2016, waxaana xilka kala wareegay Donald Yamamoto bishii Oktoobar 2018. Larry
Andre ayaa xilkan la wareegay bishii Febraayo 2022, wuxuuna xilkaasi hayay
illaa July 2023.
Mareykanka ayaa sheegay in magacaabistan ay dib u xaqiijineyso sida ay
Mareykanka uga go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageerto safarka ay ugu jirto
xasilloonida iyo horumarka.
Monday, November 6, 2023
Guddoomiyaha degmada Baardheere oo xaqiijiyey in roob ka da’ay guud ahaan gobolka Gado uu sameeyn ku yeeshay dadka Shacabka ah
Guddoomiyaha degmada Baardheere oo sheegay in roob ka da’ay guud ahaan
gobolka Gado uu sameeyn ku yeeshay dadka Shacabka ah
Waxaa isa soo tarayo sameeynta ka dhalatay Roobka deyrta oo saacadihii la
soo dhaafay ka da’ayay degaanno badan oo ka tirsan gobolka Gado.
Roobabka waxaa ka dhashay fatahaado iyo daadad geystay qasaare dhimasho iyo
bur-bur hantiyeed,waxana meelaha qaar laga soo warinayaa in ay jiraan barakac
xooggan
Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed wali Yuusuf Qorax oo la hadlay
warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto degmada iyo guud
ahaan gobolka waxa uuna dowladda iyo Maamulka jubbaland ugu baaqay in gurmad
deg deg ah lala soo gaaro Qoysaska oo roobka sameeyay.
“xaafadaha ay ka koobantahay degmada Baardheere guud ahaan waa wada
saameeyeen daadadka roobka,waana laga wada barakacay guud ahaan gobolka Gedo
dagmooyinkiisa, gurmad degdeg ah ayaan codsaneynaa” sidaa waxaa yiri
Guddoomiyaha degmada Baardheere
Wararka waxa ay intaa ku darayaan in laga cabsi qabo in ay go’do Buundada
degmada Baardheere oo biyuhu buux dhaafiyeen,waxaana isa soo taray dadka ka
barakacayo degmada,inkastoo
Sidoo kale ma ahan goobaha ay roobabku sameyeen gobolka Gado Lee ee waxaa
la soo warinayaa degaano dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka roobka uu sameeyn
ku yeeshay waxa ayna dadkaan xiligaan u maahanyihiin gurmad deg deg ah oo loo
fidiyo
Sunday, November 5, 2023
Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha
Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqay gurmado dag-dag ah
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed
Jaamac ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay'adda Maareynta iyo
Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, waxaana halkaasi kusoo
dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka Dr
Axmed Cabdi Aadan.
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xaalad
deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay
fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka xoogan ee ka da'aya inta badan
gobolada dalka.
”Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo
roobab xoogg leh oo ka da’aya gobolada dalka, xog aan hayno dhimashu waa ilaa
10 qof" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.
R/W ku-xigeenka dalka oo sameeyeen daadadku
Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaare ku xigeenka dalka in dowladdaFedaraalka ay ku jirto dadaalo la xariira sidii gurmadyo loo gaarsiin lahaa
dadka ay saameeyeen dhibaatada fatahaadaha iyo roobabka ka dhashay..
Gabagabadii Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed,
gaar ahaan ganacsatada iney taageero iyo garab istaag u muujiyaan dadka Soomaaliyeedee dhibaatada ka soo gaartay daadadka iyo fatahaadaha ee xaaladaha deg deg ah
ku jira.
Friday, November 3, 2023
Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis cusub oo ku saabsan taageerada iyo dib-u-habeynta Maaliyadda
Hay’adda Lacagta Adduunku oo sheegtay in horumarka la taaban karo laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda
Hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Dowladda federalka Soomaaliya,
ayaa is afgarad ka gaaray barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka
Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha oo dayn cafiska ka dib la hirgalin
doono.
Warbixin dheer oo kasoo baxday IMF, ayaa lagu ammaanay Dowladda Federaalka
Soomaaliya in ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay
gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee
muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama
dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta
ah bisha December 2023-ka.
Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay
gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha
Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah, sida war- saxaafadeedka lagu
sheegay.
dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgartey
IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub oo lagu magacaabo ECF, in
ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka
Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey'adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada
yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi
Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF, ayaa sheegay in
heshiiskaan uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta maaliyadda kadib
marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka dayn cafinta.
Thursday, November 2, 2023
R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta