Sunday, October 15, 2023

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga

 

DF Somalia iyo saaxiibada caalamka

 Kooxda shanta ah ee Soomaaliya ayaa kulankoodii afaraad ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday dalalka Turkiga, Soomaaliya, Qatar, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, waxaana dalalkii ka qeyb galay kulanka ay bayaankooda ku caddeeyeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka oo dhan.

Waddamadan ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-shabaab, iyagoo si weyn uga hadlay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, horumarka laga gaaray dib-u-habeynta laamaha ammaanka Soomaaliya, iyo tallaabooyinka xiga ee lagu horumarinayo. .

Ugu dambeyn, dalalka ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya si loo yareeyo khatarta Al-shabaab, isla markaana gabi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog