Wednesday, August 9, 2023
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa booqday keydka xarunta Hay’adda ee SoDMA.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud
Macalim Cabdulle ayaa maanta waxa uu kormeeray keydka ama Baqaarka xarunta
dhexe ee SoDMA oo ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawooyin iyo
Dhar taas oo loogu talagalay in dhawaan loo daabulo deeganadii khawaarijta laga
saaray iyo kuwa maalmaha soo socda laga xoreyn doono.
Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in ka hay’add ahaan ay u diyaar garoobeen
sidii gargaar u gaarsiin la hayeen Magaaloyinka iyo deegaannada Gobolada dalka
ee dhawaan laga xoreyn doono khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo ay ugu
horeyo Magaalada Ceelbuur.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in marwalba ay ka go’antahay u gargaarida
bulshada Soomaaliyed waxaana u sheegay in malamaha soo socdana gargaar
mucaawino ah ay u daabuli donaan Magalaada Lascaanood, oo shacab badan oo
dagaalada halkaas ka socda saameen ka soo gaartay ay tubanyihiin banaanka
Magaaladaas,
Guddoomiye Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay
ka qeyb qataan gurmadka loo fidinayo walalaha Soomaaliyeed ee dhibatada muddada
badan ay ku hayeen argagixisada Al-shabaab.
Tuesday, August 8, 2023
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Isniin ah
xafiiskiisa kula kulmay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya,
Michael Nithfrianakis.
Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaare Hamza iyo Danjire
Nithfrianakis waxa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira xiriirka labada dal,
iyadoo diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada ammaanka iyo
siyaasadda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday qorshaha guud ee ay
Xukuumaddiisa ku xoreyneyso dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan
yahay in la taageero barnaamijka xasilinta deegaanada laga saaray Al-Shabaab.
Qodobada looga wada hadlay ayaa ahaa dardar gelinta mashaariicda ay UK ka
taageerto Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira horumarinta, gargaarka iyo amniga,
iyadoo Boqortooyada Sacuudiga ay ka mid tahay wadamada sida weyn u taageera
Soomaaliya.
Monday, August 7, 2023
Shiinaha ayaa $150 ugu deeqay dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA
Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maantay Xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay
Safiirka Dawladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Fea Shengchao.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubno ka tirsan Madaxda hay’adda SODMA,
ayaa Safiirku ku doonsiiyey Guddoomiyaha Deeq Lacag oo dhamaayd $150,996, oo
ahaaye kaalmo.
Kaalmada ka timi Dowladda Shiinaha waxay ugu tala-galeen in lagu caawiyo
dadka u baahan iyo Mucaawinooyin kale oo hore lugu soo wareejiyeen hay’adda
SODMA, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay hay’adda.
Gargaarka iyo mucaawinooyinka ayuu qorshuhu yahay in la gaarsiiyo deeganada
kooxda Al-Shabaab laga saaro iyo degaanadda laga xoreeyo si dadka degaanka
loogu caawiyo iyo meelaha ay sameeyeen abaarahu.
waxaa kulanka diirada lagu saaray in Dowladda Shiinaha hay’adda ay ka
caawiso Mashaaricda Horumarinta, qalabeenta iyo dhisida Ceelasha Biyaha,
Tababarada shaqaalaha hay’adda iyo sii xoojinta xiriirka hay’adda iyo Safaarada
shiinaha u joogta Soomaaliya.
dagaalaad ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socoda degaanoo kala duwaan
ayaa weli gaarin qoshiihii laga lahaa wellow uu jiro dib u dhac Wajigii labada
ee Dagaalka usaan weli billaaban.
waxaana well wel laga muujinayaa degaano horay looga xoreyey oo ay dib ugu
soo labtaan Kooxda Al-shabab iyo Tuulooyin hore oo ay ku soo dhowaadeen
Maalmihii ugu dambeyey sida wararku sheegayaan.
Sunday, August 6, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si KMG ah ugu shaqeynaya magaalada Dhuusamareeb
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirro
iyo saraakiil ciidan ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Dhuusamareeb ee
xarunta maamulka Galmudug ee bartamaha dalka.
Madaxweynaha ayaa si ku meel gaar ah ugu guuray magaaladaas si uu u
kormeero howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ujeeddaduna tahay sidii
meesha looga saari lahaa xarakaadka weli gacanta ku haya deegaanada dowlad
goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay ku
guuleysatay in ay ka xoreyso inta badan deegaannadii ay ku sugnaayeen. wajigii
koowaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray Dusmareeb waxaa ku soo dhaweeyay
Madaxweynaha Galmudug Madaxa Xukuumadda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor
iyo ku xigeenkiisa Cali Taher Ciid oo ay wehliyaan Madaxweynaha iyo Xildhibaano
ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu dhameystiro guulihii laga gaaray
wejiga koowaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo in gebi ahaanba laga
sifeeyo dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo ay ka socdaan dhaq
dhaqaaqyo, si dagaallada ay kula jiraan loogu wareejiyo dowlad goboleedyada
Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Galmudug mowqifka adag ee ay ka
istaageen kooxaha xagjirka ah, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ugu weyn ee ay u
leeyihiin dadaallada xasilinta ee dowlad goboleedka, wuxuuna caddeeyay in
dowladdiisa ay ka go’an tahay xallinta khilaafaadka, isdhexgalka bulshada, iyo
xoojinta awoodda difaaca qaranka.
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Cali Digi, ayaa
tilmaamay in Madaxweynaha uu howlihiisa shaqo ka gudan doono Magaalada
Dusmerib, waxaana uu sheegay inta uu Magaalada ku sugan yahay waxyaabaha ugu
muhiimsan ee uu qaban doono ay ka mid tahay in la dardargeliyo dagaalka ka
dhanka ah Al Shabaab. Maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, balse ma
uusan soo hadal qaadin mudada uu madaxweynaha joogi doono caasimadda Glamdog.
Saturday, August 5, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wafdiga Sacuudiga kala hadlaya sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga iyo maalgashiga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday
Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Dr.
Madaxweynaha ayaa dhambaal ka guddoomay wafdiga Boqorka Sacuudiga Boqor
Salmaan Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, taasoo
ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka
dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah heerar kala duwan.
Madaxweynaha oo kulanka ku wehliyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa wafdiga Sacuudiga kala hadlay
iskaashiga dhinacyada amniga iyo maalgashiga, wuxuuna Madaxweynuhu daboolka ka
qaaday fursadaha maalgashi ee ka jira dalkiisa iyo dadaallo ay dowladdiisu ku
dhiirigelisay maalgashadayaasha, isagoo muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay ka
qaybgalka Boqortooyada ee dib u dhiska Soomaaliya.
Mr. Ahmed bin Abdulaziz, Lataliyaha Maxkamadda Boqortooyada, ayaa dhankiisa
war saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasiirka Amniga, Maxamed Axmed
Sheekh, ku xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay diyaar u tahay inay
Soomaaliya ka taageerto dhinacyada ammaanka iyo maalgashiga. Ujeeddada ah in la
helo xasillooni iyo kor u qaadista fursadaha horumarineed ee dalka.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay
taageerada Boqortooyada Sacuudiga, isagoo carabka ku adkeeyay in iskaashiga
Soomaaliya iyo Sacuudiga uu qeyb weyn ka qaadan doono sidii loo heli lahaa
xasilooni iyo horumarinta dalka.
Monday, July 24, 2023
Madaxweynaha JFS oo caasimadda Talyaaniga ee Roma uga qeybgalayo shirar heer caalami ah