Tuesday, July 18, 2023

Howl wadheenka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkii wadatashiga ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Maxamuud iyo madaxdii hore.

Howlgalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “MidowgaYurub waxa uu soo dhaweynayaa shirkii wadatashiga ee dowladda Federaalka ay dhawaan la yeelatay madaxda hadda jirta iyo kuwii hore ee Soomaaliya.

Dawlad-dhisidda iyo dimoqraadiyaynta ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo Qorshaha Hawl-galka Wadajirka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa madaxdii hore ee Soomaaliya ugu yeeray shir wadatashi ah oo ay isku weydaarsanayeen aragtiyo ku aaddan xaaladda Soomaaliya, si ay u dhageystaan ​​fikradahooda ku aaddan amniga, la dagaallanka argagixisada, dhameystirka dib u eegista dastuurka iyo taabagelinta dimuqraadiyadda.

 

Share:

Monday, July 17, 2023

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaaday in 2.7 milyan oo qof ay ku barakaceen abaarta ka jirta Geeska Afrika

 

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in abaaraha ka jira Geeska Afrika ay sababeen barakaca ilaa 2.7 milyan oo qof.

Warbixin cusub oo ay soo saartay xaaladda gobolka, WFP waxay ku sheegtay in 1.7 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, 516,000 oo qof oo ku nool Itoobiya iyo 466,000 oo qof oo ku nool Kenya ay barakiciyeen abaaro.

Warbixinta WFP waxa kale oo ay daaha ka qaaday in boqollaal kun oo qaxooti ah oo gaadhay goobaha ay abaaruhu saameeyeen ee saddexda waddan ay sii kordhinayso cunto yarida gobolka.

Warbixintu waxa ay tidhi: “Gobolka Geeska Afrika waxa soo maray abaaro ba’an oo xagga cimilada ah ka dib xilliyo xidhiidh ah oo ka hooseeya heerka caadiga ah ee roobabka ilaa dabayaaqadii 2020-ka, kuwaas oo saameeyay beeraha, xoolaha, dhirta, kheyraadka biyaha, hab-nololeedka, iyo kheyraadka daaqa.”

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ku qiyaastay in abaarta daba dheeraatay ee Geeska Afrika ay sababtay in 23.4 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari ba’an iyo 5.1 milyan oo carruur ah oo ay soo food saartay nafaqo darro ba’an.

Horraantii sanadkan, Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP waxay ka digtay in xilli roobaad kale oo xun inta u dhaxaysa March iyo May 2023 ay cawaaqib xun ku yeelan doonto bulshooyinka Geeska Afrika oo dhan.

 

Share:

Sunday, July 16, 2023

JFS ayaa sheegtay inay burburisay kaydkii Khawaarijta ee waxyaabaha qarxa ee gobolka Galagduud

gobolka Galagduud


Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud.

Saraakiil katirsan ciidanka Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay khasaare weyn gaarsiiyeen kooxda Alshabaab.

Howlgalka laga fuliyay gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in lagu burburiyay godad Alshabaab ay ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa.

Dowladdu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal badan oo katirsan Alshabaab iyo horjoogayaal. Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gariyaale, halkaas oo lagu khaarijiyay 18 xubnood oo Shabaab ah. Warbaahinta Dowladda ayaa barteeda telegraamka faafisay sawirrada maydadka Alshabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare, ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadayso howlgalkan illaa laga ciribtirayo Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanada hoos yimaada degmada Galcad.

Galcad ayaa kamid ah degaanadii laga xoreeyay Alshabaab, horraantii sanadkan, inkastoo Shabaabku ka geysteen mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo uu ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, Xasan Tuure.

 

Share:

Saturday, July 15, 2023

Shirka Wadatashiga ee ka socday Muqdisho oo laga soo Gabagabeeye

 

Muqdisho

Waxaa maalintii Khamiistii magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir wadatashi ah oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo looga hadlayay xaaladda dalka.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamza Cabdi Berri, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, Madaxweynayaal hore iyo Ra’iisal Wasaareyaal iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qeybgalayaashu ay ka doodeen lix qodob oo kala ah Hannaanka Doorashada, Hanaanka Madaxweynaha, Hanaanka Xisbiyada badan, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mideynta Shuruudaha Hay’adaha Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, iyo hannaanka dhameystirka dib u eegista Dastuurka. .

Madaxtooyadu ma aysan shaacin wax heshiis ah oo laga gaaray qodobadii laga wada hadlay, balse Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa shirka ku tilmaamay mid horumar leh.

Natiijadii ka soo baxday shirkii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu qabtay bishii May ee la soo dhaafay ayaa muran badan ka dhaliyay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Shirka wadatashiga ah ee ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiintii hore ayaa ahaa mid ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay in ay ku qanciso dhinacyada siyaasadda isku haya in ay aqbalaan natiijadan, inkastoo aysan muujin horumarro laga gaaray arrintan inkastoo shirka Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

 

Share:

Friday, July 14, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ay hogaaminayso Ku-simaha Safiirka Finland

 

Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Lataliya-sare iyo Agaasimayaal ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ay hogaamineysay Emma Pajunen oo ah qunsulka u qaabilsan Waxbarashada iyo horumarinta bulshada isla markaana ah ku Simaha Safiirka dalka Finland iyo Ida Rasanen oo ah isuduwaha arrimaha siyaasadda iyo horumarinta.

Kulankaan oo isbarasho ku bilawday labada dhinac ah ka dib ayaa  ku simaha Safiirka dalka Finland ahna qunsulka u qaabilsan Waxbarashada iyo horumarinta bulshada warbixin kooban ka siisay

Guddoomiyaha SoDMA howlaha guud ee dalka ka qabtaan iyo teegeerada Mashaariicda maaliyadeed ay dalka Soomaaliya kaga qayb qataanaan hormarintiisa iyo Hay’addaha kala duwan ay la shaqeeyan ayaa aad u soo dhaweeysay soo dhaweeyntii wanaagsaneed ee lagu soo dhaweeyay Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa dhankiisa warbixin kooban ka siiyay xilliga la aasaasay Hay’adda SoDMA iyo howlaha balaaran ay ka qabatay Abaaraha, Fatahaadaha, Gargaarka iyo Gurmadka degdega ah mudadii yareed ay Hay’adda jirtay,

una sheegay in ay sii laba jibaari doonaan, Guddoomiyaha ayaa ku amaanay Dowladda Finland howlaha ay dalka ka qabato uguna mahadceliyay Masuuliyiinta ka socotay Safaarada Finland booqashada ay ku yimadeen Xarunta SoDMA.

 

Share:

Thursday, July 13, 2023

RW Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray

 

Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay hoygiisa magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Dr. Abdelweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Intii uu kulanka socday ayuu Xamza uga warbixiyay labadii ra’iisul wasaare ee hore guulihii ay dowladda federaalka ka gaartay, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada, barnaamijka deyn cafinta ee dalka, qaadista cunaqabateynta hubka iyo mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Afrika.

Gaas iyo RW Sharma’arke ayaa kula dar-daarmay madaxda dowladda Soomaaliya inay xoojiyaan dadaallada lagu doonayo in dalka looga xoreeyo dhaq-dhaqaaqa dhallinyarada inta aan la gaarin doorashada.

Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka mid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiintii ka qeyb galaysa shirka wadatashiga ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen madaxda Soomaalidaee hadda jirta.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog