Thursday, June 8, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo kulankii u horeeyay la qaatay ergeyga cusub ee QM
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku
qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo
magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa ka wadahadlay
dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero
dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada
la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay
leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira goobaha laga
saaray argagixisada.
Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka
Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo
bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna,
waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta
wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka
bini’aadannimo.
Wednesday, June 7, 2023
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa ka wada hadlaya xoojinta iskaashiga milatari iyo la dagaalanka argagixisada
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane
Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa
kulan la qaatay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili oo
Wasiirka iyo Wafdigiisa ku soo dhaweeyay dalkaas.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo Iskaashiga
ciidamada, iyagoo isla soo hadal qaaday Iskaashiga la dagaallanka argagixisada.
Taliyaha waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga
ciidamada labadeena dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka
argagixisada caalamiga ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac
Wadahadalladan ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamadaxoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka
Sacuudiga.
Tuesday, June 6, 2023
Shir looga hadlayo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya oo ka furmay magaalada Kismaayo
Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ka
furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin'aadamnimada.
Shirkaan waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta XFS Cabdiraxmaan
Beenebeene.
Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka
Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad
Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ,wakiilo iyo safiiro ka
socda Beesha Caalamka.
Shirkaan waxa lagu faaqidayaa Jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka
Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo
abaaraha.
Monday, June 5, 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo la kulmay dhiggiisa Sacuudiga
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa
qalinka ku duugay heshiisyo cusub oo labada dowladood ay ku xoojinayaan
xiriirka qotoda dheer ee labada dal.
Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa shalay magaalada
Riyaad kula kulmay dhiggiisa dalka Suadi Dr. Abdullahi bin Muxamed bin Ibrahi
Alaa Sheikh, iyagoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada
baarlamaan ee dhanka siyaasadda iyo arrimo kale oo ay uga faa’ideysan karaan
muwaadiniinta labada dal. .
Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sucuudiga ayaa ka wada
hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo
xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka
Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Baarlamaan.
Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga
shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la
dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo
xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa tobanaan sano ka
dhaxeeyay xiriir diblumaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale gaar ahaan dhanka
xoolaha iyo shaqada.
Dowladda Sacuudiga ayaa 80% ka isticmaasha dhoofinta xoolaha nool ee
Soomaaliya, waxayna soo jiidataa inta badan dadka Soomaalida ah ee ka shaqeysta
tahriibka, kuwaasoo saameyn ballaaran ku yeeshay qaab dhismeedka dhaqanka iyo
bulshada Soomaaliyeed.
Sunday, June 4, 2023
RW Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha dalka Jarmalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha
Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo
ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay
xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada
dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha
bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo
tababarka ciidanka booliska
Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo
tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla
markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan
tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee
dalka.
Jarmalka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, markii laga soot ago
deeqaha iyo kabka miisaaniyadda dowladda, Jarmalku wuxuu ka qeyb qaataa
tababarrada la siiyo ciidamada booliska Soomaaliya.
Saturday, June 3, 2023
Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay aqbalaada codsiga Soomaaliya ee Dallada (EAC)