Sunday, November 5, 2023
Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha
Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqay gurmado dag-dag ah
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed
Jaamac ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay'adda Maareynta iyo
Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, waxaana halkaasi kusoo
dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka Dr
Axmed Cabdi Aadan.
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xaalad
deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay
fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka xoogan ee ka da'aya inta badan
gobolada dalka.
R/W ku-xigeenka dalka oo sameeyeen daadadku
Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaare ku xigeenka dalka in dowladdaFedaraalka ay ku jirto dadaalo la xariira sidii gurmadyo loo gaarsiin lahaa
dadka ay saameeyeen dhibaatada fatahaadaha iyo roobabka ka dhashay..
Friday, November 3, 2023
Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis cusub oo ku saabsan taageerada iyo dib-u-habeynta Maaliyadda
Hay’adda Lacagta Adduunku oo sheegtay in horumarka la taaban karo laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda
Hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Dowladda federalka Soomaaliya,
ayaa is afgarad ka gaaray barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka
Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha oo dayn cafiska ka dib la hirgalin
doono.
Warbixin dheer oo kasoo baxday IMF, ayaa lagu ammaanay Dowladda Federaalka
Soomaaliya in ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay
gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee
muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama
dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta
ah bisha December 2023-ka.
Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay
gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha
Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah, sida war- saxaafadeedka lagu
sheegay.
dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgartey
IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub oo lagu magacaabo ECF, in
ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka
Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey'adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada
yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi
Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF, ayaa sheegay in
heshiiskaan uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta maaliyadda kadib
marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka dayn cafinta.
Thursday, November 2, 2023
R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta
R/W Xamza oo si adag u booriyey culimada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan
dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo
jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada
Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii
iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan
doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”.
Ra’iisul wasaare xamse oo kadigey dhibaatooyinka Khawaarijta
RW xamse oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh
Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay
faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee
uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee
Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo
qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wednesday, November 1, 2023
Hay’adda SoDMA oo muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka jawaabidda khatarta El Niño
Hay’adda Mareeynta masiibooyinka ayaa si dhow ula socda xaaladda El
Niño.
Hay’adda Mareeynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa muqdisho ku qabatay
shir looga hadalyo isku-duwidda hoowlaha ka jawaabidda khatarta El Niño.
Shirka oo ay iskugu yimaadeen inta badan dowlad gobolleedyada dalka,
maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adaha dowladda federaalka ayuu hadafku ahaa
isku duwidda howlaha ka jawaabista khatarta ElNiño.
Cabsiweeyn oolaga qabo khatarta ElNiño.
Shirkan ayaa waxaa daah-furay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareeynta
Masiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Adan, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wada
shaqaynta iyo isku xirnaanta dowladda
labadeeda heer dhinaca ka jawaabista khatarta El Niño oo qaybo ka mid ah
dalka ay ku dhufatay xilli roobaadkan gudahiisa iyo guud ahaan gargaar
gaarisiinta bulshada tabaaleeysan.
Tuesday, October 31, 2023
Raysal Wasaare Xamse oo furay shir ku saabsan doorka culimadu ku leeyihiin ciribtirka xagjirnimada
Xamza oo maanta
Muqdisho ka furay shirweyne muhiim ah
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku
leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay furitaanka shirweynahan ayaa xusay in
culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo
ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.
Mudane Xamza ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in
aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo
dabargoynta fikradaha argagixisada.
Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha
Ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u
dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada,
indheer-garadka iyo dowladda.
Wuxuu si gaar ah ugu baaqay culimada in ay doorkooda ka qaataan
dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo
ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirba, taas oo horseedday
in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka
Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo.
Monday, October 30, 2023
Midowga Yurub ayaa u qoondeeyay 20 milyan oo Yuuro si loogu taageero miisaaniyadda Soomaaliya