Monday, September 25, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Minneapolis

 

Minneapolis

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumaankun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka ay Dowladdu ku tillaabsatay ee dhinacyadfa amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga

 

Share:

Sunday, September 24, 2023

RW Xamse oo shaaca ka qaaday sababta Al-shabaab mar walba qaraxyada ugu beegsato Baledweyne

 

Baledweyne

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo khasaare badan geystay oo Shalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne.

Raysal wasaare Xamse ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxa, isagoona eebe uga baryay kuwa dhaawaca ah inuu bogsiiyo.

Xamse Cabdi Barre ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid fuleynimo ah oo ay kooxdu ku baabi'ineyso dadka Soomaaliyeed markii looga soo adkaaday furimaha hore ee dagaalka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay sababta mar walba kooxdu ugu beegsato qaraxyada magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

"Sababta ay u bartilmaameedsanayaan kooxda Khawaariijta magaalada Beledweyne waxay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar gooynta Khawaarijta" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha Soomaaliya in kooxdu haatan ay dalka kaga harsan tahay meelo kooban, islamarkaana dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka guul gaari doonaan dagaalka dalka looga curibtirayo kooxda Shabaab.

Gabagabadii qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Baledweyne ayaa marba marka ka dambeysa waxaa sii kordhaya baaxada khasaaraha kala duwan ee uu geystay qaraxaasi oo ahaa mid laga soo buuxiyay gaari Xamuul ahaa.

 

Share:

Saturday, September 23, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Biden

 

Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay oo Jimce ahayd kula kulmay xarunta Qaramada Midoobay ee New York Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Wadahadallada dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamzah Barre iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga amniga, iyo taageerada Mareykanka ee Soomaaliya si loo gaaro xasillooni iyo horumar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hamzah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in sidoo kale wada-hadallada lagu soo qaaday sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran iyo doorka dowladda Mareykanka ay ku caawinayso dowladda Soomaaliya barnaamijka deyn cafinta ee heer gabo gabo ah maraya.

Warku waxa uu intaa ku daray in muhiimadda koowaad ee Soomaaliya ay tahay amniga, iyadoo lagu nuux-nuuxsaday in si loo gaaro yoolkaas loo baahan yahay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed oo casri ah oo awood u leh in ay mas’uuliyadda amniga dalka kala wareegaan ATMIS marka la gaaro 31-ka December 2024-ka.

Share:

Friday, September 22, 2023

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

 

Hay’adda SoDMA

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u diyaar garowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA  ayaa waxaa looga hadlay qorshaha u diyaargaroowga, isuduwidda hawlaha gargaarka iyo sidii goor hore wax looga qaban lahaa khatarta ka imaan karta fatahaadaha duufaanta El Niño ay u geeysan karto deegaanno badan oo dalka ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay illaa 64 qof oo kala matalayay hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Gargaarka, Gurmadka Degdega, Safaaradaha dowladaha aynu walaalaha nahay, Deeq bixiyayaasha, Wasaaradaha Gargaarka Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

 

Share:

Thursday, September 21, 2023

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA,oo lakulmey Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,

 

Hay'adda SoDMA


Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlayay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga Duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Dhinacyadu waxa ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani'aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyo khawaarijta, in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hor tagga iyo ka daba-tagga saameynta la filayo ee Duufaanta El-Nino iyo in Dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA, wuxuu sidoo kale safiirka kala hadlay sidii ay nooga gacan siin lahaayen fududeynta kulama doceedka hay'adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.

Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wadahadlay wuxuuna xusay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

 

Share:

Wednesday, September 20, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhin doona Soomaaliya

 

danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Safiirka cusub ee Midowga Yurub Karin Johansson, ayaa shalay oo Isniin ahayd warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Dusmareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya. ee dalka.

Munaasabadan oo aheyd mid taariikhi ah ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo warqadaha aqoonsiga looga guddoomo madaxweynaha oo ka soo baxay xafiiskiisa oo ku yaala xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay “Tani waa waqti taariikhi ah oo cadeyneysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay saameyn ku leedahay meelo ka baxsan caasimadda Muqdisho, isagoo intaa ku daray in aan halkan u joogno inaan u adeegno shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhammaan gobollada dalka”.

Danjire Johansson ayaa dhankeeda bogaadisay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo sheegtay in xiriirka MidowgaYurub iyo Soomaaliya uu marayo heerkii ugu sarreeyay abid.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog