Sunday, August 27, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay madax ka socotay madasha mutadawiciinta

Hay’adda SoDMA


Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Madasha Mutadawiciinta Soomaaliyeed (Somalia volunteering work forum).

Guddoomiyaha ayaa isbarasho kadib ka dhageestay Guddoomoyaha madasha Mudane Xasan Cali Axmed wax qabadka iyo qorshooyinka fog ee madasha.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa dhankiisa soo dhaweeyay fikirka mutadawacnimo ee madasha ku dhisantahay oo ah arrin Soomaaliya si fog ay ugu baahantahay.

Ugu danbayn, Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Muane Maxamuud Macalin ayaa u balan-qaaday in Hay’adda SoDMA iyo Madashan cusub si dhaw u wada shaqayn doonaan.

 

Share:

Saturday, August 26, 2023

Ra'iisul Wasaaraha JFS xamze cabdi barre oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa, Saalix Axmed Jaamac, ayaa maanta oo Jimco ah gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Gor-Gor”, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa, dowladda federaalka iyo shacabka magaalada Dhuusamareeb ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu uga mahad celiyay Berri soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, wuxuuna u mahadceliyay dowlad goboleedka Galmudug iyo shacabkeeda sida ay ugu heelan yihiin ka qeyb qaadashada dadaallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu ka qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo xiligaan ka furmaya Caasimada Galmudug, iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro dhalinyarada si meesha looga saaro


Share:

Friday, August 25, 2023

Wasiirka isgaarsiinta oo ka hadlay sababta ugu weyn ay dowladdu u joojinayso Tiktok, 1xbet iyo Telegram

 

isgaarsiinta

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknooljiyada xukuumadda Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee ay dowladdu u xirayso isticmaalka baraha bulshada, sida Tiktok, 1xbet iyo Telegram.

Wasiirka isgaarsiinta ayaa sheegay Dowladda inay dhibaato weyn ku qabtay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuua si gaar ah farta ugu fiiqay shabakada 1xbet oo ah shabakad caan ku ah lacagaha qamaarka lagu cayaaro.

Wasiirka wuxuu sheegay in askarta dowladda ay gaarsiisay heer ay hubkooda iibiyaan si qamaarka ugu cayaaraan.

“Dhallinyarada askaraha ee qaranka u shaqeeya aad buu ugu faafay 1xbet, oo wuxuu gaaray inay qoryaha kala helaan. Number weyn ayaa jira oo ma ahan wax qarsoodi ah,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirku wuxuu sheegay in si qaldan looga faaidaystay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuu sheegay dowladdu in aysan hadda ka gaarin go’aan kama dambays ah, balse ay hakisay, si loo yareeyo waxyeelada ay Dowladda iyo bulshada ku hayaan.

Qaarkood wuxuu sheegay in amniga lagu dhibaateeyo. Qaar kalena wuxuu sheegay in xumaanta lagu faafiyo. Wuxuu sheegay jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda inuu halis ku jiro.

 

Share:

Thursday, August 24, 2023

Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo siyaasiyiin iyo bulshada Galmudug kala hadlay xasilinta deegaanada laga saaray Al-shabaab

Madaxweyne JFS Xasan

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay kulan kula qaatay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo shacabka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si ku meel gaar ah ugu sii shaqeynaya magaalada Dhuusamareeb ayaa siyaasiyiinta iyo bulshada reer Galmudug kala hadlay xasilinta deegaanada laga xureeyay kooxda Al-shabaab iyo qorshaha dowladiisa ay ku gaar siineyso adeegyada aas aasiga ah.

Madaxweynaha dowladda fedaraalka ayaa sidoo kale xusay in deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ay ugu talo galeen mashaariic horumarineed, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha oo si deg deg ah looga hirgelinaayo dhamaan deegaanada laga xureeyay Ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso dabar goynta kooxaha argagixisada ah, oo ay ciidamada Qaranku ka soo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyadda.

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhuusamareeb u jooga dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee la doonayo in guud ahaan dalka looga sifeynaayo, xili Shalay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay gacanta ku dhigeen degmada Ceelbuur oo aheyd taliskii ugu weyna Al-shabaab ee gobolada dhexe.

Share:

Wednesday, August 23, 2023

RW XFS oo la kulmay Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

 

Soomaaliya

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’isul WMudane Xamsa Cabdi Barre Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta XFS, Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ah dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha mudane Xersi Gaani iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul Wasaaraha warbixin ka siiyay hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho iyo muhiimadda ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.

Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isul Wasaaraha ugu mahad celiyay kulankan  iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha dowladda,  Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.

Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta  bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

 asaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta XFS, Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ah dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha mudane Xersi Gaani iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul Wasaaraha warbixin ka siiyay hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho iyo muhiimadda ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.

Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isul Wasaaraha ugu mahad celiyay kulankan  iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha dowladda,  Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.

Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta  bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

 

Share:

Tuesday, August 22, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo qaabiley safiirka Jabuuti


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan uu uga siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada baaxada leh ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee gacan ka geysta howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.


Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog