Sunday, July 23, 2023
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso in ay ku xoojiso isbaheysiga milatari ee ay la leedahay Soomaaliya
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheyneyso
inay xoojiso isbaheysiga milateri ee ay la leedahay dalalka Afrika oo ay
Soomaaliya ku jirto, kadib kulan ay la qaadatay Wasiirka Gaashaandhigga
Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye
Guuto Ibraahim Sheekh Mohiuddin.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa
ammaanka dalka Soomaaliya, iyo sidii loo sameyn lahaa saldhigyo cusub oo ay
leeyihiin ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan “DnB”.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobayso
wajigii labaad ee dagaalka ay kula jirto Xarakadda Al-Shabaab, waxaana la
filayaa in Maraykanka uu taageero muhiim ah siiyo ciidamada Soomaaliya gaar
ahaan kuwa “Denab” oo uu Mareykanku tababaray.
Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu
kulamo la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Safiirka UK ee Soomaaliya,
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Madaxa Xafiiska Siyaasadda
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Uganda, isagoo kala hadlay
sidii loo abaabuli lahaa taageerada caalamiga ah ee la dagaalanka Argagixisada.
Saturday, July 22, 2023
Soomaaliya iyo Britain ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo khatarta Al-Shabaab
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Dowladda
Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nethifrianakis ayaa maanta oo
Jimco ah kaga wada hadlay xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo khatarta
Al-Shabaab.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa qiimeyn ku sameeyay horumarka ay ciidamada
amniga Soomaaliya ka sameeyeen dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo
caqabadaha weli hortaagan in dalka uu ka xoroobo argagixisada.
Danjire Nithfrianakis ayaa ka faa’ideystay fursadda uu ku muujinayo
taageerada hagar la’aanta ah ee Dowladda Britain ay siiso dadaallada Soomaaliya
ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta nabadda iyo amniga gobolka.
Wasiir Nour iyo Danjire Nithfrianakis labaduba waxay carrabka ku adkeeyeen
muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto arrimaha asaasiga ah ee gacan ka
geysta xagjirnimada iyo argagixisada.
Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay
hindisayaasha horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada ee looga gol leeyahay in lagu
helo fursado korriin iyo barwaaqo ah dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada,
maadaama hindisayaashan ay lagama maarmaan u yihiin in la yareeyo saameynta
fikradaha xagjirnimada iyo horumarinta xasillooni waarta.
Natiijadii ka soo baxday kulanka Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqaya
iskaashiga istiraatijiyadeed ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK ee
mowqifkooda mideysan ee ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada lagu
hagaajinayo amniga gobolka
Friday, July 21, 2023
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiray tababarka kor u qaadista doorka gabdhaha saxafiyiinta
Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo
dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka qeyb galay 30 gabdhood oo
saxafiyiin ah oo ka hawlgala hay’adaha Warbaahinta gaarka ah iyo ururada
saxaafadda, waxaa uuna socday intii u dhaxeysay 18-kii ilaa iyo 20-ka July,
2023.
Ka qeyb galayaasha ayaa qaatay casharro diiradda lagu saaray habka maamulka
hay’adaha warbaahinta oo ay bixinayeen macalimiin qibrad u leh, waxaana ay isku
weydaarsadeen doodo looga hadlayay caqabadaha iyo fursadaha gabdhaha ee
hay’adaha warbaahinta.
Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada Wasaaradda Warfaafinta,
Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Marwo Fartuun Axmed Xasan ayaa sheegtay in u
jeedka tababarkan soo idlaaday uu ahaa xoojinta doorka dumarka ee maamulka
Warbaahinta.
“ Gabdhaha waa laf dhabarta Warbaahinta, waxaan tababarkan u qabanay in
wadaagno muhiimada ay leedahay koru qaadista kaalintooda maamulka, waxaan
rabnaa in gabdhaha fursadahooda kor loo qaado sida in ay hay’adaha warbaahinta
ka noqdaan agaasin, tifaftir iyo Madax qeybeed, ayay tiri Agaaisme Fartuun.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle oo soo xiray
tababarka ayaa kula dardaarmay gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka faa’iidaystay
tababarka in ay dhaqan galiyaan waxyaabihii ay ka faa’iideyn aqoon
isweydaarsiga.
Agaasime Xayir ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo
Dalxiiska ay ka go’an tahay xoojin doonto kobcinta aqoonta iyo xirfadaha
saxafiyiinta si gaar gabdhaha oo muhiim u ah.
“Tababarkan waxaan u qabanay in aan kor u qaadno oo muujino kaalinta
gabdhaha ee maamulka Warbaahinta, waxaan rajeynayaa ina aad dhaqan galisaan
wixii aad ka kororsateen, ka wasaarad ahaan waxaan rabnaa in tababarkan
gabdhaha sii wadno waxaan gaarsiin doonaa dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada
maalmaha iyo todobaadyada soo aaddan, waxaa naga go’an kor u qaadista
tababaridda iyo horumarinta wariyayaasha si guud, si gaar ah gabdhaha oo
muhiim u ah”
Ka qeyb galayaasha tababarka oo la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinayay
tababarka ay qaateen ayaa uga mahad celiyaay wasaaradda qabashada tababarkan oo
ay sheegeen in wax badan ay ka kororsadeen iyo macalimiinta bixiyay
casharada aqoon isweydaarsigaan oo ay tilmaameen in ay u hagar baxeen intii uu
socday.
Thursday, July 20, 2023
Wasiirka Caafimaadka oo hor tagay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr; Cali Xaaji Aadam, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Drs; Maryam Maxamad Xuseen, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dr ;
Maxamad Xuseen Maxamad ayaa guddiga horumarinta
adeegga bulshada ee Golaha Shacabka ayaa Warbixin guud ka siiyay
qorsha-howleedka iyo qaab-dhismeed guud ee Wasaaradda Caafimaadka howlaha
baaxadda leh ee horyaalla waxyaabihii uqabsoomay iyo halka ay hadda wax u
marayaan.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen horumarinta
daryeelka Caafimaadka dalka iyo tayayntiisa.
Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalo la
xariiray Caafimaadka Dalka Mashaariicda hoos yimaadda kuwa socda iyo kuwa la
filayo in dhawaan ay Wasaaraddu daah-furto sida Mashruuca Damal Caafimaad.
Shuruucda hor-tebinta uleh Wasaaradda oo ay doonayaan inay usoo
gudbiyaan Golaha Shacabka BJFS sida Sharciga dawada dalka iyo Caqabadaha
hor-taagaan inay Wasaaradda keento maadama uu muddo fog soo jiitamayo lagama
maarmaana ay tahay inuu dalka yeesho sharci dawo oo la isku halleyn karo.
Hiigsiga iyo himillada fog ee la xariira Caafimàadka guud ee Wasiirka
Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay guud ahaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha
iyo guddoonka guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.
Wednesday, July 19, 2023
Ra’iisul Wasaaraha oo daah furay Xarunta Keydka Caafimaadka Qaranka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi
Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada
Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan
daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso
halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii
sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee
dalka la keenayay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb
qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka
Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo
xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.
Tuesday, July 18, 2023
Howl wadheenka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkii wadatashiga ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho