Saturday, February 10, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed
Madaxweyne Xasan
Sheekh oo Culimada Soomaaliyeed kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an
tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo
argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka
taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada
iyo difaaca dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga
xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed
oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay
muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka
wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku
dhuumaaleysanayaan argagixisadu.
Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad
dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo
soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta XFSmudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada
soomaaliyeed.
Thursday, February 8, 2024
Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu beegsadey sooqa bakaaraha
Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho
Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii
Argagixiso ee shalay oo Talaado ahayd ka dhacay Suuq caan ah oo ku yaalla
magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah oo aan
waxba galabsan.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee
Imaaraadka ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta uu si weyn u
cambaareynayo falalkan dambiyada ah iyo dhammaan noocyada rabshadaha,
xagjirnimada, iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu qalqal geliyo
amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka
Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyo qoysaskii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen
dadkii ku dhintay fal-dembiyeedkaas, waxayna u rajeysay dhammaan kuwa ku
dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.
Wednesday, February 7, 2024
wasiirka caafimaadka iyo safiirka talyaaniga oo kormeer ku tagey isbitaalka Demartimo
Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Safiirka Talyaaniga oo kormeeray Isbitaalka
Demartimo
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee
Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Safiirka Dowladda Taliyaaniga
iyo Agaasime goboleedka Hey’adda iskaashaiga Caalamiga ah ee Taliyaaniga ayaa
booqasho u kuur galid ah ku tagay Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socdey Taliyaaniga ayaa kormeerey qaybaha
kala duwan ee Isbitaalka sidoo kalena kulan xog waraysi ah kula qaatay maamulka
iyo shaqaalaha Isbitaalka, xafiiska agaasimaha guud ee isbitaalka Demartino.
Wasiirka ayaa ka mahadceliyay taageerada Dowladda Taliyaaniga ee
Caafimaadka Soomaaliya sidoo kalena bogaadiyay tallaabooyinka yididiilada leh
ee uu maamulka Isbitaalka ku horumarinayo adeeg bixinta Caafimaad ee Isbitaalka
Demartino u hayo bulshada Soomaaliyeed.
Tuesday, February 6, 2024
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚
𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚
𝐢𝐲𝐨
𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚
𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚
𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚
𝐨𝐨
𝐤𝐚
𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲
𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧
𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚
𝐡𝐚𝐝𝐥𝐲𝐞𝐲
𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚
𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Feceraalka Soomaaliya H.E dr ali haji adam ayaa ka qeybgaley kulan uu shirguddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo looga hadlayey horumarinta karaanka bulshada kaas oo ay goobjoog ka aheyd Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi oo maanta dalka soo gaartay.
Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Waaaaradda Caafimaadka iyo
daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil iyo
agaasimayaal kale.
Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha
Istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka
bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa
taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee
bulshada.
Madasha waxaa sidoo kale lagu lafagurey muhiimadda ay leedahay in la iska
kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed taasoo
hoga tusaaleynaysa yoolka Soomaaliya ee ku aadan horumarinta guud ee dalka iyo
in Umadda Soomaaliyeed hesho natiijada dedaalada ay gardaadineysa dowladda
Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya waxaa ka go'an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo
dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo
xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.
Monday, February 5, 2024
Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka oo khudbad ka jeediyay xuska maalinta walaaltinimada Adduunka
Danjire Axmed Juma Al Rumaithi, Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee aan
walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa khudbad ka
jeediyay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee walaaltinimada oo ku beegan 4-ta
bisha Febraayo ee sanad kasta.
Hoos ka akhriso hadalka:
Magaca Eebe yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista
4-ta bisha Febraayo ee sanad walba, caalamka ayaa laga xusaa maalinta
caalamiga ah ee walaaltinimada aadanaha. Waa maalin ay soo saartay Qaramada
Midoobay bishii Diseembar 2020 si ay u milicsato mabaadi'da iyo qiyamka
walaaltinimada aadanaha iyo in la aqoonsado hababka ugu wanaagsan ee gacan ka
geysanaya in la gaaro ammaan iyo nabad caalami ah oo badan.
Marka la eego aragtidan iyo aaminaadda hoggaanka caqliga leh ee Imaaraadka
Carabta ee suurtogalka ah in laga hirgeliyo amni iyo nabad ka dhalata gobolka
iyo dhammaan caalamka. Dawladdu waxay kafaalo-qaadday xafladda saxiixa
Dukumentiga Walaalnimada Aadanaha ee Feebarwari 4, 2019, oo uu goob joog ka
ahaa Imaamka weyn ee Imaam Axmed Al-Tayeb, Sheekha Al-Azhar, iyo Pope Francis -
Pope of the Catholic Church. Dukumeentigu wuxuu qeexayaa ixtiraamka mabaadi'da
bani'aadamnimada ee ku baaqaya ixtiraamka aadanaha iyada oo aan loo eegin
midabkooda, diintooda, ama dhalashadooda.
Dawladdu waxay sawirtay sawirradii ugu quruxda badnaa ee ay ku raadinayso
adduun nabad iyo ammaan ah, iyadoo caasimadda Abu Dhabi, ay kaalinta koowaad
kaga jirto liiska xarumaha ugu caansan adduunka ee nabadda caalamiga
ah.Sannadkii 2017 wuxuu ahaa tallaabo saameyn leh oo ay sameeyeen Dawladdu, oo
ay wakiil ka tahay ku dhawaaqista Sarreeye Sheikh/Mohammed bin Rashid Al
Maktoum - Madaxweyne ku xigeenka Dawladda, Ra'iisul Wasaaraha ahna Xaakimka
Dubai, "Ilaahay ha xafido" ayaa ku dhawaaqay magacaabista Mudane
Sheikh Nahyan bin Mubarak Al. Nahyan oo ah Wasiirka Dulqaadka iyo
Wada-noolaanshaha si loo gaaro heerka ugu sarreeya ee dulqaadka iyo
wada-noolaanshaha dalka.
Maalintan, waxaan xasuusannahay mansabyadii aabbihii aasaasay, Marxuum
Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan, aasaasihii Ururka Dawladda, oo yiri:
"Dulqaad la'aan, saaxiibo lama noqdeen ama walaalo walaalo ah."
Aabbihii aasaasay wuxuu calaamad u ahaa ku-dhaqanka mabaadi'da nabadda. Tani
waa midda uu ku fekerayo Sheikh/Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha
Dawladda, "Ilaahay ha xafido," ilaa uu dalkeennu ka noqonayo tusaale
lagu daydo ammaanka iyo badbaadada caalamiga ah.
Sababtoo ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay maqaam gaar ah ku
leedahay hoggaanka dalka ee caqliga leh. Dawladdu iyadoo awaamiirta hoggaanka
ugu sarreysa dalka ayaa xaqiijisay in Soomaaliya loo soo diro deeqo kala duwan
si ay u garab istaagaan sugidda amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda iyo
daryeelka bulshada Soomaaliyeed ee dhinacyada caafimaadka, aqoonyahanno. , iyo
dhinacyo kale oo nabad ku soo dabaali lahaa Soomaaliya aan walaalaha nahay.
Sunday, February 4, 2024
Wasiirada Difaaca ee Isbaheysiga la dagaalanka Argagaxisada ee uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa ku kulmay Magaalada Riyaad