Monday, October 30, 2023

Midowga Yurub ayaa u qoondeeyay 20 milyan oo Yuuro si loogu taageero miisaaniyadda Soomaaliya

 

Midowga Yurub oo taageero dhaqaale ah siinaya DF Soomaaliya

Midowga Yurub oo taageero dhaqaale ah siinaya DF Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €89.5 Milyan oo Yuuro ah, oo €20 milyan oo ka mid ah loogu talagalay in lagu taageero miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee la meel mariyay.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga ah Marwo Jutta Urpilainen ayaa tiri “Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya. Maalgelintan waxaan ugu talagalnay in aan wax kaga qabano dowlad dhisidda Soomaaliya, annagoo eegayna mudnaanta siyaasadeed iyo khataraha imaan kara.‘‘

Somaaliya oo ka mahad celisey

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa ka mahadceliyay taageeradan Midowga Yurub, isagoo sheegay inay tani xoojinayso iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyo in la sii horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib-u-dhisidda dowladnimada.

Taageeradan uu ku dhawaaqay Midowga Yurub, ayaa ku soo beegantay, iyada oo xalay golaha wasiirrada Soomaaliya ay meel mariyeen ku talo galka miisaaniyadda dowladda ee 2024.

Miisaaniyadda dowladda ayaa gaartay hal bilyan oo dollar. Dowladdu waxay sheegtay inuu jiro koror ku yimid dhinaca dakhliga gudaha.

 

Share:

Sunday, October 29, 2023

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo sheegay inay diyaar u yihiin gurmad gaarsiinta Gaza

 

Soomaaliya oo sheegay inay diyaar u yihiin gurmad gaarsiinta Gaza

Soomaaliya oo sheegay inay diyaar u yihiin gurmad gaarsiinta Gaza

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa sheegay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafax ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gar-gaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Yahuudda ku tilmaamay kuwa arxan daran oo xasuuqaya shacabka magaalada Gaza, isagoo sheegay in ay lamid yihiin gumaadka khawaarijta ay shacabka Soomaaliyeed ku hayso.

Cadowga Khawaarijta ee inta nagu gumaadayo iyo kan Yahuudda ee Gaza gumaadayo waa isku mid”.

Dhimashada ilaa iyo hadda ayaa kor u dhaaftay 7700 Shahiid oo 3195 caruur yihiin, iyadoo Israel loogu baaqay in xasuuqa ka socda halkaas joojiso balse diiday, waxaana teegeero aan gabasho lahayn la garab istaagay dalalka reer galbeedka.

Share:

Saturday, October 28, 2023

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud yaa ka qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya. oo ka dhacay dalka Belgium

 

Madaxweyne Xasan oo Midowga Yurub hordhigay dalab muhiim ah

Madaxweyne Xasan oo Midowga Yurub hordhigay dalab muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa halkaas uga qayb-galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka wuxuu kaga hadlay hindisaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka deg-degga ah ee Midowga Yurub.

Waxa uu ka dalbaday Midowga Yurub in kaalmada bini’aadanimo ee siiso Soomaaliya loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi, si dalkeenna u gaaro isku filnaasho gudaha ah, ama ugu yaraan uga maarmo ku tiirsanaanta kaalmo caalami ah.

Guulaha ay gaareen ciidanka dalka

Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”

Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab.


Share:

Thursday, October 26, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee dalka

 

Yurub oo kufaraxsan guulaha ciidamada somaliya

wada hadal dhax marey Midowga Yurub iyo  Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Arbaca ah kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Berri ayaa mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa warbaahinta.

Yurub oo kufaraxsan guulaha ciidamada somaliya

Safiirka ayaa dhankeeda xaqiijisay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, si gaar ahna diiradda loo saaro xasilinta goobaha laga saaray Al-Shabaab.

Share:

Wednesday, October 25, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

 

Midowga Yurub iyo  Soomaaliya oo wada hadal dhax marey


Midowga Yurub iyo  Soomaaliya oo wada hadal dhax marey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

            Midowga Yurub oo amaanay ciidamada somaliya

Danjire  Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

           

Share:

Tuesday, October 24, 2023

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

 

hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan u jeedkiisu yahay xoojinta gargaarka bini’aadannimo la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Fei Shengchao.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda wax-ku-oolka ah ee ay ka gaysanayaan wax ka qabashada mushkiladda abaaraha, fatahaadaha iyo guud ahaan musiibooyinka bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.

Hay’adda SoDMA ayaa hormuud u ah dadaalllada loogu diyaar garoobayo cimillada El-nino oo laga yaabo in ay saameeyo ilaa hal milyan oo qof oo ku nool dalka.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog