Monday, October 23, 2023
Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddooyin muhiim u ah degmada Kaaraan
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah ee
isku xirto Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi
doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal
dollar.
Munaasabada dhagax dhiga dhismaha waddadaan waxaa goob Joog ka ahaa
Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan
Maxamed Jimcaale, Maamulka degmada, Saraakiil iyo qeybaha bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in ay sii socon doonan talaabooyinka
lagu horumarinayo biicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda, isaga oo ugu
baaqay bulshada in ay jeeb kooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta
mashaariic hor leh.
Duqa Caasimadda oo ay ka go’antahay dib u dhista waddooyinka ayaa dib usoo
celiyay mashuurca dalkaaga hal dollar ku dhiso oo uu hore u bilaabay isla
xiligii ow ahaa Duqa Caasimadda.
Sunday, October 22, 2023
Imaaraadku waxa uu ku baaqayaa in Soomaaliya laga taageero isbeddelka cimilada
Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga taageero si kor loogu
qaado adkeysigeeda marka la eego isbeddelka cimilada, isagoo tilmaamay in dalka
Afrikaanka ah ay la kulmaan musiibooyin joogto ah oo ka dhasha isbeddelka cimilada,
kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaro soo noqnoqda oo saameeya sugnaanta cuntada
iyo kordhinta faqriga, iyo fatahaadihii ugu dambeeyay. taasoo ku qasabtay in ku
dhow rubuc milyan qof inay qaxaan.
Imaaraadku waxa uu ku yidhi, bayaan ka hor Golaha Ammaanka oo ay dhiibtay
Marwo Ambassador Lana Nusseibeh, oo ah ergeyga joogtada ah ee dalka u fadhiya
Qaramada Midoobay: “Dhacdooyinkani waxa ay sii kordhinayaan xaaladaha
bini’aadantinimo ee awalba adag, waxaanay noqon karaan sabab colaadeed.”
Waxa ay tilmaamtay in Imaaraadka Carabta ay ka taageerayaan dowladda
Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan yareynta baahiyaha bini’aadantinimo ee ka
jira gudaha dalka, iyadoo ku micneysay in mudadii u dhaxeysay 2018 ilaa 2023 ay
Soomaaliya kaalmeysay lacag dhan 197 milyan oo dollar.
Waxay sii wadataa: "Caqabadaha degdega ah ee Soomaaliya wajahaya waa
inaysan naga mashquulin inaan diiradda saarno horumarka waara ee dalka ee
mustaqbalka fog."
Danjire Lana Nusseibeh, ayaa sheegtay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay,
in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin badan, haddana Muqdisho ay caddaysay inay
tusaale cajiib ah u tahay adkeysiga iyo suurtagalnimada iskaashiga gobolka iyo
kan caalamiga ah.
Waxay tiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan caddeeyo taageerada aan siineyno
shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda federaalka ah, iyo labadaba Xafiiska
Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) iyo Isbaheysiga Afrika ee
Taageera Soomaaliya La-dagaalanka Argagaxisada (ATMIS). Waad ku mahadsan
tahay dadaalkooda wadajirka ah, inkastoo caqabadaha dalka uu wajahayo,
Soomaaliya waxay sii waddaa safarkeeda sare ee dhiirigelinta ah."
Waxay ku baaqday in la sii wado dagaalka lagula jiro argagixisada, iyadoo
xustay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ciidanka Xoogga dalka
Soomaaliyeed ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in Xarakada Al-Shabaab ay ka
saaraan guud ahaan dalka.
Waxa ay tilmaantay in cid kasta ay garwaaqsan tahay in dhaq-dhaqaaqyada
Argagixisadu ay weli khatar weyn ku yihiin Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka
Geeska Afrika.
Weriye ayaa Al-shabaab ku dileen weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay
maqaayad ku taalla Muqdisho, taasoo ah mid kale oo muujinaysa baahida loo qabo
in la feejignaado, sida uu sheegay safiirka.
Waxay tiri: Bilihii la soo dhaafay, oo ay ku hanjabayeen howlgallada
ciidamada dowladda Soomaaliya, Xarakada Al-Shabaab waxay kaga jawaabtay
dhibaatooyin badan, waxayna tilmaantay in tallabada xigta ee lagula dagaalamayo
Al-Shabaab ay caddahay, taasoo loo baahan yahay Istaraatiijiyad la isku
dubariday oo lagu taageerayo howlgalka socda ee lagu ilaalinayo Soomaalida,
isla markaana lagu caawinayo dowladda Soomaaliya si ay u gaarto xasillooni ku
aaddan guulaheeda gobolka.
Saturday, October 21, 2023
Daadad kusoo rogmaday magaalada Baledweyn oo sababay in laga barakaco xaafado ka tirsan Baledweyne
Roobab xoogan oo Xalay ka da'ay gudaha iyo daafaha Magaalada Baledweyne ee
xarunta gobolka Hiiraan ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas
farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.
Roobabka ayaa socday ku dhawaad 6 saacadood oo xiriir ah, waxaana ka
dhashay daadad xoogan oo kusoo rogmaday xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ee
magaalada Baledweyne.
Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo
iyo Dhagax jibis ayaa Xalay saqdii dhaxe mar qura kusoo toosay guryaha oo ay u
dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, waxaana dadkaasi gurmad biyaha looga
samatabixiyay u sameeyay dhalinyarada magaalada Baledweyne.
Xaalada ayaa waxay sii adkaatay markii daadadka soo rogmaday roobka ay
waaweyn meel ay ka galaan Wabiga madaama kanaalka biya xireenka kiliga Dhagax
jibis oo loogu tala galay biyaha daadka kasoo rogmada iney wabiga ku xareeyaan
uu ahaa mid xirna, hayeeshee waqti dambe oo ay daadku dadku barakaciyeen lagu guuleystay
in la furo irdaha kanaalka Dhagax jibis.
Si kastaba ha ahaatee daadkan ka dhashay roobabka Xalay waqtiga badan da'ay
ayaa sii kordhinaya cabsida ay shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne ka
qabaan inuu fatahaad ka geysto wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne.
Thursday, October 19, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka cusub Sweden ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda
Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern.
Waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal,
dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya
iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay
siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato
qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga
xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.
Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan
yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo
iskaashiga labada dal, isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii
horumarin lahaa xiriirkaas.
Wednesday, October 18, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray Aqoon-iswaydaarisga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta
Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u dambaysay ka
socday Caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay ficil u
beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu
soo bandhigay, taas oo ay ka qeyb qaateen khuburada hormarinta dowladnimada ku
taqasusay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in shacabka iyo dowladda
Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta,
musuqmaasuqa iyo saboolnimada, isagoo sheegay in qorshahan qaran uu yahay
jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno
dhiggeena.
“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa
uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay
galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid
ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh”.
Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee
Soomaaliya oo soconayey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah
dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan
u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.
Tuesday, October 17, 2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo dhaweeyay ciidamada ka soo laabtay Eritrea