Thursday, August 24, 2023
Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo siyaasiyiin iyo bulshada Galmudug kala hadlay xasilinta deegaanada laga saaray Al-shabaab
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si ku meel gaar ah ugu sii shaqeynaya magaalada
Dhuusamareeb ayaa siyaasiyiinta iyo bulshada reer Galmudug kala hadlay
xasilinta deegaanada laga xureeyay kooxda Al-shabaab iyo qorshaha dowladiisa ay
ku gaar siineyso adeegyada aas aasiga ah.
Madaxweynaha dowladda fedaraalka ayaa sidoo kale xusay in deegaanada laga
xureeyay Al-shabaab ay ugu talo galeen mashaariic horumarineed, sida
Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha oo si deg
deg ah looga hirgelinaayo dhamaan deegaanada laga xureeyay Ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu
ay ku bixiso dabar goynta kooxaha argagixisada ah, oo ay ciidamada Qaranku ka
soo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka
deegaanka ee halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida" ayaa lagu yiri war kasoo
baxay Madaxtooyadda.
Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhuusamareeb u jooga
dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee la doonayo in guud ahaan dalka
looga sifeynaayo, xili Shalay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay
gacanta ku dhigeen degmada Ceelbuur oo aheyd taliskii ugu weyna Al-shabaab ee
gobolada dhexe.
Wednesday, August 23, 2023
RW XFS oo la kulmay Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed
Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’isul WMudane Xamsa Cabdi Barre Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta XFS, Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ah dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane
Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha mudane Xersi
Gaani iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul Wasaaraha
warbixin ka siiyay hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer
Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka
xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho
iyo muhiimadda ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.
Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee
warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isul Wasaaraha ugu mahad celiyay
kulankan iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay
maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu
qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka
lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre
ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran
ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha
dowladda, Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.
Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga
saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta
bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta
dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.
asaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta XFS, Wasiirada Warfaafinta
dowladaha xubnaha ah dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta
gobolka Banaadir.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane
Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha mudane Xersi
Gaani iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul Wasaaraha
warbixin ka siiyay hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer
Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka
xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho
iyo muhiimadda ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.
Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee
warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isul Wasaaraha ugu mahad celiyay
kulankan iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay
maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu
qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka
lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre
ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran
ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha
dowladda, Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.
Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga
saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta
bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta
dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.
Tuesday, August 22, 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed
Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda
Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.
Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo
midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan uu uga siday Guddoomiyaha
Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.
Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada
baaxada leh ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama
ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u
noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.
Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee gacan ka geysta howlgalka
Midowga Afrika ee AMISOM.
Monday, August 21, 2023
R/W Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay u diyaargarowga shirka Isbadalka Cimilada Adduunka ee COP28
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku
saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo
ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee xakameynta iyo
wax ka qabashada saameynta isbeddelka Cimilada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee
qeybta ka ah, inay la yimaadaan aragti mideysan iyo xalka dhibaatooyinka ay
sababaan isbeddelka cimillada, kuwaasi oo lagu soo bandhigi-doono Shirka
Isbeddelka Cimilada Adduunka
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn
toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo
isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo ay
sabab u tahay roobabkii oo yaraaday iyo wabiyadii dalka oo biyo yareeyay.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa kormeerey xarunta
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo uu ka dhacayay shirka, wuxuuna
bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Wasaaraddu muddadii
sanadka ahayd ee ay jirtay.
Sunday, August 20, 2023
Shirkada DP World ayaa dhamaadka sanadkan dhamaystirtay balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso ee Puntland
Wasiirka dekedaha ee maamul goboleedka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya,
Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in DP World la filayo in dhamaadka sanadkan
ay dhamaystirto balaadhinta dekedda Boosaaso ee maamulkaasi.
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 366 milyan oo dollar oo ay
maalgelinayso shirkadda DP World, ayaa ka mid ah dhawr xarumood oo ay shirkaddu
ku horumarinayso Geeska Afrika.
“Marka loo eego halka ay ku taallo oo istaraatiiji ah, waa waddo ganacsi oo
lagu soo jiidan karo ganacsatada gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Axmed
Yaasiin oo ka hadlayay horumarinta dekedda Boosaaso, isagoo xusay in
ballaarinta labaad ay billaaban doonto sanadka soo socda.
Shirkada DP World ayaa sanadkii 2017 ku guulaysatay heshiis 30 sano ah oo
lagu horumarinayo laguna maamulayo dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta
ganacsiga Puntland, sidoo kale shirkadan ayaa heshiis midkan lamid ah kula
jirta horumarinta iyo maamulida dekeda magaalada Berbera ee dalka aynu jaarka
nahay ee Somaliland.
Saturday, August 19, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay agaasimaha madaxyooyada Soomaaliya