Wednesday, March 29, 2023
Soomaaliya ayaa saxiixday sharciga ka hortagga ugaarsiga Kalluumeysiga
Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Mudane Ahmed
Hassan Aadan oo intii u dhaxeysay 22 ilaa 24 bishan Xarunta Qaramada Midoobay
ee magaalada Copenhagen Dalka Denmark uga qeybgalaya shirka Blue Justice
Conference 2023 ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee Copenhagen kaas oo kamid ah
dedaallada looga hortagayo dambiyada badaha oo ugu horreeyo la dagaalanka
Kalluumeysiga sharci darrada ah.
Wasiir Axmed Xassan ayaa intii uu ku sugnaa Copenhagen waxa uu kulamo
doceedyo muhiim ah la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda
Norway Marwo. Anne Beathe Tvinnereim iyada oo ballan qaaday inay Soomaliya kala
shaqayn doonto sida loo horumarin lahaa dhqaalaha kallumeysiga iyo tayeynta
shaqaalaha iyo kallumeysiga.
Waxa uu la wadaagay dib u habaynta uu wasaaradda Kallumaysiga ku sameeyay,
shuruucda la dhaqan geliyay iyo sida ay Soomaaliya aanay doonayn gargaar ee ay
diyaar u tahay maalgashi dhanka kalluumeysiga ah kala yeesho, Norwayna ay tahay
waddamada sida sida weyn ugu horumaray dhankaas.
Tuesday, March 28, 2023
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Fedaraalka
Soomaaliya Mudane Abshir Jaamac Huruuse ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha
China ee Soomaaliya Mr. Fei Shengchao.
Wasiir Huruuse ayaa Safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah
ee labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Diblumaasiyadda,
Waxbarashada, iyo Gargaarka.
Intii kulanka lagu gudo jiray , waxaa lagu faaqiday dhowr feyl, oo ay ku
jirto isku-duwidda aragtiyada xilliyada la joogo shirarka caalamiga,
taageeridda ololaha Soomaaliya ee si dhammaystiran looga qaadayo xayiraadda
hubka
ay Qaramada Midoobey ku soo rogtay sanadkii 1992, xushmad is-dhaafsiga
labada dal ee ku saabsan dhowridda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed si la
mid ah maalgeshiga Shiinaha iyo mashaariicdiisa horumarineed oo laga fuliyo
Soomaaliya.
Shiinaaha ayaa ka mid dowladaha waa weyn ee taageeraa Soomaaliya, isaga oo ka
fuliyo mashaariicyo muhiim ah.
Monday, March 27, 2023
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ammaantay dib u habeynta Soomaaliya kaddib marka ay heshiis gaaraan
Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa heshiis heer-shaqaale
ah ku gaaray dib-u-eegista shanaad ee Hay’adda deymaha ee la dheereeyay,
inkastoo dalka ay ka jiraan abaaro iyo xaalad adag oo dhanka ammaanka ah.
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa bogaadisay dib u habeynta ay
Soomaaliya ku sameysay inkastoo aysan wanaagsaneyn dhaqaalaha dalka, iyadoo
sheegtay in dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo dhaqaalaha
dalka ay meel wanaagsan marayaan, iyadoo laga duulayo dhammaan horumarka la
gaaray. dib u eegistii shanaad ee xarunta deynta la fidiyay ka dib, Hay'adda
Lacagta Adduunka ee IMF waxay go'aansatay inay taageerto dadaalladan.
Waxa uu intaas ku daray, “Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habayn xooggan,
waxqabadka barnaamijkuna waxa uu noqday mid lagu qanco… Waxaa lagu gaadhay heer
shaqaale heer shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista shanaad ee habaynta
Facility Extended Credit Facility.”
Khubarada ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli ka jirto xaalad cunto yari ah
oo ay abaaruhu sababeen, ku dhawaad 7.3 milyan oo qofna ay heleen gargaar
bini’aadantinimo.
Waxay ku macneeyeen in dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha Soomaaliya ay saameysay
abaarta iyo sidoo kale hoos u dhaca ku yimid kobaca caalamka, taasina waxay
keentay in Qaramada Midoobay ay dib u eegis ku sameyso saadaasha kobaca
caalamka ee sanadka 2023 ilaa 2.8% halka uu ka ahaa 3.1%, celceliska sicir
bararka ayaa gaaray 6.8% sanadkii 2022; Kororka qiimaha cuntada iyo
shidaalka awgeed, waxaa la filayaa inuu hoos u dhaco 4.2% sanadka 2023 iyadoo
qiimaha badeecadaha uu hooseeyo
Sunday, March 26, 2023
RW Xamse Barre oo Daahfuray Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi
Barre, ayaa Daah-furay hirgelinta Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta
Dalka oo suurtagelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala
duwan ee ka jira gudaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka
in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq
muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka.
Mudane Xamse oo dul istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada
Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar sameyn
karin haddii aan muwaadiniintiisu si sax ah u bixin canshuuraha lagu
horumarinaayo dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay
laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in
shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo
amniga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay’adda
Isgaarsiinta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan.
Saturday, March 25, 2023
Doorka Imaaraadka ee Soomaaliya waa mid ku saleysan horumarinta xasiloonida iyo horumarka
Doorka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya waxaa saldhig u ah horumarinta
xasiloonida iyo horumarka joogtada ah oo loo sameeyo wax kasta oo dani ugu
jirto shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, ka mira dhalisa himiladeeda
horumar, xasilooni iyo barwaaqo, iyo u dhisidda mustaqbal wanaagsan oo ay
dadkooda helaan, mid nabad ah. iyo barwaaqo.
Sidoo kale, Imaaraadka Carabta waxaa ka go’an inay garab istaagaan shacabka
Soomaaliyeed ee walaalaha ah si ay u xoojiyaan dhismaha dowladooda, isla
markaana ay u sii ambaqaadaan mustaqbal ay ku naaloodaan nabad iyo xasillooni,
iyadoo laga duulayo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo
shacabkooda
Imaaraadku wax dadaal ah lama haridoono si ay u daboolaan baahiyaha
bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyo horumarinta adeegyada lagama maarmaanka ah
ee dhammaan dhinacyada gargaarka
Imaaraadku waxaa ka go’aninuu caawiyo dhammaan waddamada adduunka iyo inuu
xoojiyo xiriirka iyo xasilloonida taasi waxaa daliil u ah in shaley dowladda
Imaaraadka Carabta ayaa ku taageertay Jubaland 100 gaadiidka dagaalka ah
Dowlada Jubaland ayaa maanta Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka
Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib
u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka
wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay
Jubaland.
Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Shir ka yeelatay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab