GURIGA »
somalia
» Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Shir ka yeelatay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta
shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Kulanka ayaa lagaga hadlay Xaalada amniga guud iyo dagaalada dib u xoraynta
ee ka socda Inta badan deegaanada Jubaland kuwaas oo ay wadaan CiidamadaJubaland iyo Kuwa xooga dalka isla markana saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay
in ka badan 23 katirsan Al-Shabaab, Sidoo kalana lagaga furtay hub kala duwan.
Golaha ayaa bogaadiyay howlgallada socda iyagoo ugu baaqay shacabka ree
Jubaland inay garab istaagan Ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira
Al-Shabaab.
Dhinaca kale Waxaa golahu uu akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu
dhisayo Hay’ada wadooyinka Jubbaland kaas oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha
guud iyo guriyaynta isla markaana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.
Ugu danbayntii Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha ayaa soo
bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo hormarinta Canshuuraha
taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubaland.
0 Comments:
Post a Comment