Thursday, March 23, 2023
Imaaraadka iyo Pakistan ayaa ka wada hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga
Thani bin Ahmed Al-Zeyoudi, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga
Dibadda, ayaa xaqiijiyay qoto dheer iyo xoojinta xiriirka Imaaraadka iyo
Pakistan, kaasoo marqaati ka ah kobaca joogtada ah ee dhinacyada kala duwan ee
ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxa uu sharraxay in Imaaraadku yahay iskaashiga ugu horreeya ee
maalgashiga gobolka iyo kan shanaad ee caalamiga ah ee Pakistan, sida ku cad
xogta la soo saaray dhammaadka 2021, iyada oo wadarta maalgashiga tooska ah ee
Imaaraadku uu ka badan yahay 9 bilyan dirham ($ 2.5) suuqyada Pakistan, sida
kuwan Maalgelinta waxaa ka mid ah dhaq-dhaqaaqyo kala duwan oo dhaqaale iyo
ganacsi, gaar ahaan tamarta, Isgaarsiinta, tignoolajiyada macluumaadka,
adeegyada maaliyadeed, caymiska, dhismaha iyo dhismaha, saliidda iyo gaasta
dabiiciga ah.
Waxa uu intaasi ku daray in kulankan wasiiradda ah ee uu la yeeshay
dhinaca Pakistan uu ka dhigan yahay fursad muhiim ah oo kor loogu qaadayo
shaqada wadajirka ah ee labada dal, taas oo ka qayb qaadanaysa kordhinta
ganacsiga iyo is-dhaafsiga maalgashiga, dhiirigelinta ganacsatada labada
dhinacba inay kordhiyaan maalgashigooda iyo ganacsigooda, isla markaana la
taageero. iyagoo ka faa'iidaysanaya fursado maalgashi oo rajo leh oo ka jira
suuqyada labada dal.
Wednesday, March 22, 2023
Xasan Sheekh” oo ku dhawaaqey in Doorashada soo socota ay noqon doontaa qof iyo cod”
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Doorashada soo
socota ee marka uu dhammaado muddo xileedkiisa ay noqon doonto mid Qof &
Cod ah si looga gudbo Doorashooyinka Dadban ee muddada lagu soo dooranayay
Xildhibaannada & Madaxda Dowladda Federaalka.
Waxa uu sheegay in uu dhowaan Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka ee
soo xulay Ergada Dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka una sheegeen in aysan
diyaar u ahayn doorasho dambe oo ah mid dadban.
Nidaamka Xisbiyada ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in
doorashadu ‘Qof & Codka’ ah la isu dooran doono si looga gudbo khilaafaadka
iyo murranada ka dhasha doorashooyinka dadban ee lagu soo doortay
Xildhibaannada.
“Baarlamanka Federaalka,
Sanad & kahor ayaa doorasho ka timaadeen, doorashadii aad ka timaadeen
xiiso ma idiin heysaa oo malagu noqonayaa? Nimankii odoyaasha ahaa ee meelaha
la idinka soo doortay mas’uulka ka ahaa oo dhowaan aan Baydhabo kusoo kulanay
waxa ay dhaheen diyaar uma nihin doorasho dadban oo dambe, hadda haddii idinka
oo doorasho dadban ku yimid diyaar u ahayn, kuwii soo sameeyay diyaar ee
Odoyaasha ka ahaa aanay diyaar uahayn sabab aan meesha usii joogno sooma aha?” MW
JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000 ay ku shaqeyneysay nidaamka awood qeybsiga beelaha ee loo yaqaan nidaamka “4.5”, balse nidaamkaas ayaa dalka ka abuuray qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, waxaana horay u soo maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya. waxa ay balan qaadeen in ay dalka ka hirgelin doonaan nidaamka dimuquraadiyadeed, balse kuma aysan guuleysan in ay fuliyaan balamihii ay qaadeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu rejo weyn ka leeyahay
sidii looga gudbi lahaa doorashada dadban si Shacabkana ay u doortaan Xisbiga
ay rabaan lagu gaari karo wadashaqeyn dhexmarta Dowladda, Dowlad-Goboleedyada
xubnaha ka ah & Shacabka Soomaaliyeed.
“Soomaaliya, Ilaahey idinkiis
Doorashada Soo socota waa Qof & Cod, waa qof iyo cod xisbiyeysan oo Xisbi
la isku doorto, Xisbi la isku doorto marka aan leeyahay maxaan kawadaa? Xisbigu
waa meesha la isku dhaafsado fikirka oo aan la isku dhihin wuu dheer yahay wuu
gaaban yahay, waa suuq oo kale, Wiilka & Gabadha Ra’yiga ka qaba soo
bandhigi karo waaye kuwa Xisbiga ku bulaalayo” ayuu hadalkiisa
sii raaciyay MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya waxaa madaxda doorta Xildhibaanno ku yimid Doorasho dadban,
awoodda Shacabka ay codkooda ku dhiiban lahaayeen waxaa loo gacan-geliyay
wakiilo ay soo xuleen Odoyaal dhaqameed maadaama duruufaha kala duwan ee dalka
ka jira aanay suuragelin in Dadka la diiwaangeliyo oo loo dhigo sanaadiiqda
codbixinta.
Tuesday, March 21, 2023
Md Xasan iyo Museveni oo kulan ka yeeshay dagaalka iyo qorshaha shirka TCC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Uganda kulan muhiim ah kula yeeshay
dhiggiisa dalkaasi Mudane Yoweri Museveni.
Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay dagaalka socda ee dowladda Soomaaliya
ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka waddamada
ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo
dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Madaxweyne Museveni ayaa ku ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya guulaha
wax ku oolka ah ee ay ka gaartay la-dagaalllanka kooxda Al-Shabaab oo hadda
galay wajigiisi labaad,.
Yoweri Museveni ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay
sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kaalin weyn ka qaadato dagaallada
sifeynta Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda dalkeena.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay ka go’an
tahay ciribtirka kooxaha argagixisada, si dalkeena hormuud ugu noqdo isbedelka
hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan caasimada dalka
Uganda ee Kampala ayaa shalay tababbar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya
ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda,
wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in
muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka, isaga
oo carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay
dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga
sifaynayo argagixisada.
Monday, March 20, 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Talyaaniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku
qaabilay danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi.
Kulanka Guddoomiyaha iyo safiirka dalka Taliyaaniga ayaa looga hadlay
xiriirka labada dal ee taariikhiga ah. Danjiraha ayaa Guddoomiyuhu u soo
gudbiyay dhambaal uu ka siday Baarlamaanka dalkiisa ee ku aaddanaa
wadashaqeynta labada baarlamaan, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala
shaqeyn doonaan deyn cafinta iyo shuruucda muhiimka u ah dalka ee laga rabo
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa uga mahadceliyay Dowlada Taliyaanigagarab istaaga Dowlada Soomaaliya Iyo sida ay qeyb uga qaadanayan la dagaallanka
argagaxisada iyo deyn cafinta, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Taliyaaniga xiriir wanaagsan yeelan
doonaan dhawaan.
Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka Yurub ee dowladda federaalka Soomaaliya
ka taageera dhinacyo kala duwan, sida amniga, deyn cafinta iyo dib u dhiska
ciidamada.
Sunday, March 19, 2023
War Murtiyeed ka soo baxay Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Baydhabo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa guddoomiyey shirka 5aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu
qabtay Baydhabo 15–17 Maarso, 2023. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul
Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS
Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan,
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen),
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha
Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu
balansanaa ee Federaalaynta Maaliyadda dalka, Dimuqraadiyaynta iyo heshiiska
Doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo DXDF, iyo Dhameystirka Heshiiska
Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Sidoo kale, Golaha ayaa iska xog
wareystay xaaladda amni ee dalka, saameynta abaaraha iyo qodobo kale.
QODOBADA HESHIISKA EE SHIRKA KA SOO BAXAY
Iyada oo la tixraacayo heshiisyadii iyo warmurtiyeedyadii ka soo baxay
shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran, Goluhu marka laga reebo Puntland,
wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda iyo lifaaqyada qodob
kasta oo la socda war-murtiyeedkan:
1. F Iyadoo la tixgelinayo heshiiskii Astaynta Awoodaha ee Golohu ku
heshiiyay December 2022, Golaha wuxuu isku raacay in la qaato mabaadi’da
Federaaleynta Maaliyadda oo ka kooban; (1) Astaynta iyo cayimidda ilaha
dakhliga, (2) Wadaagga Dakhliga. Sidoo kale, Goluhu wuxuu ku heshiiyay in la
unko laba hey’adood oo kala madaxbannaan oo aan looga maarmin hannaanka
federaalaynta maaliyadda oo kala 3 noqonaya; (1) Hay’adda Dakhliga Qaranka, (2)
Guddiga Qoondeynta iyo Dardar-gelinta Dakhliga.
• Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyadda dejinta
siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin Dowladda Federaalka iyo DXDF.
• Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay
noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo
mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si
hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee
mustaqbalka.
• Goluhu waxa uu isku raacay in lagu sii dhaqmo heshiiyadii iyo
isafgardyadii hore ee daadajinta maaliyadda dalka inta laga hawl-galinayo
dhisidda labada hay’dood ee kor ku xusan.
2. DIMUQRAADIYAYNTA IYO DOORASHOOYINKA
Goluhu wuxuu ka dooday arrimaha doorashooyinka gaar ahaan in dalka la
gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Goluhu
wuxuu isku raacay in gorfaynta arrimaha doorashooyinka lagu dhameystiro kulanka
xiga ee Golaha oo dhici doona May 2023.
3. DHAMAYSTIRKA HESHIISKA QAAB-DHISMEEDKA AMNIGA QARANKA
• Goluha waxa uu isku raacay meelmarinta iyo ansixinta dhammeystirka
dib-u-eegista lagu sameeyay Heshiiska Qaabdhismeedka Amniga Qaranka ee April
2017, kaas oo mar labaad dib loogu heshiiyay October 2022, waxa uuna saldhig u
noqonayaa:
-Dib u habeynata laamaha amniga;
-Tirada ciidamada;
-Waajibaadka hay’adaha amniga;
-Amarka iyo kala danbeynta; iyo
-Maareynta baahiyaha dhaqaale ee laamaha amniga.
• Goluhu wuxuu u soo jeedinayaa DXDF in ay soo dhameystiraan maamul u
sameynta degmooyinka iyo deegaannada la xoreeyay iyo kuwa laga 4 xoreyn doono
cadowga si ay iskula jaanqaadaan holwgalka dib u xoreynta dalka, barnaamijka
xasilinta iyo daadajinta adeegga dowladnimada. • Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa
uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaarayaan ciidanka
qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga
ciribtirayo khawaarijta. Sidoo kale, Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in
ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada
kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.
4. QODOBO KALE
• Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha
Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi
Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo diro
Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah
dhameystirka dowlad dhiska dalka.
• Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa wadajir ka iyo isku-duubnida ay muujiyeen
Culimada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu bogaadinayaa dedaalka hagar la’aanta oo ay
Culimadu ka sameeyeen la dagaalanka Xag-jirka iyo Fatwadii sida wada jirka ah
ay uga soo saareen Shirweynihii Qaran ee Culimada Soomaaliyeed oo taarikhiga
ahaa.
• Goluhu wuxuu bogaadinayaa Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumada JFS
xilkasnimadoodii iyo dedaaladoodii ku aadanaa meelmarinta shuruucyo laf-dhabar
u ah dhamaystirka dowlad dhiska dalka muddo aad u kooban gudaheeda.
• Goluhu wuxuu si gaar ah u amaanayaa Ciidamada Qalabka sida ee geesiyiinta
ah, DXDF iyo bulshada Soomaaliyeed halganka iyo doorka ay ka qaateen
la-dagaalanka joogtada ah iyo ciribtirka khawaarijta shabaab oo dhibaato ba’an
ku ah dadka iyo dalka.
• Goluhu wuxuu baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada
Laascaanood, wuxuuna cambaareynayaa cid kasta oo qayb ka ah hurinta dagaalka
iyo sii socoshada colaadda. Goluhu wuxuu soo 5 jeedinayaa wadada keliya ee
xalka mushkiladda taagan inay tahay wadahadal. Dawladda Federaalku waxay diyaar
u tahay inay mar walba kaalinteeda ka qaadato nabadeynta.
• Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo dowladaha Galmudug
iyo Hirshabeelle guulaha waaweyn ay ka gaareen la dagaalanka Khawaarijta iyo
dib u xoreynta deegaanada Galmudug.iyo Hirshabeelle.
• Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed
Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xukuumadiisa iyo shacabka
Koonfur Galbeed Soomaaliya sida sharafta leh oo ay u soo dhoweyeen wafdigii
balaarnaa ee labada heer dowladeed una martigaliyeen Shirka Golaha Wadatashiga
Qaran. Lifaaqyo: Heshiisyada ay Golaha ku heshiiyeen: 1. Heshiiska Dhameystirka
Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. 2. Federaalaynta Maaliyadda
dalka.
Saturday, March 18, 2023
Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis kala saxiixday