Tuesday, January 31, 2023
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa xoreeyay deegaan istiraatiiji ah, waxaana howlgalkan lagu dilay tiro badan oo Al-Shabaab ah
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaal u
dhexeeyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo
Al-Shabaab oo dhinac kale ah uu ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee
gobolkaasi.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen
xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee
gobolkaasi.
Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in
xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada
Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka
iyo kuwa dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa
shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku
weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku
qaadi laheyd aagga Maxaas.
Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dagaalka ay ku dileen in ka
badan illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, gaadiidna ay ka
guubeen.
Howlgallada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u
dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.
Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay
dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay
dadka deegaanka.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab
oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta ah.
Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada
xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray
dhulkii ugu ballaarnaa.
Monday, January 30, 2023
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay siineyso lacag ka badan 41 milyan oo dollar
Danjire Linda Thomas-Greenfield, Wakiilka dowladda Mareykanka ee Qaramada
Midoobay, ayaa ku dhawaaqday inuu Mareykanka bixin doono in ka badan 41 milyan
oo doollar oo dhaqaale ah si loo badbaadiyo nolosha, laguna daboolo baahiyaha
bini’aadinimo ee Soomaaliya.
Xaaladda bini'aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun," ayay tiri
Thomas-Greenfield oo Muqdisho kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya,
Xasan Sheikh Maxamuud.
Danjiraha Qaramada Midoobay ee Maraykanka ayaa sheegtay, Maraykanku inuu sii
wadayo inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya si loo kordhiyo ammaanka, iyo in la
hubiyo in taageerada bani'aadamnimada iyo horumarinta ay gaaraan degaanada
dhawaan laga saaray al-Shabaab.
Gargaarkan cusub ee dowladda Maraykanka ayaa imaanaya iyadoo abaartu ay sii
xoogeysatay kadib xilli roobaadkii shanaad oo baaqday, taasoo keentay in dadka
ay halis ugu jireen macluul.
Maalgelinta cusub ee Maraykanka ayaa la sheegay inay xoojinayso dadaallada ka
hortagga macluusha iyadoo diiradda la saarayo wax ka qabashada nusqaanta
cuntada, daweynta nafaqo-xumada ba'an ee haweenka iyo carruurta, iyo la
dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee hadda dillaacay sida jadeecada iyo Shuban
biyoodka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa Dowladda Maraykanka ku bogaadiyay
gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la dagaalanka Alshabaab, waxa uuna sheegay
inay Alshabaaab khatarka weyn ku yihiin amniga Gobolka.
Sunday, January 29, 2023
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer)
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u
jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) oo
shalay ka hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda.
Wasiir Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa hadalka Cali Dheere ku
tilmaamay inuu yahay calaacal ah, isla-markaana muujinaya tabar darrida kooxda,
sida uu hadalka u dhigay.
wuxuu Fiqi su’aallo ka keenay baaqa uu Cali Dheere u diray gacansatada
Soomaaliyeed, maadaama uu hadalkiisa ku sheegay in la boobi rabo hantidooda.
‘Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku
hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway
mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!”
ayuu yiri Wasiir Fiqi.
wuxuu imntaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab ay jab iyo weerar xoogan kala
kulanta dagaalka ay ku qaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Saturday, January 28, 2023
Xasan Sheekh oo sheegay in umada soomaaliyeed oo kaliya eey tahay cida guusha gaaray kadib sanado badan
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay casho sharaf ku
maamuusay Culumadii ka qayb-gashay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee kusoo
gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in guusha
laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya.
“Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leedahay Soomaali kaligeed
ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid
wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xaydaney oo
mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan
doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay
bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha
caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan.
“Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye
laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan
Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka
qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo
xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.”
Sidoo kale waxa uu si weyn ugu bogaadiyay culimada Soomaaliyeed sida
midnimada leh ee ay umadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigeen dhibaatada ay
Al-Shsbaab ku hayaan dadka.
Culimada ayuu ka codsaday inay meesha ka saarto kala qeybsanaanta ka dhex
jirta bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka shaqeeyaan midnimada iyo
isdhex-galkooda si mid loo noqdo.
Waa kala miiranay asalkii inta ay dowladnimo bilaaban ee isticmaarka iman
sida u nooleyn ayaa u noqonay, in aan kasoo noqon ayaa u baahanahay. Wanaag ma
helayno illaa aan isdhex-galno oo dib isku dhex-galno oo Soomaali, Muslimiin
noqon inta kala qoqobanahay rejo lagama qabo in aan yeelaano dowlad xoog leh oo
macno leh adduunkana u dhiganta in aan yeelano rejadeeda aad ayay u yar tahay.”
Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee
2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab oo
tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, wuxuuna dadaal badan ku
bixinaya dhismaha hay’ad culimo oo marjac u noqota dowladnimada iyo midnimada
umadda Soomaaliyeed.
Friday, January 27, 2023
Goolkii Dembele ayaa ku hogaamiyay Barcelona inay iska xaadiriyaan semi-finalka koobka boqorka
Barcelona ayaa gaartay guul (1-0) intii lagu guda jiray iska horimaadkii ay la gashay Real Sociedad, fiidnimadii, Arbacada, wareega 8da ee Koobka Boqorka, garoonka "Spotify Camp Nou"
Goolka qura ee ciyaarta waxaa u dhaliyey 52’daqiiqo laacibka reer France ee
Osman Dembele, cayaaryahanka Barcelona,
guushaas ayaana Barcelona ay u gudubtay semi-finalka tartanka, waxaana ay
sugeysaa barbaraha si ay u ogaato kooxda ay la ciyaarayso wareegga xiga.
Cadaadiska Milkiilayaasha
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay cadaadis kaga imaanayay Barcelona, waxaana Robert
Lewandowski uu si dhab ah ugu guuleystay inuu hogaanka u dhiibo daqiiqadii
11-aad ee ciyaarta, laakiin garsooraha ayaa ku kansalay offside, iyadoo kubada
ay taabatay Frenkie de Jong, kaasoo offside ku jiray ka hor inta aysan kubada
dhicin. shabaqa.
Frenkie de Jong oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii
14-aad ku dhawaaday in uu hogaanka u qabto ciyaarta, kadib markii uu si lama
filaan ah cirib ugu laaday gudaha xerada ganaaxa, laakiin goolhaye Remiro ayaa
si cajiib ah u joojiyay.
Osman Dembele ayaa sameeyay dadaal shaqsi ah, waxaana uu kubad xoogan ku
dhuftay, kaasoo kubad uu ka helay goolhayaha Real Sociedad Remiro daqiiqadii
17aad.
Osman Dembele ayaa kubad u dhex dhigay xerada ganaaxa, isagoo dhanka dambe ka
yimid dhanka Frenkie de Jong, waxaana uu kubad ku dhacday birta bidix
daqiiqadii 20aad,
fursadii ugu halista badneyd ee Real Sociedad ayaa timid daqiiqadii 30-aad ee
ciyaarta, kubad uu ka helay gantaal Ciyaaryahan Takefusa Kubo oo u dhashay
dalka Japan ayaa ku dhex jira xerada ganaaxa, isagoo ku garaacay birta jiifta
ee goolka Ter Stegen. Ciyaaryahanka kooxda Barcelona ee
Pedri ayaa kubad la beegsaday cidhifka xerada ganaaxa,waxana si fudud u
qabsaday goolhayaha kooxda Real Sociedad Remiro daqiiqadii 32aad ee ciyaarta
Kabtan Sergio Busquets, iyo garsoorihii ugu caansanaa ciyaarta ayaa Manzano
siiyay kaarka hurdiga ah ee wajigiisa, ka hor inta uusan ku soo laaban
farsamada muuqaalka, oo uu kansalo go’aankiisa, islamarkaana uu casaan toos ah
ku muujiyo wajiga ciyaaryahanka Real Sociedad, 41-aad. Daqiiqadii
qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Osman Dembele ku
guulaystay in uu Barcelona hogaanka u dhiibo daqiiqadii 52 aad, wuxuuna kubbada
dhinaca midig ka soo dhex qaaday xerada ganaaxa dhexdeeda wuxuuna kubbad
cidhiidhi ah ka soo tuuray dhinaca bidix ee goolhaye Remiro.
Surloth oo Real Sociedad u ciyaara ayaa lumiyay fursad uu goolka barbaraha u
dhalin karay kooxdiisa daqiiqadii 59-aad, taas oo aad loola yaabay, kadib
markii uu karoos ka helay saaxiibkiis Takefusa Kubo, isla markaana uu hogaanka
ugu dhiibay kooxdiisa.
Laacibka kooxda Barcelona ee Javi ayaa kubad awood leh ku garaacay birta jiifta
daqiiqadii 68-aad, isaga oo iska qasaariyay fursad uu goolka labaad ku darsan
karay.
Ciyaartoyda Barcelona ayaa dalbaday gool ku laad, sababtoo ah waxaa xerada
dhexdeeda taabtay mid ka mid ah daafacyada Real Sociedad, balse garsooraha
ciyaarta ee Khel Manzano ayaa diiday, wuxuuna tilmaamay inuu sii wato ciyaarta
daqiiqadii 75-aad, waxaana
Barcelona kubad ku dhacday Rafinha. Shimbir, balse waxa ay dhaaftay goolkii
Real Sociedad daqiiqadii 82aad.
Goolhayaha kooxda Real Sociedad Remiro ayaa ka soo dhalaalay kubbad uu ka hor
istaagay weeraryahanka Barcelona ee Lewandowski daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta
, Goolhayaha Barcelona Ter Stegen ayaa ku sigtay inuu kooxdiisa ku dhex lugeeyo
baas qaldan oo ay ku gaadheen ciyaartoyda Sociedad, Robert Navarro ayaa kubad
xoog leh ku garaacay goolhayaha Jarmalka. DAQIIQADII 88 AAD
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay in ay Barcelona u soo baxdo wareega 16-ka kadib
markii ay ka gudubtay dabinka Real Sociedad.
Thursday, January 26, 2023
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa S/Guuto Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed