Thursday, January 26, 2023

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa S/Guuto Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

 

Ciidanka

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.

Magacaabistan ayaa timid, kadib soo jeedin ka timid, Wasaaradda Amniga Gudaha, ayada oo goluhuna uu ku raacay, kadibna asnixiyay magacaabista taliyaha cusub

Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.

Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore

Taliyaha cusub ayaa waxaa la sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, waxayna todobaadkan oo kaliya ay laba weerar ka fulisay caasimadda, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir, halka kan kalena oo ah hoobiye lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada.

Dhana kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo Shabaab.

Labada Wasaaradood ayaa sheegay in toddobaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku ka gaareen dagaallada ka socdo gobollada dalka.

 

Share:

Wednesday, January 25, 2023

Safiirka Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

 

Muqdisho

Axmed Juma Al-Rumaythi, Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, ayaa qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar Cali Balcad

Intii uu socday kulanka ayaa sida lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho waxaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loona horumarin lahaa dhinacyada iskaashiga wadajirka ah ee dhinac walba ah.

Waxaa xusid mudan in dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabta uu ka mid yahay wadamada ugu caansan ee ka qeyb qaata taageeridda Soomaaliya heerar kala duwan.

 

 

Share:

Tuesday, January 24, 2023

Shirweynaha Culimada Soomaliyeed oo Maanta ka furmay Muqdisho & Qodobada horyaalla

 

Culimada

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane XasanSheekh Maxamuud.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Culimada ayaa kulankooda dood uga yeelan doonaan dhowr qoddob oo miiska saaran, kuwaasi oo kala ah;

Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka

Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo

Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

Qaar kamid ah culimada qeybta ka ah kulankaan oo goor sii horeysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay jiheynta dalka, si culimadu usoo saarto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka.

Agaasimaha Waaxda Diinta iyo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka ee wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in shirkaan uu kusoo beegmay waqti aad loogu baahan yahay.

“Waa shir Culimada Soomaaliyeed loo qabanayo, waa shir maslaxada guud looga hadlayo, waa shir la doonaayo in waddanka uu is raaco, si fiican isu raaco, diinta islaamkana isu raaco oo culimaduna si qeexan ra’yidooda usoo bandhigto,” ayuu yiri Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cumar.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa shir la rajeynayo haddii Alle idmo in qodobo kasoo baxaan, waana la caddeyn doonaa qodobadiisa.”

Furitaanka shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo khudbado ka jeedinaya, wuxuuna kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

 

Share:

Monday, January 23, 2023

maamulka Jubbaland oo ku dhaqaaqday fulinta qorshaha dagaal ee Xasan Sheekh ee ka dhanka ah al-shabaab

 

al-shabaab

 Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gal culus ka wada deegaanka Janaay Cabdalle oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ciidamadan ayaa shalay kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaankan oo ah marin muhiima oo isku xira deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa sheegay in ay deegaanka Janaay Cabdalle duleedkiisa ka wadaan howl-gal sifeen ah, iyaga oo xusay inay ku daba jiraan firxadka dagaalamayaashii Shabaab ee shalay deegaankaasi iskaga baxay.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale saldhigyo ka sameestay deegaanka Janaay Cabdalle.

Deegaanka Janaay Cabdalle ayaa dhaca kala-barka degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, waana deegaan istaraatiiji ah oo isku xira gobollada Jubbooyinka, Gedo iyo gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Maamulka Jubbaland ayaa dardar-gelinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo kal hore uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku jiray sanado badan.

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in xoreynta Janaay-Cabdalla ay bilow u tahay fulinta go’aankii madaxweynaha dalka ee ahaa in dagaal kama dambeys ah lagu qaado kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in deegaano kale ay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda.

Share:

Sunday, January 22, 2023

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay sii wadaan geeddi-socodka dowlad dhisidda

 

Beesha caalamka

War saxaafadeed kasoo baxay wakiiladda  beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa lagu oo dhaweeyay dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya ee lagu hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Beesha caalamka ayaa si gaar ah u soo dhoweysay dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi.

”Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha caalamka.

 

Share:

Saturday, January 21, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Baydhabo kula kulmay aqoonyahanno iyo culumaa’udiin

 

Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed ayaa ka dalbaday in ay doorkooda ka qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorkooda wanaagsan ee fidinta diinteenna suubban, wacyi gelinta iyo toosinta bulshada isaga oo ku adkeeyay in ay kaalin muuqata ku yeeshaan halganka dib u xoreynta dalka gaar ahaan dabar goynta fikirka gurracan ee Khawaarijta.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dib u heshiisiinta, dowlad dhiska iyo la dagaallanka fikiraayay xagjirka ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday xoreynta, xasilinta dalka iyo dowlad-wanaagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaan xaqiijinta Soomaaliya xor ah, xasillan isla markaana Barwaaqo ah.

 





Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog