Wednesday, December 27, 2023
Madaxweyne Maxamuud iyo mucaaradka oo 5 arrin isku afgartay
Kulankii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ku dheriga ah
ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa daba socda kulankii Khamiistii lasoo dhaafay dhex-maray
madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh
Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiqaadir
Cosoble Cali.
Kulankii shalay ayaa labada dhinac ku gaareen dhowr is afgarad, wuxuuna
gebi ahaan daarna arrimaha dastuurka.
Sida laga soo xiganayo xubno kamid ah mucaaradka la kulmay madaxweynaha
waxay ku qanciyeen madaxweynaha in habka ansixinta dastuurka loo dhaafo
habraaca saxda ah gaar ahaan inuu codka qarsoodi noqdo.
Maalmihii tegay waxaa lagu eedeynayay dowladda inay diidan tahay inuu codka
qarsoodi noqdo oo ay taasi bedelkeeda gacan taag rabto, balse hadda mucaaradka
ayaa madaxweynaha ka codsaday in qarsoodiga loo dhaafo waxaana la sheegay in
madaxweynaha uu taas diidin.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in howsha dastuurka aan la
bilaabin illaa inta ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Puntland oo kadibna
laga caleemo saarayo hoggaamiyaha la dooran doono ee maamulkaas, oo ay Puntland
kusoo laabaneyso Golaha Wadatashiga Qaran. Markaas kadib ayaa la bilaabi doona
doodda arrimaha dastuurka.
Midda saddexaad ee dhinacyadu isla soo dhaweeyeen waa arrinta haykalka
dowladnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo afartaan siyaasi ayaa isla fahmay in
aan arrinta haylka dowladnimada dooddeeda la ballaariyo oo aan la dadajin,
loogana dooddo fagaarayaal waaweyn oo ay sidoo kale ku jiraan labada Aqal ee
Baarlamaanka Soomaaliya.
Inkasta oo uusan madaxweynaha sheegin inuu ka tanaasulay aragtidiisa
madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, haddana inay taasi ka dhalato dooddo
waaweyn oo dhex-mara siyaasiyiinta, sharci dejiyayaasha labada Aqal ee BFS,
aqoon-yahaanada iyo guud ahaan dadweynaha, iyada oo laga eegayo dhinacyo badan
lana waafajinayo duruufaha yaalla Soomaaliya, waa tallaabo muhiim ah.
Dhinacyada ayaa sidoo kale arki doona guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka
Soomaaliya oo sidoo kale lala wadaagi doono sida ugu haboon ee loo jiheyn karo
arrimaha dastuurka.
Nuuca doorashada ayaa la isla soo qaaday, waxaana lagu ballamay in
waqtigeeda laga wada-hadlo, iyada oo la qiimeynayo cawaaqibka ay leedahay in
dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah iyada oo ay ka maqan tahay Somaliland.
Dhinacyada waxay kale oo isla qaateen in la sii wado doodaha oo sidoo kale
lagu soo biiriyo siyaasiyiinta kale.
Dowladda hadda tallada haysa waxaa ka go’an in muddo xileedkan dhexdiisa la
dhameystiro oo laga saaro kumeel-gaarka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda siyaasi bisil oo ogol in wax
walba lagala doodo oo ay albaabadiisa furan yihiin, taasi oo marwalba dhalin
karta in dalka ku socdo dariiq siyaasad ahaan xasilloon.
Tuesday, December 26, 2023
Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka daah-furay Shir looga hadlaayo dardargalinta iyo dib u eegista Howlaha Hay’adda
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim
ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu ka daah-furay shir looga hadlaayo
dardargalinta shaqada iyo Dib u eegista Howlaha SoDMA kaas oo socon doono muddo
Saddex cisho ah.
U jeedka shirkaan ayaa ah gorfeynta howlihii SoDMA u qabsoomay sanadkaan
sii dhammanaya ee 2023, in la helo qorsho siyaasadeed oo shaqada hay’adda lagu dardargalinayo,
daadajinta shaqada hay’adda,
waxaana goob joog ka ahaa shirkaan Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda
Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, Lataliyayaasha Hay’adda, agaasimayaasha
waaxyaha kala duwan iyo qaar ka mid ah howlwadeennada hay’adda.
Maalinta 1-aad ee shirkaan ayaa la soo bandhigay doodo looga hadlayey sida
ugu wanaagsan ee shaqada hay’adda loo dardargalin karo looguna hagaajin karo
howlaha sanadka cusub hay’adda u yaal.
Monday, December 25, 2023
Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Imaaraadka kaalmada deeqsinimada leh ee ay u fidiyeen dalkiisa
Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim
Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay'adda SoDMA waxa uu ku qaabilay
Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay doorka Imaaraadka uu ka
qaadanayo sidii dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga hortagi
lahaayeen fatahaadaha baaxadda leh ee bilihii la soo dhaafay ku dhuftay
deegaanno badan oo dalka ka tirsan. Daadadku waxa ay barakiciyeen kumanaan
qof, waxa ay burburiyeen kaabayaashii dhaqaalaha, sidoo kale waxa hakad galiyay
maciishada.
Safiirka ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed,
waxaana uu bogaadiyay dadaalka ay Hay’addu ugu jirto isku xirka gurmadkabini’aadantinimo. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in Imaaraadku uu
kordhin doono taageerada ay ka geystaan gurmadka fatahaadaha iyo howlaha soo
kabashada, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska buundooyinka ay
burburiyeen daadadku ee magaalooyinka qaar.
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraatka Carabta
Guddoomiyaha Hay’adda ayaa uga mahad-celiyay Safiirka kaalmada deeqsinimada
iyo muddeysan ee ay Dowladda Imaaraadka Carabtu ku soo beegtay, wuxuuna ku
dheeraaday muhiimadda ay leedahay mashruuca dib-u-dhiska Buundada si loo soo celiyo
awoodii isu-socodka iyo is-gaarsiinta bulshada dhibaatadu saamaysay. Sidoo
kale, wuxuu sheegay inuu rajeynayo iskaashi iyo iskaashi dhexmara Soomaaliya
iyo Imaaraadka oo dhinacyo kala duwan leh.
Imaaraatka Carabta ayaa ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo saaxiibada ugu
badan ee Soomaaliya ka taageera arrimaha bini’aadantinimada, horumarka iyo
amniga. Imaaraadku waxa uu sidoo kale si firfircoon uga qaybqaatay
dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee loogu talagalay horumarinta nabadda
iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sunday, December 24, 2023
Xaalado adag oo xagga nolosha ah oo laga soo warinayo bulshada Degmada Ceelwaaq
Degmada Ceelwaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u
saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-nino, ayaa waxaa halkaas ka jirta
xaalad adag oo dhanka nolasho ah,
iyadoo wali gudaha xaafadaha degmadaas biyihii ku soo rogmaday ay
fadhiyaan, iyadoo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan cudurada faafa.
Dhamaan dadkii shacabka ahaa ayaa ka barakacay gudaha degmada Ceelwaaq,
iyaga oo daadsan daafaha iyo tuuloyinka ku dhaw degmada.
Sawirro laga soo qaaday xafadaha Ceelwaaq ayaa waxaa lagu arkayaa biyo
xoogan oo magaalada dhex- fadhiya kuwaas oo midab koodu isbadalay ayna
adagtahay in la dhexmaro, waxaana sidoo kale duugmay Ceelashii biyaha iyo
Musqulihii dadka isticmaali jireen.
Goobahii Waxbaarshada, Caafimaadka iyo Cibaadada ayaa guud ahaan xiran,
waxaana sare u kac uu ku yimid Maciishada qaybaheeda kala duwan.
Saturday, December 23, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijinaya inay ka go’an tahay dhameystirka dastuurka iyo ka xoreynta dalka Al-shabaab
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii sheegay inay ka go’an tahay
dhameystirka dastuurka iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyada
Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka oo soo socday tan iyo 2012-ka uu
yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, lana jaanqaadi kara
duruufaha isbedelaya.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dastuurka lagu wareejin doono hay’adaha
kala duwan ee bulshada si ay wadatashi iyo fikrad uga dhiibtaan, isagoo ballan
qaaday in dowladdu ay fududeyn doonto kobaceeda iyo horumarkeeda.
Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan
dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo ah eray uu ugu yeeri jiray Al-Shabaab iyo
kooxaha kale ee xagjirka ah oo muddo toban sano ka badan dalka ka waday
dagaallo fool ka fool ah. .
Xasan Sheekh oo maanta si cad usoo bandhigay qorshihiisa wax ka bedelka
dastuurka
Madaxweynaha ayaa sheegay in caalamka oo dhan uu isha ku hayo horumarka ay
Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isla markaana ciidamada dowladda oo gacan ka
helaya Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay sii wadi doonaan
soo celinta deegaannada cusub ee Khawaarijta ilaa inta dalka oo dhan laga
helayo xor iyo nabad.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab inay ka tanaasulaan
colaadda, ayna cafis weydiistaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku boorriyay
ajaanibta ka tirsan kooxdaas inay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen,
taasoo muujinaysa inaysan jirin meel ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.
Thursday, December 21, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti