Sunday, November 19, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir guddoominayay shirka Guddiga Amniga Qaranka
Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey kulanka amniga qaranka oo looga hadlay
afar qodob
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee
Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka
Guddiga Amniga Qaranka.
Shirkaas ayaa looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday
xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho oo si gaar ah loogu gorfeeyey shirkaan.
Sidoo kale madaxda amniga qaranka waxay shirkaan uga hadleen
dib u dhiska ciidamada qaranka oo hadda meel fiican soo gaartay.
Arrimaha kale ee diiradda la saaray waxaa ka mid ah xoreynta
deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya.
Sidoo kale masuuliyiinta amniga qaranka Soomaaliya waxay
shirkaan uga tashanayeen nooca warbixinta la hor geynayo shir ay dhawaan
dowladda Soomaaliya la yeelan doonto Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.
Shirkaas waxaa looga hadlayaa amniga Soomaaliya, gaar ahaan
hanaanka ay dowladda Soomaaliya ula wareegeyso amniga qaranka.
Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay
Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula
shaqeynayaan laamaha amniga.
Sidoo kale waxaa lagu dhiirrigeliyey Ciidanka Booliska ee u
tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan
amniga caasimadda.
Guddiga Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga
ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka,
gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo
Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka
wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada
ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.
Saturday, November 18, 2023
Madaxweynaha ayaa madaxda ciidamada kala hadlay xaaladda amni ee dalka
Xasan Sheekh oo Guddoomiyay shir ku saabsan Amniga iyo howlgalka xoreynta
dalka
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoomiyey kulan
uu la qaatay saraakiisha iyo taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka iyo booliiska,
kaasoo looga hadlay xaaladda amni ee dalka.
Madaxweyne Maxamuud, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, ayaa
warbixin ka dhegaystay hoggaanka Ciidammada Qaranka oo ku saabsan wejiga
koowaad ee hawl-galka dib u xoraynta dalka. Warbixinta ayaa lagu sheegay
in haddii la dhaqan geliyo qorshaha dhow ay horseedi doonto in laga xoreeyo
deegaanada ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Dardaaran uu jeedhiyey Madaxweyne Xasan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyay ciidamada dowladda ee ku
guuleystay in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaano badan oo dalka ah tan iyo
markii uu bilowday weerarada sanadkii hore.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir
Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh
Muxuyidiin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Salub Axmed iyo
madax kale.
Thursday, November 16, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Burundi
Madaxweyne Xasan
Sheekh ayaa dhiggiisa Burundi kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan
wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare ayaa maanta oo Arbaca ah gaaray magaalada
Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, isagoo ka jawaabaya casumaad uu ka helay
Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Kalfadhiga hadda ee Bulshada Bariga Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka
Burundi, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii kor
loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee ku
dhisan is-aaminaad iyo danaha guud.
Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Burundi doorka ay dalkiisa ka
qaateen soo celinta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya oo ay ka qeyb qaadanayaan
ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
“ATMS”, waxayna labada mas’uul ammaan u jeediyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa
Burundi. ciidamada dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan
Sheekh oo booqasho shaqo ku tegay Dalka Burundi
Dhankiisa, Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa uga mahadceliyey
Madaxweyne Xasan Sheekh booqashadiisa shaqo ee dalkiisa iyo dadaalka uu ugu
jiro hirgelinta nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarinta Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya.
Natiijadii ugu weyneyd ee ka soo baxday socdaalkan ayaa ah go’aanka ah in
la qabto shirka mustaqbalka ee guddiga joogtada ah ee iskaashiga labada dal,
iyo xaqiijinta madaxweynayaasha labada dal sida ay uga go’an tahay himilooyinka
bulshada Bariga Afrika iyo Afrika. Midowga, gaar ahaan dhinaca kobaca
dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika dhexdeeda.
Wednesday, November 15, 2023
Ku dhawaad 10 ruux oo ku geeriyootay fatahaada ku dhufatay Baledweyne
Waxa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyooday fatahaada Wabiga Shabeelle uu
ka geystay xaadafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen fatahaadda wabiga
Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay
warbaahinta u sheegen maamulka degmada Baledweyne.
Maaamulka degmada Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in fatahaadu ay sababtay
khasaare hantiyadeed oo baaxad leh iyo barakacii ugu xoogana dhowrkii sano ee
lasoo dhaafay.
Duqa degmada Baledweyne Nadar Tabaax ayaa sheegtay in hay'addaha samafalka ay
ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladaha ka dhashay fatahaada ee lasoo daristay
dadkii ku noolaa xaafadaha Baledweyne oo intooda badan u barakacay Ceel jaalle.
baaq dagdag ah
Marwo Nadar ayaa sidoo kale dalbatay in gurmad deg deg ah lala soo gaara
dadka reer Baledweyne ee sida weyn u saameysay fatahaada.
Si kastaba waxaa xusid mudan in xaafadaha Baledweyne ay wali ku dhex go'doonsan
yihiin qoysas badan oo isugu tagay dhulalka taaga ah ee ku yaala xaafadaha
Baledweyne, iyadoo biyaha wabiga ay sii xoogeysanayaan saacadba saacada ka
dambeysa.
Tuesday, November 14, 2023
Wasiirka warfaafinta, XFS Daa’uud Aweys iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka oo Hay’adaha deeqaha bixiya lakulmey
Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka kala
socday Hay’adaha deeqaha bixiya
Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa maanta
xarunta dhexe ee SoDMA waxa ay kulan gaar ah kula qaateen Wakiilo iyo
Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya ee wadamada islaamka iyo
Ururka iskaashiga islaamka (OIC ).
Kulankaan oo deg-degdeg ahaa ayaa ku saabsanaa Isku-dubbaridka
Bani’aadamnimada ee kuwa ay saameeyeen El-Niño, waxaana lagu soo
bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka dagan
deeganada ay fatahaada ka dhacday.
Wasiirka warfaafinta, XFS Daa’uud Aweys iyo Guddoomiyaha Hay’adda
Maareeynta Musiibooyinka Qaranka
Shirkaan ayaa looga hadlay hababka jawaab celinta deg -degdega ah iyo
sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay, intaa waxaa dheer oo
kulankaan looga hadlay iskuduwidda iyo in hay’addaha ay ka qayb-qaataan
Dib-u-dejinta dadka barakacay iyo nafaqeeyntooda iyada oo la saarayo ogaanshaha
mudnaanta iyo baahiyahooda.
Hay’ aduhu waxay balan qaadeen inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan,
qaybna ka noqon doonaan jawaab celinta deg -degdega ah iyo sidii loo
caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay
Monday, November 13, 2023
Wasiirrada Cadaaladda ee Masar iyo somaaliya oo kulan ku yeeshey Qaahira