Monday, November 6, 2023

Guddoomiyaha degmada Baardheere oo xaqiijiyey in roob ka da’ay guud ahaan gobolka Gado uu sameeyn ku yeeshay dadka Shacabka ah

 

Guddoomiyaha degmada Baardheere

Guddoomiyaha degmada Baardheere oo sheegay in roob ka da’ay guud ahaan gobolka Gado uu sameeyn ku yeeshay dadka Shacabka ah

Waxaa isa soo tarayo sameeynta ka dhalatay Roobka deyrta oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay degaanno badan oo ka tirsan gobolka Gado.

Roobabka waxaa ka dhashay fatahaado iyo daadad geystay qasaare dhimasho iyo bur-bur hantiyeed,waxana meelaha qaar laga soo warinayaa in ay jiraan barakac xooggan

Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed wali Yuusuf Qorax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto degmada iyo guud ahaan gobolka waxa uuna dowladda iyo Maamulka jubbaland ugu baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro Qoysaska oo roobka sameeyay.

“xaafadaha ay ka koobantahay degmada Baardheere guud ahaan waa wada saameeyeen daadadka roobka,waana laga wada barakacay guud ahaan gobolka Gedo dagmooyinkiisa, gurmad degdeg ah ayaan codsaneynaa” sidaa waxaa yiri

Guddoomiyaha degmada Baardheere

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in laga cabsi qabo in ay go’do Buundada degmada Baardheere oo biyuhu buux dhaafiyeen,waxaana isa soo taray dadka ka barakacayo degmada,inkastoo

Sidoo kale ma ahan goobaha ay roobabku sameyeen gobolka Gado Lee ee waxaa la soo warinayaa degaano dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka roobka uu sameeyn ku yeeshay waxa ayna dadkaan xiligaan u maahanyihiin gurmad deg deg ah oo loo fidiyo

Share:

Sunday, November 5, 2023

Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha

 

Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqay gurmado dag-dag ah

Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqay gurmado dag-dag ah

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, waxaana  halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka xoogan ee ka da'aya inta badan gobolada dalka.

”Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogg leh oo ka da’aya gobolada dalka, xog aan hayno dhimashu waa ilaa 10 qof" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

R/W ku-xigeenka dalka oo sameeyeen daadadku 

Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaare ku xigeenka dalka in dowladdaFedaraalka ay ku jirto dadaalo la xariira sidii gurmadyo loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen dhibaatada fatahaadaha iyo roobabka ka dhashay..

Gabagabadii Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iney taageero iyo garab istaag u muujiyaan dadka Soomaaliyeedee dhibaatada ka soo gaartay daadadka iyo fatahaadaha ee xaaladaha deg deg ah ku jira.

Share:

Friday, November 3, 2023

Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis cusub oo ku saabsan taageerada iyo dib-u-habeynta Maaliyadda

 

dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgartey

Hay’adda Lacagta Adduunku oo sheegtay in horumarka la taaban karo  laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda

Hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa  is afgarad ka gaaray barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono.

Warbixin dheer oo kasoo baxday IMF, ayaa lagu ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka.

Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah, sida war- saxaafadeedka lagu sheegay.

dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgartey

IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub oo lagu magacaabo ECF, in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey'adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF, ayaa sheegay in heshiiskaan uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka dayn cafinta.

Share:

Thursday, November 2, 2023

R/W Xamsa oo ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

 

Ra’iisul wasaare xamse oo kadigey dhibaatooyinka Khawaarijta

R/W Xamza oo si adag u booriyey  culimada 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”.

Ra’iisul wasaare xamse oo kadigey dhibaatooyinka Khawaarijta

RW xamse oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Share:

Wednesday, November 1, 2023

Hay’adda SoDMA oo muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka jawaabidda khatarta El Niño

 

Cabsiweeyn oolaga qabo khatarta ElNiño.

Hay’adda Mareeynta masiibooyinka ayaa si dhow ula socda xaaladda El Niño.

Hay’adda Mareeynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa muqdisho ku qabatay shir looga hadalyo isku-duwidda hoowlaha ka jawaabidda khatarta El Niño.

Shirka oo ay iskugu yimaadeen inta badan dowlad gobolleedyada dalka, maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adaha dowladda federaalka ayuu hadafku ahaa isku duwidda howlaha ka jawaabista khatarta ElNiño.

Cabsiweeyn oolaga qabo khatarta ElNiño.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Adan, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wada shaqaynta iyo isku xirnaanta dowladda

labadeeda heer dhinaca ka jawaabista khatarta El Niño oo qaybo ka mid ah dalka ay ku dhufatay xilli roobaadkan gudahiisa iyo guud ahaan gargaar gaarisiinta bulshada tabaaleeysan.

 

Share:

Tuesday, October 31, 2023

Raysal Wasaare Xamse oo furay shir ku saabsan doorka culimadu ku leeyihiin ciribtirka xagjirnimada

 

Xamza oo maanta Muqdisho ka furay shirweyne muhiim ah

Xamza oo maanta Muqdisho ka furay shirweyne muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay furitaanka shirweynahan ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.

Mudane Xamza ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha argagixisada.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha

Ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda.

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay culimada in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirba, taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo.







Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog