Tuesday, August 22, 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed
Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda
Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.
Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo
midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan uu uga siday Guddoomiyaha
Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.
Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada
baaxada leh ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama
ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u
noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.
Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee gacan ka geysta howlgalka
Midowga Afrika ee AMISOM.
Monday, August 21, 2023
R/W Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay u diyaargarowga shirka Isbadalka Cimilada Adduunka ee COP28
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku
saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo
ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee xakameynta iyo
wax ka qabashada saameynta isbeddelka Cimilada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee
qeybta ka ah, inay la yimaadaan aragti mideysan iyo xalka dhibaatooyinka ay
sababaan isbeddelka cimillada, kuwaasi oo lagu soo bandhigi-doono Shirka
Isbeddelka Cimilada Adduunka
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn
toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo
isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo ay
sabab u tahay roobabkii oo yaraaday iyo wabiyadii dalka oo biyo yareeyay.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa kormeerey xarunta
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo uu ka dhacayay shirka, wuxuuna
bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Wasaaraddu muddadii
sanadka ahayd ee ay jirtay.
Sunday, August 20, 2023
Shirkada DP World ayaa dhamaadka sanadkan dhamaystirtay balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso ee Puntland
Wasiirka dekedaha ee maamul goboleedka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya,
Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in DP World la filayo in dhamaadka sanadkan
ay dhamaystirto balaadhinta dekedda Boosaaso ee maamulkaasi.
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 366 milyan oo dollar oo ay
maalgelinayso shirkadda DP World, ayaa ka mid ah dhawr xarumood oo ay shirkaddu
ku horumarinayso Geeska Afrika.
“Marka loo eego halka ay ku taallo oo istaraatiiji ah, waa waddo ganacsi oo
lagu soo jiidan karo ganacsatada gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Axmed
Yaasiin oo ka hadlayay horumarinta dekedda Boosaaso, isagoo xusay in
ballaarinta labaad ay billaaban doonto sanadka soo socda.
Shirkada DP World ayaa sanadkii 2017 ku guulaysatay heshiis 30 sano ah oo
lagu horumarinayo laguna maamulayo dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta
ganacsiga Puntland, sidoo kale shirkadan ayaa heshiis midkan lamid ah kula
jirta horumarinta iyo maamulida dekeda magaalada Berbera ee dalka aynu jaarka
nahay ee Somaliland.
Saturday, August 19, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay agaasimaha madaxyooyada Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u Magacaabay Cabdixakiim
Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kadib markii uu dhawaan
is casilay Agaasimihii hore.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cusub ee Madaxtooyada Qaranka in Alle
uu u fududeeyo Mas'uuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay
in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka, ayaa lagu yiri qoraalkaan
oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ka soo baxay.
Waana Agaaismihii labaad oo Villa Soomaaliya ay yeelaneyso mudada Sanadka
iyo dhowrka bilood ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiska joogo.
Waxaa dhawaan is casilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen
Sheekh Maxamuud oo iskiis uga tegay shaqada, wuxuuna maalmo ka hor shaaciyey
sababta uu isaga casilay xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka.
Cabdixakiin inta aan loo magacaabin wuxuu la-taliye dhinaca siyaasadda ah u
ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa digreedada lagu magacaabay lagu shaaciyey inuu leeyahay khibrad shaqo
oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha
dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay
colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha.
Friday, August 18, 2023
Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay inta bil ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay
in qorshaha dowladda uu yahay in Al-Shabaab dalka looga saaro muddo shan bilood
ah.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay dadweynaha
su’aalo ku weydiiyeen oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaarisay
“qorshooyin cad” oo ay dooneyso inay ku guuleysato shanta bil ee soo socota.
Qorshayaashaas ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga xorreeyo Al-Shabaab, ayuu
yiri madaxweynaha.
Waxa uu sheegay in dowladda ay Al-Shabaab cirib-tiri doonto
ama ay baaqi kusii ahaan doonaan kaliya meelo yar yar oo aysan wax dhibaato ah
ka gaysan karin.
Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay sidoo kale wax ka
beddeshay xeeladihii hore ee diiradda lagu saarayey qabsashada magaalooyinka
iyo xaafadaha, ayna hadda u weecatay in maleeshiyada laga xorreeyo baadiyaha,
si aysan u helin fursado ay ciidanka dowladda gadaal kaga soo weeraraan.
Waxa uu sheegay inay wax aan la aqbali karin iyo xushmad
darro ku noqon doonto askarta dhiiggooda daadiyey haddii Al-Shabaab ay dib ugu
soo laabtaan magaalooyinkii laga qabsaday.
Saadaasha madaxweynaha ee ah in kooxda dalka looga xoreyn
doono shan bil ayaa kasoo hormareyso mid uu horey u sheegay la-taliyihiisa
amniga qaranka Xuseen Macallin, oo aheyd xagaagga 2024.
Qorshayaasha kale ee madaxweynaha sheegay inay doonayaan
inay ku guuleystaan bilaha soo socda ayaa ah dhameystirka dastuurka qabyada ah
iyo in laga dhaadhiciyo golaha ammaanka inuu xayiraadda hubka ka qaado
Soomaaliya.
Thursday, August 17, 2023
Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlaya sidii ay iskaashi wadajir ah u yeelan lahaayeen