Saturday, August 12, 2023

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhanka amniga

 

Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodeshi” ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Juma Al-Rumaythi.

Wasaaraddu waxay qoraalkeeda ku sheegtay in Wasiir Doodiishi iyo Danjire Jumaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinaca amniga.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa bogaadiyay garab istaagga dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada ay la garab taagan tahay heer kasta

Imaaraadka Carabta ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee walaalaha ah ee kaalin mug leh ka qaata taageerada Soomaaliya heerarkeeda kala duwan, taasoo

sidoo kale gacan ka geysata dib u soo kabashada Soomaaliya iyo xaqiijinta xasilloonida dhinacyo kala duwan leh, iyagoo garab ka helaya walaalahooda, kuwaasoo sidoo kale gacan ka geysta sidii ay Soomaaliya u heli lahayd xasillooni. ammaanay dhismaha xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah dhinac walba.


Share:

Friday, August 11, 2023

Md JFS oo xarriga ka jaray Laanta Bankiga Dhexe ee Galmudug

 

Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray laanta Bangiga Dhexe ee oo uu ka hirgeliyay magaalada Dhuusamarreeb.

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay xafladda.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ka reer Galmudug ahaan ay ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xusay iney ka go’antahay sidii  dib loogu howlgelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Bankiga Dhexe ee Soomaaliyaku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hergelinayo xarumaha  maamul goboleedyada dalka.

 

Share:

Thursday, August 10, 2023

RW Soomaaliya ayaa kala hadlaya safiir ku xigeenka Mareykanka sare u qaadista iskaashiga dhanka ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada

 

RW xamze oo la kulmay Siihayaha Safiirka Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Khawaariijta iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

Share:

Wednesday, August 9, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa booqday keydka xarunta Hay’adda ee SoDMA.

 

Hay’adda ee SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta waxa uu kormeeray keydka ama Baqaarka xarunta dhexe ee SoDMA oo ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawooyin iyo Dhar taas oo loogu talagalay in dhawaan loo daabulo deeganadii khawaarijta laga saaray iyo kuwa maalmaha soo socda laga xoreyn doono.

Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in ka hay’add ahaan ay u diyaar garoobeen sidii gargaar u gaarsiin la hayeen Magaaloyinka iyo deegaannada Gobolada dalka ee dhawaan laga xoreyn doono khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo ay ugu horeyo Magaalada Ceelbuur.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marwalba ay ka go’antahay u gargaarida bulshada Soomaaliyed waxaana u sheegay in malamaha soo socdana gargaar mucaawino ah ay u daabuli donaan  Magalaada Lascaanood, oo shacab badan oo dagaalada halkaas ka socda saameen ka soo gaartay ay tubanyihiin banaanka Magaaladaas,

Guddoomiye Maxamuud ayaa ugu baaqay  Shacabka Soomaaliyeed  in ay ka qeyb qataan gurmadka loo fidinayo walalaha Soomaaliyeed ee dhibatada muddada badan ay ku hayeen argagixisada Al-shabaab.

 

Share:

Tuesday, August 8, 2023

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

 

muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa kula kulmay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Michael Nithfrianakis.

Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaare Hamza iyo Danjire Nithfrianakis waxa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira xiriirka labada dal, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday qorshaha guud ee ay Xukuumaddiisa ku xoreyneyso dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la taageero barnaamijka xasilinta deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

Qodobada looga wada hadlay ayaa ahaa dardar gelinta mashaariicda ay UK ka taageerto Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira horumarinta, gargaarka iyo amniga, iyadoo Boqortooyada Sacuudiga ay ka mid tahay wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya.

 

Share:

Monday, August 7, 2023

Shiinaha ayaa $150 ugu deeqay dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab

 

hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maantay Xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Fea Shengchao.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubno ka tirsan Madaxda hay’adda SODMA, ayaa Safiirku ku doonsiiyey Guddoomiyaha Deeq Lacag oo dhamaayd $150,996, oo ahaaye kaalmo.

Kaalmada ka timi Dowladda Shiinaha waxay ugu tala-galeen in lagu caawiyo dadka u baahan iyo Mucaawinooyin kale oo hore lugu soo wareejiyeen hay’adda SODMA, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay hay’adda.

Gargaarka iyo mucaawinooyinka ayuu qorshuhu yahay in la gaarsiiyo deeganada kooxda Al-Shabaab laga saaro iyo degaanadda laga xoreeyo si dadka degaanka loogu caawiyo iyo meelaha ay sameeyeen abaarahu.

waxaa kulanka diirada lagu saaray in Dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso Mashaaricda Horumarinta, qalabeenta iyo dhisida Ceelasha Biyaha, Tababarada shaqaalaha hay’adda iyo sii xoojinta xiriirka hay’adda iyo Safaarada shiinaha u joogta Soomaaliya.

dagaalaad ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socoda degaanoo kala duwaan ayaa weli gaarin qoshiihii laga lahaa wellow uu jiro dib u dhac Wajigii labada ee Dagaalka usaan weli billaaban.

waxaana well wel laga muujinayaa degaano horay looga xoreyey oo ay dib ugu soo labtaan Kooxda Al-shabab iyo Tuulooyin hore oo ay ku soo dhowaadeen Maalmihii ugu dambeyey sida wararku sheegayaan.

 



Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog