Tuesday, June 20, 2023

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Khamiista ah fadhi ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

 

Golaha Ammaanka

Golaha Ammaanka ayaa Khamiista soo socota yeelanaya fadhi ay uga hadlayaan arrimaha Soomaaliya

Golaha ayaa lagu wadaa inuu yeesho kulan gaar ah Khamiista soo socota, iyadoo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Ling ay soo jeedin doonto warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Dadaalka Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo xasilloonida iyo horumarka dalkaas.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya ahna Madaxa Ergayga Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika “Atmis” Danjire Mohamed Al-Amin Soueif ayaa ka qeyb galaya shaqada kalfadhiga ee xaaladda Soomaaliya.

Kennedy McCain oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka u gudbin doona warbixin ku saabsan xaaladda sugnaanta cunnada ee Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay sida aadka ah u saameeyeen dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan.

Share:

Monday, June 19, 2023

MW Soomaaliya ayaa filayaa in uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kala hadlay qorshaha kala guurka iyo cunaqabateynta hubka

 

Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safro magaalada New York si uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, sida ay ilo xog ogaal ah sheegeen .

Booqashada Madaxweyne Maxamuud ayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo cusboonaatay dadaallo lagu dalbanayo in Qaramada Midoobay laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo 1992-kii.

Mas’uuliyiinta ayaa rajeynaya in madaxweynaha uu ka warbixiyo horumarka laga gaaray qorshaha kala guurka ah ee ciidamada Afrika ay si tartiib tartiib ah uga baxayaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale carabka ku adkeeyay guulihii laga gaaray dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay si buuxda ula wareegto arrimaha amniga qaranka iyo in la sameeyo hay’ado amni oo isku kalsoon oo awood u leh in ay dalka ilaaliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran muddo ka badan sodon sano ay muhiimad weyn u leedahay horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dadka u dooda in xayiraadda la qaado ayaa ku doodaya in mamnuuciddaasi ay caqabad ku tahay awoodda dalka uu si wax ku ool ah ula dagaallamo fallaagada iyo khataraha kale ee ammaanka.

Madaxweyne Maxamuud ayaa laga filaa in uu sameeyo kiis adag oo ku saabsan dib u eegista cunaqabateynta hubka, isagoo muujinaya horumarka laga gaaray dib u habeynta laamaha amniga iyo kordhinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.

Share:

Sunday, June 18, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiyada dib u eegista Dastuurka

 

Xasan iyo Xamsa oo  guddiga la socodka dib-u-eegista iDastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay guddiga la socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo.

Guddiyada ayaa Madaxweynaha ka balan qaaday inay si degdeg ah u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo bandhigay balanqaadyo ku saabsan sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii kulamadaan wuxuu ku bogaadiyey xubnaha labada guddi howlaha u qabsoomay.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan  sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed

 

Share:

Saturday, June 17, 2023

Madaxweynaha XFS Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Mareykanka

MW Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo dib doorashadiisii waqti xooggan galiyay safarro uu ku marayo waddamada daneeya arrrimaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo aaddan u socdaali doona dalka Maraykanka.

Sida aan xog ku helnay Madaxweyne Xasan ayaa Maraykanka kaga qeyb gali doona shir madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Dalalka Africa iyo Mareykanka (The U.S.-Africa Leaders’ Summit) kaas oo December 13-15, 2022 ka qabsoomi doona Washington.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad ​​50 hoggaamiye iyo saraakiil sarsare oo ka socda dalalka Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa dhowr arrimood sida; xoojinta ballan-qaadka Maraykanka iyo Afrika ee dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Yaraynta saamaynta COVID-19 iyo masiibooyinka mustaqbalka; kor u qaadidda sugnaanta cuntada; horumarinta nabadda iyo amniga; wax ka qabashada dhibaatada cimilada; iyo xoojinta xidhiirka qurbajoogta qaaradda Afrika ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Maraykanka waxaa shirka ku matali doona Madaxweyne Biden, Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Waaxda Ganacsiga iyo saraakiil kale.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya saraakiil sare oo ka socda Rugta Ganacsiga ee Mareykanka, Warshadaha, NGO-yada iyo bulshada rayidka ah, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan xarunta looga taliyo Maraykanka ee Aqalka Cad.

MW Xasan ayaa sanadkii 2014 Washington kaga qeyb galay shirkii 1-aad ee Hoggaamiye-yaasha Dalalka Africa iyo Mareykanka, waxaana xusid mudan inuu dhawaan New York kaga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Joe Biden ayaa dhawaan 450-askari oo Maraykan ah dib ugu soo celiyay Soomaaliya, taasoo meesha ka saartay amarkii Donald Trump. Biden wuxuu Trump  ku raacay xadidaadda weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn goobha ka baxsan aagagga dagaalka.

Majaladda New York Times oo xiganeysa saraakiil Maraykan ah ayaa dhawaan daabacday warbixin ku aaddan in Maamulka Joe Biden uu ka fiirsanayo codsi uga yimid Soomaaliya oo ku aadanaa in Mareykanka meesha ka saaro xayiraadahaduqeymaha saaran.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inta uu ku sugan yahay Washington inuu kulamo doceed la qaato Madaxda Dowladda Maraykanka iyo kuwa waddamada Afrik.

 

Share:

Thursday, June 15, 2023

XFS oo shaacisay iney dishay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa Al-shabaab

 

Al-shabaab

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah bixisay howlgal Shalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaanada Galcad iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya sheegtay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiray horjooge magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Guure oo loo yaqiinay Cali Qoyane.

Horjoogahaan ayay dowladda sheegtay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab ee gobolka Galgaduud kuwa ugu daran ee dhibaatada ba'an ku hayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada gobolkaas.

Taliye ku xigeenka Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Xidigle Maxamed Xasan Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta qaranka in dilka horjoogahaan uu yimid kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.

“Horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane) ayaa isagoo maqana ah waxaa ay horay Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil, waxuuna ka kamid ahaa horjoogayaasha ugu halista badan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay” ayaa lagu yiri war kooban oo ay baahisay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Howlgalka lagu dilay horjoogahaan ayaa sidoo kale la tilmaamay in ciidanka dowladda ay kusoo furteen gaari noociisu yahay NOHA iyo hubkii ay wateen horjoogahan iyo xubnaha kale ee lagu dilay howlgalka qorsheysnaa ee ka dhacay Galgaduud.

Share:

Shirkii ku saabsanaay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Nairobi

 

deyn cafinta Soomaaliya

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, kaas oo looga hadlayay barnaamijka ECF ( Extended Credit Facility) ee hannaanka Deyn Cafinta.

Shirkaan oo socday muddo 4 maalin ah ayaa lagu gorfeeyay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, dib-u-habeynta Maaliyadda, dakhliga gudaha, nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda (PFM) iyo Maamul wanaagga. Waxa sidoo kale diirada lagu saaray sharuudaha Deyn Cafinta Soomaaliya iyo dhamaystirka barta go’aan qaadashada (Completion Point).

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan soo xiray ayaa sheegay in 4-tii maalin ee uu shirkaan socday diirada lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta oo inta badan Sharuudaha horumar wany laga sameeyay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in tallaabooyin iyo wadashaqaynta hadda laga gaaray Barnaamijka ECF ee IMF ay ku dhawaynayso waddada dhammeystirka guud ahaan Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay sidoo kale xoogga saari doonto kobcinta dakhliga gudaha, xoojinta hannanka daah-furnaanta Maaliyadeed iyo Maamul wanaagga oo muhiim u ah arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog