Sunday, June 18, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiyada dib u eegista Dastuurka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala
qaatay guddiga la socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo guddiga
madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.
Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda
dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka
dowlad dhiska Soomaaliya.
Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga
warbixiyey howlaha uga qabsoomay dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay
wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed
laga qeyb-geliyo.
Guddiyada ayaa Madaxweynaha ka balan qaaday inay si degdeg
ah u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.
Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha
Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran
dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka.
Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo
bandhigay balanqaadyo ku saabsan sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududeynayso
wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka
dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii kulamadaan
wuxuu ku bogaadiyey xubnaha labada guddi howlaha u qabsoomay.
Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka
dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo
dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed
Saturday, June 17, 2023
Madaxweynaha XFS Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Mareykanka
Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo dib doorashadiisii waqti xooggan galiyay
safarro uu ku marayo waddamada daneeya arrrimaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo
aaddan u socdaali doona dalka Maraykanka.
Sida aan xog ku helnay Madaxweyne Xasan ayaa Maraykanka kaga qeyb gali
doona shir madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Dalalka Africa iyo Mareykanka (The
U.S.-Africa Leaders’ Summit) kaas oo December 13-15, 2022 ka qabsoomi doona
Washington.
Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 50 hoggaamiye iyo saraakiil
sarsare oo ka socda dalalka Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa dhowr
arrimood sida; xoojinta ballan-qaadka Maraykanka iyo Afrika ee dimuqraadiyadda
iyo xuquuqda aadanaha.
Yaraynta saamaynta COVID-19 iyo masiibooyinka mustaqbalka; kor u qaadidda
sugnaanta cuntada; horumarinta nabadda iyo amniga; wax ka qabashada dhibaatada
cimilada; iyo xoojinta xidhiirka qurbajoogta qaaradda Afrika ee ku dhaqan dalka
Maraykanka.
Maraykanka waxaa shirka ku matali doona Madaxweyne Biden, Madaxweyne ku
xigeenka Kamala Harris, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken
iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Waaxda Ganacsiga iyo
saraakiil kale.
Shir madaxeedka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya saraakiil sare oo ka
socda Rugta Ganacsiga ee Mareykanka, Warshadaha, NGO-yada iyo bulshada rayidka
ah, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan xarunta looga taliyo
Maraykanka ee Aqalka Cad.
MW Xasan ayaa sanadkii 2014 Washington kaga qeyb galay shirkii 1-aad ee
Hoggaamiye-yaasha Dalalka Africa iyo Mareykanka, waxaana xusid mudan inuu
dhawaan New York kaga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee
Qaramada Midoobey.
Joe Biden ayaa dhawaan 450-askari oo Maraykan ah dib ugu soo celiyay
Soomaaliya, taasoo meesha ka saartay amarkii Donald Trump. Biden wuxuu
Trump ku raacay xadidaadda weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
goobha ka baxsan aagagga dagaalka.
Majaladda New York Times oo xiganeysa saraakiil Maraykan ah ayaa dhawaan
daabacday warbixin ku aaddan in Maamulka Joe Biden uu ka fiirsanayo codsi uga
yimid Soomaaliya oo ku aadanaa in Mareykanka meesha ka saaro xayiraadahaduqeymaha saaran.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inta uu ku sugan yahay
Washington inuu kulamo doceed la qaato Madaxda Dowladda Maraykanka iyo kuwa
waddamada Afrik.
Thursday, June 15, 2023
XFS oo shaacisay iney dishay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa Al-shabaab
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah bixisay howlgal
Shalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa
deegaanada Galcad iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya
sheegtay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiray horjooge
magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Guure oo loo yaqiinay Cali Qoyane.
Horjoogahaan ayay dowladda sheegtay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab
ee gobolka Galgaduud kuwa ugu daran ee dhibaatada ba'an ku hayay shacabka
Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada gobolkaas.
Taliye ku xigeenka Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Xidigle
Maxamed Xasan Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta qaranka in dilka horjoogahaan
uu yimid kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.
“Horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane) ayaa isagoo maqana ah waxaa ay horay
Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil, waxuuna ka kamid ahaa horjoogayaasha ugu
halista badan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay” ayaa lagu yiri war
kooban oo ay baahisay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Howlgalka lagu dilay horjoogahaan ayaa sidoo kale la tilmaamay in ciidanka
dowladda ay kusoo furteen gaari noociisu yahay NOHA iyo hubkii ay wateen
horjoogahan iyo xubnaha kale ee lagu dilay howlgalka qorsheysnaa ee ka dhacay
Galgaduud.
Shirkii ku saabsanaay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Nairobi
Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir u
dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo
Bangiga Adduunka, kaas oo looga hadlayay barnaamijka ECF ( Extended Credit
Facility) ee hannaanka Deyn Cafinta.
Shirkaan oo socday muddo 4 maalin ah ayaa lagu gorfeeyay hannaanka Deyn
Cafinta Soomaaliya, dib-u-habeynta Maaliyadda, dakhliga gudaha, nidaamka
Maamulka Guud ee Maaliyadda (PFM) iyo Maamul wanaagga. Waxa sidoo kale diirada
lagu saaray sharuudaha Deyn Cafinta Soomaaliya iyo dhamaystirka barta go’aan
qaadashada (Completion Point).
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan soo
xiray ayaa sheegay in 4-tii maalin ee uu shirkaan socday diirada lagu saaray
arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka
Barnaamijka Deyn Cafinta oo inta badan Sharuudaha horumar wany laga sameeyay.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in tallaabooyin iyo wadashaqaynta
hadda laga gaaray Barnaamijka ECF ee IMF ay ku dhawaynayso waddada
dhammeystirka guud ahaan Deyn Cafinta Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in
Wasaaradda Maaliyadda ay sidoo kale xoogga saari doonto kobcinta dakhliga
gudaha, xoojinta hannanka daah-furnaanta Maaliyadeed iyo Maamul wanaagga oo
muhiim u ah arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta
Wednesday, June 14, 2023
War-murtiyeedka ka soo baxaye Meertada 14aad Ee Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD
Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu soo gebagebeeyey Magaalada
Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.
Meertada 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saaray arrimo muhiim ah
oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo
ka qeyb gelay shirkaas waxa ay ku soo bandhigeen doorka kaga aaddan dowladda
Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD,
waxaana shirka laga soo saaray go’aano la xiriira arrimaha Somalia oo u qornaa
sidatan hoose.
1-In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo
Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey
Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.
2-In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si
siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha
ka ah.
3-Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka
ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga
qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka
Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.
4-Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya
taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay
gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.
5-IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo
joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.
Tuesday, June 13, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir madaxeedka IGAD ugu baaqay in dalkiisa laga taageero sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa.