Wednesday, April 5, 2023
Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Shacabka Oo Qaabilay Wafti Ka Socda Baarlamaanka Yurub
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu
weheliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan
Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa kulan la qaatay wafdi xildhibaanno ka yimid
Baarlamaanka Yurub, kuwaas oo ay ahaayeen Guddiga Difaaca iyo Amniga
Baarlamaanka Midowga Yurub.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, waxayna
soo dhoweyeen Safarada uu Guddoomiyaha ku tagay dalal ka mid ah Qaaradda Yurub
iyo xiriirka saaxibtinimo uu la yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, qaar ka mid ah
Baarlamaannada Yurub. Wafdiga oo Muqdisho u yimid in ay ogaadaan xaaladda guud
ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga iyo howlgalada ka socda dalka iyo kaalinta uu
ku leeyahy BJFS.
kulanka Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka
iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga oo uu hogaaminayay Mudane Xilshibaan Nathalie
Loiseau ayaa u kuur galay hubinta Barnaamijyada lagu Caawinayo sugidda Amniga
iyo difaaca dalka horumarka dhaaqaalaha guud ee Dalka. Waxaa kale oo ay isku
raaceen garab istaaga howlgallada amniga iyo ladagaallanka argigixisada.
Ugu dambeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka BaarlamaankaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa
uga mahadcelisay Xildhibaanada imaatankooda iyo u kuur gelidooda howlaha iyo
mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliya ku bixiso.
Tuesday, April 4, 2023
Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Jabuuti, Canada iyo Cuba
Taariikh cusub ayaa maanta laga qoray Villa Somalia, ayada oo Soomaaliya ay
si rasmi ah u hilmaamtay xusuusta dagaalkii 77, soona celisay xiriirka Cuba, oo
ahaa dalkii u hiiliyey itoobiya, ee horseeday in laga adkaado Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha
aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Jabuuti, Canada
iyo Cuba ee Sooomaaliya loo soo magacaabay.
Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa madaxweynuhu waxa uu
kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed
Ibraahim Yuusuf, safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley,
danjiraha cusub ee Canada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah danjiraha
dalka Cuba u fadhin doona Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waxay danjireyaasha la wadaageen farriimo ay ka sideen
madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin
doonaan xiriirka ay la wadaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh iyo danjireyaasha Jabuuti, Canada iyo Cuba ayaa si gaar-gaar
ah uga wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay
dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu.
Madaxweynaha ayaa waxa uu xusay in soo celinta xiriirka dalka Cuba uu ka
tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa “Soomaali Heshiis la ah Dunida.”
Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya,
tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas
oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya.
Cuba oo xiriir shan sano jirsaday xiligaas la laheyd Soomaaliya ayaa toos
ula safatay dowladda Itoobiya, waxayna safka hore uga jirtay dowladihii
Soomaaliya ku jebiyey dagaalkii 1977-kii.
Dowlado ay ugu horeeyeen Ruushka iyo Cuba ayey xilligaas xiriirka u jartay
Soomaaliya, maadaama ay toos u soo galeen dagaalka, iyaga oo garab-siinayey
ciidamadii Itoobiya ugu dambeyntiina ku guuleystay inay Soomaaliya ku jebiyaan
dagaalkaas.
Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya,
waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya
tobanaan sano ka hor.
Monday, April 3, 2023
Aadan Madoobe Oo Wadahadal Gaar Ah La Yeeshay Safiirka Imaaraatka Carabta
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa maanta
ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah
Alromaith.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS iyo Danjire Alromaith, ayaa ka wada hadlay
xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.Sidii loo sameyn lahaa guddi
Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada Baarlamaan.
Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa boggaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka
Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Khawaarijta iyo horumarinta
Ciidamada Soomaaliya.
Soo kabasho weyn ayaa ku yimid xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya tan iyo
markii uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 3 jeer
booqday Imaaraadka Carabta, iyadoo Abu Dhabi uu ahaa safarkii ugu horreeyay ee
uu dibadda ku tago bishii July ee lasoo dhaafay.
Sunday, April 2, 2023
RW - Ku Xigeenka Soomaaliya Oo La Kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed
Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga
Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta
xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo
Isutagga Imaaraadka Carabta.
Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith
ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka soo dhaweynta loo
sameeyay.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed
Jaamac ayaa ka dalbaday dowladda Imaaraadka Carabta inay laba jibaarto
taagerada ay siiso Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iyo wax wadaqabsiga
kala dhexeeya Dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale ee daneeya
xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.
Saturday, April 1, 2023
Barcelona ayaa qorsheyneysa inay Messi ku soo celiso mushaar yar!
Warbixin saxaafadeed ayaa daaha ka qaaday qorshaha Barcelona ay kula soo
saxiixaneyso Lionel Messi, xiddiga Paris Saint-Germain, xagaaga 2023. Wargeyska
"Le Parisien " ayaa
sheegay in Barcelona ay tahay inay marka hore meesha ka saarto farqiga dhaqaale
ee 200 milyan euros, si ay soo afjaro tababarida La Liga ee siyaasaddeeda
dhaqaale. Waxay intaas ku dartay in Barca ay u dhaqaaqi doonto sidii ay
ciyaartoyda qaar u siin lahayd oo ay u dhimi lahayd mushaaraadka, ayna sugi
doonto dalabka ugu dhow ee ay ku
iibinayso Fati, Clement Lenglet, Ferran Torres iyo Eric Garcia. Waxa
ay sidoo kale tilmaantay in Barcelona ay Messi siin doonto mushaar sanadle ah
oo dhan 10 milyan oo Yuuro, iyadoo u ballan qaaday mudnaan dheeri
ah. Wargayska ayaa yidhi “Messi waxa uu yeelan doonaa qayb ka mid ah dakhliga
ka soo xarooda iibka shaadhka, marka lagu daro boqolkiiba dakhliga ka soo
xarooda qandaraasyada kafaala qaadka ee cusub”.
Faa'iidooyinka dhaqaale ee lagu qanciyo Messi inuu ku laabto Barcelona
waxaa ka mid ah in loo qoondeeyo qayb ka mid ah lacagta ka soo xaroota iibka
tigidhada.
"Le Parisien" waxay soo gabagabeysay warbixinteeda in uu jiro xukun adag oo ku saabsan rabitaanka Messi ee ku laabashada Barcelona, iyo rabitaankiisa ah inuu u huro dhaqaale si uu u gaaro arrinta.
Friday, March 31, 2023
Xaasaska Madaxweyne Xasan oo loogu magac daray Gabdho mataano ah oo ku dhashay Muqdisho
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maqribkii isbitaalka ku booqday Hooyo Maryan Maxamed Xasan oo afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.