Sunday, April 2, 2023

RW - Ku Xigeenka Soomaaliya Oo La Kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta

 

Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka soo dhaweynta loo sameeyay.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka dalbaday dowladda Imaaraadka Carabta inay laba jibaarto taagerada ay siiso Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iyo wax wadaqabsiga kala dhexeeya Dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale ee daneeya xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.


Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog