Monday, April 3, 2023

Aadan Madoobe Oo Wadahadal Gaar Ah La Yeeshay Safiirka Imaaraatka Carabta

Imaaraatka iyo somalia


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS iyo Danjire Alromaith, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.Sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada Baarlamaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa boggaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Khawaarijta iyo horumarinta Ciidamada Soomaaliya.

Soo kabasho weyn ayaa ku yimid xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 3 jeer booqday Imaaraadka Carabta, iyadoo Abu Dhabi uu ahaa safarkii ugu horreeyay ee uu dibadda ku tago bishii July ee lasoo dhaafay.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog