Wednesday, February 1, 2023
Shir u furmay madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir
afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, madaxweynaha Kenya William Ruto,
madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Abiy Axmed, oo iyagu galinkii hore ee maanta soo gaaray Muqdisho.
Shirkan u furmay madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa
lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawl-galada lagu cirib-tirayo
argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxda ayaa waxay fallaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka
soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen wasiirrada
gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada xoogga dalalka Soomaaliya, Kenya,
Itoobiya iyo Jabuuti.
War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay
madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab
is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto
kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale madaxdan ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha
ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howl-galadii lagu xoreeyey deegaano badan
oo ka tirsan dalka, kuwaasi oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka
gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol.
Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal
wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si gebi
ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista
ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya
loogu wareejiyo ciidamada
Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo
abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu
baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah,
laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin
koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee waqtigiisa ku
imanaya ayaa ka hortagaya in canaasiirta ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yiri
war-murtiyeedka.
War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen
codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo
taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala
qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo
burburinta kooxaha argagixisada.
Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya
ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamma Xoogga
Dalka iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka ee
hadda howlgala
Tuesday, January 31, 2023
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa xoreeyay deegaan istiraatiiji ah, waxaana howlgalkan lagu dilay tiro badan oo Al-Shabaab ah
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaal u
dhexeeyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo
Al-Shabaab oo dhinac kale ah uu ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee
gobolkaasi.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen
xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee
gobolkaasi.
Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in
xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada
Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka
iyo kuwa dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa
shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku
weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku
qaadi laheyd aagga Maxaas.
Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dagaalka ay ku dileen in ka
badan illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, gaadiidna ay ka
guubeen.
Howlgallada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u
dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.
Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay
dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay
dadka deegaanka.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab
oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta ah.
Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada
xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray
dhulkii ugu ballaarnaa.
Monday, January 30, 2023
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay siineyso lacag ka badan 41 milyan oo dollar
Danjire Linda Thomas-Greenfield, Wakiilka dowladda Mareykanka ee Qaramada
Midoobay, ayaa ku dhawaaqday inuu Mareykanka bixin doono in ka badan 41 milyan
oo doollar oo dhaqaale ah si loo badbaadiyo nolosha, laguna daboolo baahiyaha
bini’aadinimo ee Soomaaliya.
Xaaladda bini'aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun," ayay tiri
Thomas-Greenfield oo Muqdisho kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya,
Xasan Sheikh Maxamuud.
Danjiraha Qaramada Midoobay ee Maraykanka ayaa sheegtay, Maraykanku inuu sii
wadayo inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya si loo kordhiyo ammaanka, iyo in la
hubiyo in taageerada bani'aadamnimada iyo horumarinta ay gaaraan degaanada
dhawaan laga saaray al-Shabaab.
Gargaarkan cusub ee dowladda Maraykanka ayaa imaanaya iyadoo abaartu ay sii
xoogeysatay kadib xilli roobaadkii shanaad oo baaqday, taasoo keentay in dadka
ay halis ugu jireen macluul.
Maalgelinta cusub ee Maraykanka ayaa la sheegay inay xoojinayso dadaallada ka
hortagga macluusha iyadoo diiradda la saarayo wax ka qabashada nusqaanta
cuntada, daweynta nafaqo-xumada ba'an ee haweenka iyo carruurta, iyo la
dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee hadda dillaacay sida jadeecada iyo Shuban
biyoodka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa Dowladda Maraykanka ku bogaadiyay
gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la dagaalanka Alshabaab, waxa uuna sheegay
inay Alshabaaab khatarka weyn ku yihiin amniga Gobolka.
Sunday, January 29, 2023
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer)
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u
jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) oo
shalay ka hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda.
Wasiir Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa hadalka Cali Dheere ku
tilmaamay inuu yahay calaacal ah, isla-markaana muujinaya tabar darrida kooxda,
sida uu hadalka u dhigay.
wuxuu Fiqi su’aallo ka keenay baaqa uu Cali Dheere u diray gacansatada
Soomaaliyeed, maadaama uu hadalkiisa ku sheegay in la boobi rabo hantidooda.
‘Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku
hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway
mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!”
ayuu yiri Wasiir Fiqi.
wuxuu imntaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab ay jab iyo weerar xoogan kala
kulanta dagaalka ay ku qaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Saturday, January 28, 2023
Xasan Sheekh oo sheegay in umada soomaaliyeed oo kaliya eey tahay cida guusha gaaray kadib sanado badan
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay casho sharaf ku
maamuusay Culumadii ka qayb-gashay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee kusoo
gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in guusha
laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya.
“Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leedahay Soomaali kaligeed
ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid
wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xaydaney oo
mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan
doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay
bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha
caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan.
“Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye
laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan
Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka
qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo
xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.”
Sidoo kale waxa uu si weyn ugu bogaadiyay culimada Soomaaliyeed sida
midnimada leh ee ay umadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigeen dhibaatada ay
Al-Shsbaab ku hayaan dadka.
Culimada ayuu ka codsaday inay meesha ka saarto kala qeybsanaanta ka dhex
jirta bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka shaqeeyaan midnimada iyo
isdhex-galkooda si mid loo noqdo.
Waa kala miiranay asalkii inta ay dowladnimo bilaaban ee isticmaarka iman
sida u nooleyn ayaa u noqonay, in aan kasoo noqon ayaa u baahanahay. Wanaag ma
helayno illaa aan isdhex-galno oo dib isku dhex-galno oo Soomaali, Muslimiin
noqon inta kala qoqobanahay rejo lagama qabo in aan yeelaano dowlad xoog leh oo
macno leh adduunkana u dhiganta in aan yeelano rejadeeda aad ayay u yar tahay.”
Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee
2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab oo
tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, wuxuuna dadaal badan ku
bixinaya dhismaha hay’ad culimo oo marjac u noqota dowladnimada iyo midnimada
umadda Soomaaliyeed.
Friday, January 27, 2023
Goolkii Dembele ayaa ku hogaamiyay Barcelona inay iska xaadiriyaan semi-finalka koobka boqorka