Monday, February 12, 2024

Wasiirka Caafimaadka oo gaadiid ku wareejiyay Taliska Asluubta iyo Gobalka Banaadir

Gobalka Banaadir


𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐱𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐞𝐲 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐬𝐥𝐮𝐮𝐛𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah oo loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Maamulka gobolka Banaadir halka hal gaari oo kalena uu ku wareejiyey Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Wareejinta Gawaaridan qalabeysan ee loogu talagaley gargaarka deg degga ah waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen, agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, xubno kale oo ka socdey maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Asluubta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax badan ka tari doonaan qeybta Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidamada Asluubta isagoo sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud ee dalkeenna.

Dhankooda Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo Guddoomiye ku xigeen arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaandir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa si wadajir ah uga mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey waxa ayna wada tilmaameen in loogu adeegi doona qeybaha loogu talagaley.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Share:

Sunday, February 11, 2024

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay Saraakiisha Walaalaha Imaaraatka ee ku geeriyootay weerarkii Muqdisho

 

weerarkii Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheikh oo isbitaalkii digfeer ku booqday saraakiishii ku dhaawacmay weerarkii xerada Goordan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka Digfeer ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay toogashadii ka dhacday Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraatka uga tacsiyeeyay saraakiisha ku naf waayey weerarka ka dhacay xerada Goordan, kaddib markii askari katirsanaa ciidanka amniga ee xerada Goordan uu rasaas la beegsaday saraakiisha Imaaraatka Carabta ka hor inta aan isaga la dilin.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay saraakiisha geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay inay ahaayeen kuwa dalka u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan, isagoo faray Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falkan foosha xun ee lagu dilaysaraakiishan waqtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib u dhiska ciidamadeena. “Waxaan ballan qaadaynaa in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo soo abaabushay falkan foosha xun,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta taageerada ay ka geystaan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

 

Share:

Saturday, February 10, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed

 

kulan wadatashi ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culimada Soomaaliyeed kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta XFSmudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada soomaaliyeed.







Share:

Thursday, February 8, 2024

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu beegsadey sooqa bakaaraha

weerarkii  lagu beegsadey sooqa bakaaraha

Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Argagixiso ee shalay oo Talaado ahayd ka dhacay Suuq caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah oo aan waxba galabsan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah iyo dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu qalqal geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyo qoysaskii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay fal-dembiyeedkaas, waxayna u rajeysay dhammaan kuwa ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

 

Share:

Wednesday, February 7, 2024

wasiirka caafimaadka iyo safiirka talyaaniga oo kormeer ku tagey isbitaalka Demartimo

 

Wasiirka Caafimaadka XFS

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Safiirka Talyaaniga oo kormeeray Isbitaalka Demartimo

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Safiirka Dowladda Taliyaaniga iyo Agaasime goboleedka Hey’adda iskaashaiga Caalamiga ah ee Taliyaaniga ayaa booqasho u kuur galid ah ku tagay Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socdey Taliyaaniga ayaa kormeerey qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sidoo kalena kulan xog waraysi ah kula qaatay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka, xafiiska agaasimaha guud ee isbitaalka Demartino.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay taageerada Dowladda Taliyaaniga ee Caafimaadka Soomaaliya sidoo kalena bogaadiyay tallaabooyinka yididiilada leh ee uu maamulka Isbitaalka ku horumarinayo adeeg bixinta Caafimaad ee Isbitaalka Demartino u hayo bulshada Soomaaliyeed.






Share:

Tuesday, February 6, 2024

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.

 

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Feceraalka Soomaaliya H.E dr ali haji adam ayaa ka qeybgaley kulan uu shirguddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo looga hadlayey horumarinta karaanka bulshada kaas oo ay goobjoog ka aheyd Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi oo maanta dalka soo gaartay.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Waaaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil iyo agaasimayaal kale.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha Istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Madasha waxaa sidoo kale lagu lafagurey muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed taasoo hoga tusaaleynaysa yoolka Soomaaliya ee ku aadan horumarinta guud ee dalka iyo in Umadda Soomaaliyeed hesho natiijada dedaalada ay gardaadineysa dowladda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.

 



Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog