Sunday, December 24, 2023
Xaalado adag oo xagga nolosha ah oo laga soo warinayo bulshada Degmada Ceelwaaq
Degmada Ceelwaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u
saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-nino, ayaa waxaa halkaas ka jirta
xaalad adag oo dhanka nolasho ah,
iyadoo wali gudaha xaafadaha degmadaas biyihii ku soo rogmaday ay
fadhiyaan, iyadoo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan cudurada faafa.
Dhamaan dadkii shacabka ahaa ayaa ka barakacay gudaha degmada Ceelwaaq,
iyaga oo daadsan daafaha iyo tuuloyinka ku dhaw degmada.
Sawirro laga soo qaaday xafadaha Ceelwaaq ayaa waxaa lagu arkayaa biyo
xoogan oo magaalada dhex- fadhiya kuwaas oo midab koodu isbadalay ayna
adagtahay in la dhexmaro, waxaana sidoo kale duugmay Ceelashii biyaha iyo
Musqulihii dadka isticmaali jireen.
Goobahii Waxbaarshada, Caafimaadka iyo Cibaadada ayaa guud ahaan xiran,
waxaana sare u kac uu ku yimid Maciishada qaybaheeda kala duwan.
Saturday, December 23, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijinaya inay ka go’an tahay dhameystirka dastuurka iyo ka xoreynta dalka Al-shabaab
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii sheegay inay ka go’an tahay
dhameystirka dastuurka iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyada
Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka oo soo socday tan iyo 2012-ka uu
yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, lana jaanqaadi kara
duruufaha isbedelaya.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dastuurka lagu wareejin doono hay’adaha
kala duwan ee bulshada si ay wadatashi iyo fikrad uga dhiibtaan, isagoo ballan
qaaday in dowladdu ay fududeyn doonto kobaceeda iyo horumarkeeda.
Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan
dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo ah eray uu ugu yeeri jiray Al-Shabaab iyo
kooxaha kale ee xagjirka ah oo muddo toban sano ka badan dalka ka waday
dagaallo fool ka fool ah. .
Xasan Sheekh oo maanta si cad usoo bandhigay qorshihiisa wax ka bedelka
dastuurka
Madaxweynaha ayaa sheegay in caalamka oo dhan uu isha ku hayo horumarka ay
Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isla markaana ciidamada dowladda oo gacan ka
helaya Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay sii wadi doonaan
soo celinta deegaannada cusub ee Khawaarijta ilaa inta dalka oo dhan laga
helayo xor iyo nabad.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab inay ka tanaasulaan
colaadda, ayna cafis weydiistaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku boorriyay
ajaanibta ka tirsan kooxdaas inay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen,
taasoo muujinaysa inaysan jirin meel ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.
Thursday, December 21, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la
qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane
Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo uu si weyn ugu bogaadiyay Soomaaliya.
Kulanka Xamza iyo Geelle ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka
labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay
doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala
duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib
muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.
Mudane Geelle ayaa dhankiisa waxq uu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay
guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban.
Geelle ayaa si gaar ah u xusay guusha laga gaaray dagaalka ay dowladda iyo
shacabka kula jiraan Al-Shabaab, qaadista cuna-qabateynta hubka, ku biirista
suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo
waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu
dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan
lagu laheyn wax deyn ah.
Wednesday, December 20, 2023
Safaaradda Shiinaha ayaa ku wareejisay 1 milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed ka guddoomay Safiirka Shiinaha
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa maanta ku wareejisay dowladda Soomaaliya lacag dhan
hal milyan oo dollarka Mareykanka ah oo gargaar bani’aadanimo ah, si wax loogu
qabto dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadaha ka dhacay Geeska Afrika.
Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shangchao ayaa sheegay in
gargaarkii ugu dambeeyay ee bini’aadantinimo ee ka yimid Beijing ay wax xoogaa
nasasho ah u keeni doonto dhibanayaasha fatahaadaha ka dhashay roobabka El
Nino.
“Markii daadadka ay ku dhufteen Soomaaliya, Shiinaha wuxuu ahaa waddankii
ugu horreeyay ee sanadkan soo gaaro Soomaaliya, durba waa markii afaraad oo
dowladda Shiinaha ay Soomaaliya soo gaarto xilliyada ay u baahan tahay, sida
aan wada ognahay taariikhda fog. saaxiibtinimadayada," ayuu yiri Fei.
Maxamuud Macalin Cabdulle oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta
Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey Shiinaha sida ay ugu soo
gurmadeen dadka ay saameeyeen fatahaaduhu. "Dowladda Shiinaha waxay
si toos ah u taageertaa Soomaaliya, gargaarku waa mid la taaban karo oo dadka
la gaarsiiyo."
Daadad ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dilay in ka badan
100 qof, halka 1.7 milyan ay ku barakaceen, sida lagu sheegay tirakoobka
dowladda.
Tuesday, December 19, 2023
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage