Wednesday, May 24, 2023
RW somaliya xamse iyo dhigiisa masar Dr. Mustafa Madbouly oo wada hadley Kor u qaadista iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee soo dejinta xoolaha
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Berri ayaa maanta oo Talaado ah
kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr. Mustafa Madbouly oo ay ka wada qeyb
galayaan howlaha shirarka sannadlaha ah ee Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika.
Intii uu kulanka socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay
in dalkiisa uu aad ugu faraxsan yahay taageerada ay Masar la garab taagan tahay
Soomaaliya intii ay jirtay, isagoo carabka ku adkeeyay in taageerada joogtada
ah ee Masar ay siiso shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadatay yareynta
dhibaatooyinka xilliyada adag, isla markaana ay ka qeyb qaadaneyso xoojinta
dowladnimada.
Haddaba, Berri waxa uu taabtay guulihii ugu dambeeyey ee ay dawladda
federaalku ka gaadhay la-dagaalanka argagixisada iyo hagaajinta xaaladda amni
ee inta badan gobollada Soomaaliya.
Dhankiisa, Dr. Mustafa Madbouly ayaa muujiyay sida ay Masar ugu hanweyn
tahay xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya walaalaha ah, isagoo
ku nuux-nuux saday dardaarankii Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, Madaxweynaha
Jamhuuriyadda ee ahaa in taageero kasta oo suurtagal ah la siiyo Soomaaliya
walaalaha ah.
Madbouly ayaa sidoo kale soo hadal qaaday suurtagalnimada in la wanaajiyo
wadashaqeynta Soomaaliya ee dhanka dhoofinta xoolaha, isagoo faray in maamulada
ay khuseyso Masar ay arrintan kala xiriiraan safiirka Soomaaliya ee Qaahira.
Tuesday, May 23, 2023
Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta Caasimadda oo faahfaahsan
Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd
howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh, iyadoo kaashaneysa
saaxiibadeeda si ay magaaladan u hesho ciidan xoog leh oo ku filan amniga
caasimadda.
” Dhammaanteen anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu sareeyo iyo
islaanta Yaanyada jidka ku gadeysa iyo wiilka yar ee iskuulka Elementariga
dhigta ee u kala haya dhammaan adinkey idin soo eegayaan, maxay idinka soo
eegayaan?, sharaf iyo karaamo in ay ku noolaadaan ayay idinka soo eegayaan,”
ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay ciidamada xasillinta ee loo
qorhseeyay sugida amniga caasimadda.
Ciidanka xasillinta oo dhowr kun loo qorsheeyay xasillinta magaalada ayaa
ka sokow tababarada iyo qalabeynta casriga ah waxaa u dheeraa habka la dhaqanka
bulshada oo laga diyaariyay si meesha looga saaro kalsooni darada ay bulshada
ka muujin jireen ciidamada qaar.
” Waayeelka,carruurta iyo dadka qaar ee qaba baahiyaha gaarka ah in aad mar
walba gacanta qabataan,isku soo cel-celiyoo warkeyga wuxuu ku dhan yahay
dadkeenu u naxariista, cadowgana ku dhiira-naada”.
Waxaa ciidamo si gaar ah loogu soo xulay dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan sida
ka muuqata shaqada ay ka qabanayaan magaalada oo dadka si wanaagsan oo ixtiraam
leh ay ula dhaqmayaan, taas oo meesha ka saareysa cabsidii laga qabay ciidamada
qaar.
Ciidamada Baraha kontaroolada taagan ee sugaya amniga caasimadda ayaa
shacabka si naxariis iyo cabsi la’aan ku jirto u weydiinaya xaaladda ugana
gudanaya waajibaadkooda qaran, iyagoo si gaar ah ugu turaya waayeelada,
carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo waddada si nabdoon ku
gudbinaya.
” Annaga adinkaa wax idinku nahay, adinkana annagaa wax nagu tihiin, fadlan
aan wada shaqeyno,”. waa oraahda qalbi taabkadka ah ee saraakiisha ciidamada
xasillinta caasimadda dadka Kula macaamilayaan.
Waxaa guud ahaan magaalada laga dareemay amni iyo deganaasho la isku haleyn
karo, qof walbana wuxuu bilaabay inuu booqdo xaafado muddo dheer ugu dambeysay,
taas oo noqotay xilligan hadal haynta ugu badan oo dadka Muqdisho isla
dhexmaraan, ka dib dhowr iyo toban sano oo nabadda magaaladan geed dheer ku
laalneyd.
Monday, May 22, 2023
Dowladda Soomaaliya ayaa gargaar dawo ah u dirtay magaalada Laascaanood
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta diyaarad wada shixnad
Gargaar daawo ah u dirtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay
ka socdaan dagaalo.
Diyaradaan oo Garoowe ka dajindoonto gargarkaan ayaa magaladaas waxaa looga
qadayaa gawaari si ay u gaarsiyaan isbitaalada Laascaanood.
Shixnadaan daawada ah ayaa isugu jirta qeybaha kala duwan ee daawada,
waxaana loogu talagalay dadka rayidka ah ee colaadda Laascaanood qasaaraha ka
so gaartay.
Agaasimaha guud ee Arrimaha Beni’aadannimo Hay’adda Mareeynta
musiiboyinka Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xuseen, Madax Qeybta
Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdegga ee Hey’adda SoDMA Dr. Cabdullahi
Muuse Axmed iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan hay’adda ayaa diyaradaan ka
sagootiyey garoonka Aadan Cadde.
Sunday, May 21, 2023
RW Xamse “Hadda waxaynu jeexnay waddo cusub si daahfuran loogu tartami doona boosaska shaqo ee Dowladda”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii
kun ee macallin dowladdu qaadatay oo maanta si toos ah u soo gabagabeysay
Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.
Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira
kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya
ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii
guulaysatay
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran yahay
horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed Dowladdu
go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawlgeli doona
gobollada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ka go’an tahay in kor loo
qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax
CabdulQaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen saddexda
kun ee macallin ee ku guuleystay imtixaannaadkii la qaaday.
Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan
macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen,
taasi oo muujinaysa in hadda aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax
lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub.
Saturday, May 20, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlaya Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq xiriirka labada dal
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa magaalada Jeddah kula kulmay ra’isulwasaaraha dalka Ciraaq mudane
Mohammed Shia al-Sudani.
Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka
amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo
Ciraaq.
Madaxweynaha waxa uu ka mahad celiyay dowladda Ciraaq deyn ta ay ku laheyd
Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen. Waxaana labada dhan isla garteen soo
nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la
wadaagaan khibradooda ku aadan la dagaalanka aragagixisada madaama ay guulo wax
ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dowladda
Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la-dagaalanka
aragagixisada, madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la
galeen kooxaha argagixisada.
Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada
looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay
qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.
Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan
oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay
adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo
ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku
dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.
Thursday, May 18, 2023
JFS oo raashiin gargaar ah u dirtay dadkii ka barakacay fatahaada magaalada Baledweyne