Wednesday, March 1, 2023
Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la
taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda
Soomaaliya ay muhiimad siineyso on degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada
aasaasiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay
dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la
xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka
Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay
barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.
Ciidanka Jubbaland iyo
kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen
Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey
degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay
tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.
Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta
looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare.
Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo
saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle,
Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.
Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay
Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii
dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba
ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.
Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula
jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.
Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta
ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga
ka dhan ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala
duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada
waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii
lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.
Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku
fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka
Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS
ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya
Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo
Deyn Cafinta.
Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka
Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku
saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada
khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka
macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.
Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee
heer Qaran
halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada
barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.
Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilad Dowladda Federaalka Soomaaliya
ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo
lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad
Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arintaas kui saabsan bilowday.
Tuesday, February 28, 2023
David Alaba Oo Ka Hadlay Sababtii Uu Codkiisa U Siiyay Lionel Messi Una Siin Waayay Karim Benzema Tartankii Abaalmarinta The Best.
Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee David Alaba ayaa ka
hadlay arintii muranka ku dhex dhalisay taageerayaasha Real Madrid ee ku
saabsanayd abaalmarinta The Best.
Taageerayaasha Real Madrid ayaa si xun u dhaleeceeyay xiddiga iyaga oo
xitaa dalbaday in laga caydhiyo kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga
xagaaga.
David Alaba ayaa codkiisa abaalmarinta The Best siiyay xiddiga Lionel Messi
isaga oo iska indha-tiray xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Karim Benzema.
Xiddiga ayaa ka jawaabay cadhada ka timid taageerayaasha Real Madrid waxana
uu sharaxay sababta uu ugu codeeyay Lionel Messi.
“Arinta khusaysa FIFA The Best Aword, xulka qaranka Austria waxa ay
abaalmarinta ugu codeeyaan koox ahaan, anigu kaligay ma codayn”.
“Qof walba oo ka tirsan xulka waa lala tasahaday sidaas ayaana lagu
go’aamiyay qofka loo codeeyay”.
“Cid walba way ogtahay gaar ahaan Karim sida aan u jecelahay una qiimeeyo
isaga iyo qaab ciyaareedkiisa”ayuu sii raaciyay.
Monday, February 27, 2023
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay wafdi ka socda ururka OIC
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, mudane Abshir Cumar
Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda
ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayo kaaliyaha
xoghayaha guud ee Arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf Binu Maxamed Al-Dabiici.
“Waxaan ka wada hadalnay qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin
arrimaha binu aadannimada gaar ahaan saamaynta ay roob yaridu ku yeelatay
beeralayda Soomaaliyeed, taageerada dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto
dhamaystirka dayn cafinta, qaadista cunaqabataynta hubka ee 32 jirsatay, iyo in
wadamada xubnaha ka ah OIC ay garab istaag buuxa siiyaan dowladda Soomaaliya
tartanka ay ugu jirto xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada
midoobay” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.
Soomaaliya ayaa waxaa ay kaalin muuqata ka qaadata howlaha ururka
iskaashiga islaamka, waxaana ay ka mid tahay dalalkii aas aasay.
Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 dal ayaa ah kan labaad ee ugu balaaran dunida marka laga tago qaramada midoobay, iyadoo dalkeennu uu ka mid ahaa dalalkii lagu asaasay ururka sanadkii 1969.
Sunday, February 26, 2023
“The Beast” Messi ayaa xannibay wadadii Benzema ee "liiska halyeeyada
Xiddiga reer France ee Karim Benzema, weeraryahanka Real Madrid iyo
xiddiga, ayaa ku jiray liiska ugu dambeeya ee u tartamaya abaalmarinta “The
Best” ee ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, oo ay bixiso xiriirka caalamiga ah
ee kubada cagta.
Benzema ayaa xilli ciyaareedkii hore ku hogaamiyay kooxda Meringue inay ku
guulaysato koobka horyaalada Yurub, iyadoo qaabkani uu noqon doono mid maanka
ku haya dhamaan taageerayaasha kubbada cagta iyo kuwa jecel aduunka oo dhan,
sababa la xidhiidha xaaladihii xiisaha badnaa ee ay ku afgambiyeen kooxaha
waaweyn ee Manchester City. Chelsea, Paris Saint-Germain iyo Liverpool.
Weeraryahanka reer France ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa
xilli ciyaareedkii hore (21-22), isaga oo ciyaaray 46 kulan oo tartamada kala
duwan ah, intii uu socday waxa uu u dhaliyay 44 gool isaga oo caawiye ka noqday
15 kale saaxiibadiis.
Benzema waxa uu goostay midhihii wacnaantiisa intii lagu jiray sannadkii hore,
isaga oo loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican Yurub iyo kan adduunka ugu
fiican, “Ballon d’Or”, oo ay soo bandhigtay majaladda caanka ah ee “France
Football”.
Guul cusub
, laakiin xiddiga Faransiisku wuxuu ku dhow yahay guul cusub, kaas oo ku biiri
doona taariikhdiisa hodanka ah, haddii uu ku guuleysto abaalmarinta
"Best" sanadkan.
Ciyaartoy yar oo kubada cagta ah ayaa taariikhda isku daray labada abaal-marin
ee kala ah “The Best” iyo “Ballon d’Or”, Benzema ayaana awooday in uu sidaas
sameeyo inkasta oo ay ku adkaatay in uu si gaar ah ula tartamo Argentine Lionel
Messi.
Messi oo dalkiisa Argentina ku hogaamiyay in uu ku guulaysto koobka aduunka ee
Qatar ayaa si wayn ula tartami doona Benzema oo aan koobka aduunka ka qayb
galin dhaawac dartiis, wuxuuna ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha
caalamiga ah kadib markii uu dhamaaday koobka aduunka. dhibaatada uu kala
kulmay tababare Didier Deschamps.
Liiska dadka waa wayn
Hadii uu Benzema ku guulaysto in uu Messi garaaco waxa uu soo celin doonaa guul
taariikhi ah oo uu gaadhay oo ay ka horeeyaan xiddigo ay ka mid yihiin
Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Luka Modric iyo Ricardo Kaka.
Kaka ayaa labada abaalmarin isku daray 2007, iyo Modric sidoo kale 2018.
Dhanka Cristiano Ronaldo, wuxuu ku guuleystay 5 jeer kubbadda dahabka ah, laba
jeer ee ugu wanaagsan, wuxuuna isku daray labada abaalmarin ee 2016 iyo 2017.
Halka booligu uu yahay Lionel Messi, wuxuu ku guuleystay Kubadda Dahabka ah 7
jeer, iyo The Best laba jeer, wuxuuna isku daray labada abaalmarin ee 2009 iyo
2019.
Saturday, February 25, 2023
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo wada-hadal cusub yeeshay
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi
heer sare ah oo ka socday Bangiga Adduunka.
Wafdiga ka socda Bangiga Adduunka ayaa kala ah Julien Million iyo Miguel
Angel Jorge, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay magaalada Muqdisho
mashaariicda uu Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.
Wafdinga ka socda Bangiga Adduunka ayaa wasiirka la wadaagay warbixin ku
saabsan mashaariicda horumarineed, gaar haan kuwa la xiriira Kalluumeysiga ee
Bangiga uu qorsheynayo in ay ka fuliyaan dalka.
Waxay si gaar ah wafdigan faah-faahin uga siiyeen wasiirka qorsheyaasha
socda ee la xiriira mashaariicda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah lagu
horumarinayo ee Banhiga Adduunka iyo wasaaradda, sida lagu yiri qoraal laga soo
saaray kulankaan.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa wafdigan
uga mahad-celiyey imaatinkooda caasimadda dalka ee Muqdisho iyo warbixinta ay
la wadaageen.
Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in ay wasaaraddu si hufan ugala shaqeyn
doonto hirgalinta mashaariicda ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan dalka, gaar
ahan kuwa la xiriira horumarinta Kalluumeysiga
Mashaariicda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee ay ka
wada-shaqeynayaan DF iyo Bangiga Adduunka ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo
horumarin lahaa Kalluumeysiga gudaha si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale oo
waara.
Thursday, February 23, 2023
Ten Hag: Waxaan meesha ka saarnay hogaamiyayaasha horyaalka iyo Super Champions anagoo qarash gareynayna Real Madrid