Monday, February 26, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Ingiriiska
Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka
ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska James Stephen
Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga
gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada oo
hadda maraya heer wanaagsan.
“Tallooyinkaasi oo suurta-galisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag
oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo
baxay Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa uga mahad-naqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka
ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku
diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha
ka harsan ciidamada ATM.
Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen
ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu
tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta
iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliyaiyo UK.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo ay
haatan taageero caalami ah u raadinayso, waxaana heer geba-gebo ah maraya
wejiga hore ee dagaalka, oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan,
loogana qabsaday degmooyin iyo deegaano muhiim ah oo ay sanado badan ka
talineysay.
Sunday, February 25, 2024
Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Saxiixay Sharci ay soo Gudbisay Wasaaradda..
Madaxweynaha ayaa saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta
deegaanka, kaasoo ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne
Xasan Sheekh saxiixiisa sharcigan muhiimka u ah ilaalinta deegaanka.
Wasiirka ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud oo saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka, kaasoo ay
ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa in muddo ah ku howlaneyd sidii loo soo saari lahaa sharciga
ilaalinta iyo maareynta deegaanka, sharcigan ayaa ah mid muhiim u ah ka
hortagga iyo yareynta saameynta is bedelka cimilada ee dalka.
Saturday, February 24, 2024
Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Hirshabelle oo booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar.
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka
Md, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay qayb ka ahaayeen
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, wasiir
ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka , Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda
Dhexe Axmed Mayre Makraan , iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay
booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.
Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya
xireenka, kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay Fatahaadii
El-Niño ee sanadkii hore.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn
donaan dib u dayactirka kanaalkaan, anagoo ayuu yiri kaa shaneyna ShacabkaSoomaaliyeed iyo saaxibada caalamka .
si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu
sameeyo waxaana loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha kale ee
biya mareenada ah, ayuu intaa ku daray Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta
Musiiboyinka Qaranka.
Tuesday, February 20, 2024
Duqa Muqdisho oo Casuumaad u sameeyay Ganacsato u dhasheen dalka Kuwait
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay Ganacsato iyo
Maalgashadeyaal u dhashay dalka Kuwait kuwaas oo Magaalada Muqdisho u yimid
sidii ay Maalgashi u sameyn lahaayeen.
Kulankan casho sharafta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka
Amniga iyo Siyaasadda gobalka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka
Banaadir, Xildhibaano, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Degmada
Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.
Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa
Ganacsatada reer Kuwait warbixin guud ka siiyay horumarada ka jira Magaalada
Muqdisho iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira Caasimadda.
Maalgashadeyaasha reer Kuwait,ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho soo dhaweynta iyo sida loogu soo
bandhigay fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka.
Monday, February 19, 2024
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah oo ku nool Garasbaaley
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta 1, 000 Qoys oo Barakacyaal iyo
danyar iskugu jira kana soo barakacay Gobolka Shabeellada Hoose gargaar ugu
qaybisay Deegaanka Garasbaaleey.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ayaa maanta deegaanka
Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho si gaar ah waaxda Galmudug waxa ay gargaar
ugu qaybisay qoysas iskugu jira Danyar iyo kuwa deegaanadooda uga soo barakacay
colaado iyo daadadkiil El-Niño.
Tirada qoysaska gargaarkaan ka faa’iideeystay ayaa gaaraya 1,000 qoys,
waxaana ay uga mahadceliyeen gargaarkaan hay’adda SoDMA oo mar walba u taagan
kaalmeenta shacabka Soomaaliyeed.
Qaybinta gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda gargaarka
SoDMA Sahra Cali Yuusuf iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, kaas oo SoDMA ku
ammaanay sida ay ugu taagantahay caawinta dadka jilicsan, Danyarta, Naafada iyo
kuwa barakacyaasha ah.
Sunday, February 18, 2024
Geesiyaasha Imaaraatku waa naftood hurayaal naftooda u huray sidii ay u difaaci lahaayeen kuwa dulman, una ilaalin lahaayeen amniga iyo xasiloonida dalkooda