Monday, January 15, 2024

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furay diwaan galinta Xogta Tallaalka

 

Wasiirka Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa daah furey Munaasabadda Hanaanka casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka soo qeygaley Agaasimaha guud ee Wassaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaali Dr. Guuleed Cabdijaliil, xubno ka socdey Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ku simaha Hey’adda Caafimaadka adduunka(WHO), Dr. Sandani iyo xubno kale, koox farsamo oo ka socotay HISP Tazania, Save the Children, IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Khuburo Caafimaad, iyo marti Sharaf kale.

Barnaamijkaan, ayaa ah mid muhiim u ah xogta Caafimaadka dalkeena iyo Tallaalka Ubadka, waxa uuna sahli doonaa in xogta Tallaalka loo helo si fudud oo tixraac leh, iyadoo la marayo hanaanka Istaraatiijiyadda loo qorsheeyey barnaamijkan cajiibka ah, waxa uuna qeyb ka yahay hiigsiga horumarinta Caafimaadka guud ee dalkeena si loo gaaro yoolka fog ee ku aadan casriyeynta Caafimaadka Soomaaliya.

Munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigey daraasado laga sameeyey muhiimadda uu lee yahay Hanaankan casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka iyo faa’idooyinka uu si gaar ah ugu lee yahay bulshadeena, maadaama hanaanku yahay mid lagu kalsoonaan karo dhinaca ururinta xogta iyo meelaha sida gaarka ah loogu baahida qabo taasoo soo afjareysa xog hubanti la’aan ah iyo in la kala garan waayo Caruurta Tallaalka qaadatey iyo kuwa aan qaadan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya waxa ay xoogga saaraysaa islamarkaana ka go’an in dalkeenu gaaro isku filnaasho dhinaca Caafimaadka ah iyo sidii dhammaan dadka ka shaqeeya qeybta Caafimaadka Soomaaliya ay u heli la haayeen khibrad dheeri ah si ay u daboolaan baahiyaha Caafimaad ee dalkeena ka jirta.

 


Share:

Sunday, January 14, 2024

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐞𝐲 𝐝𝐞𝐞𝐪 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐠𝐚𝐫𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡

𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚


𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Dr. Ali Haji Adam 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐞𝐲 𝐝𝐞𝐞𝐪 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐠𝐚𝐫𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐭𝐚𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐒𝐚𝐥𝐝𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧.

Munaasabada lagu gudoomayey deeqda Gaadiidka ah waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dowlada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, xubno ka socdey Hey'adda WHO, Qunsulka Soomaaliya ee Saldanada Cumaan iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Gawaaridan noocoodu yahay Ambulance-ka ayaa tiradoodu gaareysa 10 Gaari iyadoo loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed waxeyna qeyb ka yihiin dalabaadka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si muwaadiniinteenu u hellaan gar gaar deg deg ah xilli kasta oo ay suurtagal tahay in loo baahdo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa Saldanada Cumaan ugu mahadceliyey deeqdan ay soo gaarsiiyeen iyo dedaalada joogtada ah ee ay la garbtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed ee ku jira soo kabasho dhanka horumarka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.

 



Share:

Saturday, January 13, 2024

Hay’adda SoDMA oo deeq daawo ah gaarsiisay deegaanka Janaale

Hay’adda SoDMA


Degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose oo sameen adag ay ka soo gaartay daadadka ElNino ayaa maanta hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxa ay gaarsiisay shixnad Daawo ah.

Degaanka Janaale ee hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose waa degaan Illaahay ku manaystay Webbi,Beero wax-soosaar, dalxiis iyo khayraad kale oo muhiim ah, ayaa waxaa ka jirta haatan xaalad adag oo dhanka nolasha ah oo ay wajahayaan shacabka Janaale.

Degaankaan waxaa sameen adag ka gaystay fatahaadaha El-Niño,  waxaana inta badan magaladaas fadhiya wali biyo aad u farabadan, waxaana maanta kormeer u kuurgalidda xaladaha halkaas ku jira ku tagay Senator Xuseen Maxamed Daahir, Agaasimaha waaxda Cafimaadka SoDMA Cabdullaahi Muuse Axmed, Masuuliyiin ka kala socday machadka Cafimaadka Qaranka iyo hay’adda PAC.

Hay’adda SoDMA oo ka Jawaabaysa xaladaha Beni’aadannimao ee ka jira degaankaan ayaa waxa ay maamulka Janaale ku wareejisay shixnad daawo ah, madaama xaalad cafimaad darro ay degaankan ka jirto., iyadoo uu deeqdaan ka mahadceliyey Guddoomiyaha Janaale Cabdiraxmaan Al-cadaala oo Masuuliyiintan soo dhaweeyey.










Share:

Thursday, January 11, 2024

Madaxweynaha JFS oo xaaladda Gobalka kala hadalay Ergeyga Midowga Yurub Ee Geeska Afrika

 

Madaxweynaha JFS xasan Sheekh Maxamuud

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XAALADDA GOBOLKA KALA HADLAY ERGEYGA MIDOWGA YURUB EE GEESKA AFRIKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub, ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada.

Egeyga Midwoga Afrika ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.


Share:

Wednesday, January 10, 2024

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Sareeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

Taliyaha Ciidanka Xoogaa dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa Madaxweynaha Qaranka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud warbixin ka siiyay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah iyo sida ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar ugu yihiin Dagaalka dalka looga sifeenaayo loogana taqalusaayo Cadawga.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka, waxa uuna kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye ku-xigeenka Ciidamada dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha, Madaxda hoggaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

 




Share:

Tuesday, January 9, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku wajahan dalka Masar.

 

Soomaaliya iyo Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar mudane, Abdel Fattah el-Sisi.

Marti-qaadka ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar garab istaagga buuxa ee ay u muujisay Dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo aaddan halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda saari doono xiriirka taariikhiga iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal, waxaa sidoo kale ay ka hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la xiriira damaca liita ee dowladda Itoobiya.

Dawladda Masar ayaa safka hore kaga jirta dalalka sida weyn uga hor yimid damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar adkaysay in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog