Thursday, December 28, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ambabaxay dalka Djibouti

Xasan Sheekh


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.

Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Share:

Wednesday, December 27, 2023

Madaxweyne Maxamuud iyo mucaaradka oo 5 arrin isku afgartay

 

Kulankii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka


Kulankii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ku dheriga ah ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa daba socda kulankii Khamiistii lasoo dhaafay dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiqaadir Cosoble Cali.

Kulankii shalay ayaa labada dhinac ku gaareen dhowr is afgarad, wuxuuna gebi ahaan daarna arrimaha dastuurka.

Sida laga soo xiganayo xubno kamid ah mucaaradka la kulmay madaxweynaha waxay ku qanciyeen madaxweynaha in habka ansixinta dastuurka loo dhaafo habraaca saxda ah gaar ahaan inuu codka qarsoodi noqdo.

Maalmihii tegay waxaa lagu eedeynayay dowladda inay diidan tahay inuu codka qarsoodi noqdo oo ay taasi bedelkeeda gacan taag rabto, balse hadda mucaaradka ayaa madaxweynaha ka codsaday in qarsoodiga loo dhaafo waxaana la sheegay in madaxweynaha uu taas diidin.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in howsha dastuurka aan la bilaabin illaa inta ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Puntland oo kadibna laga caleemo saarayo hoggaamiyaha la dooran doono ee maamulkaas, oo ay Puntland kusoo laabaneyso Golaha Wadatashiga Qaran. Markaas kadib ayaa la bilaabi doona doodda arrimaha dastuurka.

Midda saddexaad ee dhinacyadu isla soo dhaweeyeen waa arrinta haykalka dowladnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo afartaan siyaasi ayaa isla fahmay in aan arrinta haylka dowladnimada dooddeeda la ballaariyo oo aan la dadajin, loogana dooddo fagaarayaal waaweyn oo ay sidoo kale ku jiraan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inkasta oo uusan madaxweynaha sheegin inuu ka tanaasulay aragtidiisa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, haddana inay taasi ka dhalato dooddo waaweyn oo dhex-mara siyaasiyiinta, sharci dejiyayaasha labada Aqal ee BFS, aqoon-yahaanada iyo guud ahaan dadweynaha, iyada oo laga eegayo dhinacyo badan lana waafajinayo duruufaha yaalla Soomaaliya, waa tallaabo muhiim ah.

Dhinacyada ayaa sidoo kale arki doona guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale lala wadaagi doono sida ugu haboon ee loo jiheyn karo arrimaha dastuurka.

Nuuca doorashada ayaa la isla soo qaaday, waxaana lagu ballamay in waqtigeeda laga wada-hadlo, iyada oo la qiimeynayo cawaaqibka ay leedahay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah iyada oo ay ka maqan tahay Somaliland.

Dhinacyada waxay kale oo isla qaateen in la sii wado doodaha oo sidoo kale lagu soo biiriyo siyaasiyiinta kale.

Dowladda hadda tallada haysa waxaa ka go’an in muddo xileedkan dhexdiisa la dhameystiro oo laga saaro kumeel-gaarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda siyaasi bisil oo ogol in wax walba lagala doodo oo ay albaabadiisa furan yihiin, taasi oo marwalba dhalin karta in dalka ku socdo dariiq siyaasad ahaan xasilloon.

 

Share:

Tuesday, December 26, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka daah-furay Shir looga hadlaayo dardargalinta iyo dib u eegista Howlaha Hay’adda

 

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu  ka daah-furay shir looga hadlaayo dardargalinta shaqada iyo Dib u eegista Howlaha SoDMA kaas oo socon doono muddo Saddex cisho ah.

U jeedka shirkaan ayaa ah gorfeynta howlihii SoDMA u qabsoomay sanadkaan sii dhammanaya ee 2023, in la helo qorsho siyaasadeed oo shaqada hay’adda lagu dardargalinayo, daadajinta shaqada hay’adda, 

waxaana goob joog ka ahaa shirkaan Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, Lataliyayaasha Hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo qaar ka mid ah howlwadeennada hay’adda.

Maalinta 1-aad ee shirkaan ayaa la soo bandhigay doodo looga hadlayey sida ugu wanaagsan ee shaqada hay’adda loo dardargalin karo looguna hagaajin karo howlaha sanadka cusub hay’adda u yaal.

 

Share:

Monday, December 25, 2023

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Imaaraadka kaalmada deeqsinimada leh ee ay u fidiyeen dalkiisa

 

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraatka Carabta

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay'adda SoDMA waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay doorka Imaaraadka uu ka qaadanayo sidii dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga hortagi lahaayeen fatahaadaha baaxadda leh ee bilihii la soo dhaafay ku dhuftay deegaanno badan oo dalka ka tirsan. Daadadku waxa ay barakiciyeen kumanaan qof, waxa ay burburiyeen kaabayaashii dhaqaalaha, sidoo kale waxa hakad galiyay maciishada.

Safiirka ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu bogaadiyay dadaalka ay Hay’addu ugu jirto isku xirka gurmadkabini’aadantinimo. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in Imaaraadku uu kordhin doono taageerada ay ka geystaan ​​gurmadka fatahaadaha iyo howlaha soo kabashada, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska buundooyinka ay burburiyeen daadadku ee magaalooyinka qaar.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraatka Carabta

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa uga mahad-celiyay Safiirka kaalmada deeqsinimada iyo muddeysan ee ay Dowladda Imaaraadka Carabtu ku soo beegtay, wuxuuna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay mashruuca dib-u-dhiska Buundada si loo soo celiyo awoodii isu-socodka iyo is-gaarsiinta bulshada dhibaatadu saamaysay. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu rajeynayo iskaashi iyo iskaashi dhexmara Soomaaliya iyo Imaaraadka oo dhinacyo kala duwan leh.

Imaaraatka Carabta ayaa ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo saaxiibada ugu badan ee Soomaaliya ka taageera arrimaha bini’aadantinimada, horumarka iyo amniga. Imaaraadku waxa uu sidoo kale si firfircoon uga qaybqaatay dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee loogu talagalay horumarinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

 

Share:

Sunday, December 24, 2023

Xaalado adag oo xagga nolosha ah oo laga soo warinayo bulshada Degmada Ceelwaaq

 

Degmada Ceelwaaq

Degmada Ceelwaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-nino, ayaa waxaa halkaas ka jirta xaalad adag oo dhanka nolasho ah,

iyadoo wali gudaha xaafadaha degmadaas biyihii ku soo rogmaday ay fadhiyaan, iyadoo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan cudurada faafa.

Dhamaan dadkii shacabka ahaa ayaa ka barakacay gudaha degmada Ceelwaaq, iyaga oo daadsan daafaha iyo tuuloyinka ku dhaw degmada.

Sawirro laga soo qaaday xafadaha Ceelwaaq ayaa waxaa lagu arkayaa biyo xoogan oo magaalada dhex- fadhiya kuwaas oo midab koodu isbadalay ayna adagtahay in la  dhexmaro, waxaana sidoo kale duugmay Ceelashii biyaha iyo Musqulihii dadka isticmaali jireen.

Goobahii Waxbaarshada, Caafimaadka iyo Cibaadada ayaa guud ahaan xiran, waxaana sare u kac uu ku yimid Maciishada qaybaheeda kala duwan.

 

Share:

Saturday, December 23, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijinaya inay ka go’an tahay dhameystirka dastuurka iyo ka xoreynta dalka Al-shabaab

 

Xasan Sheekh oo maanta si cad usoo bandhigay qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii sheegay inay ka go’an tahay dhameystirka dastuurka iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka oo soo socday tan iyo 2012-ka uu yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, lana jaanqaadi kara duruufaha isbedelaya.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dastuurka lagu wareejin doono hay’adaha kala duwan ee bulshada si ay wadatashi iyo fikrad uga dhiibtaan, isagoo ballan qaaday in dowladdu ay fududeyn doonto kobaceeda iyo horumarkeeda.

Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo ah eray uu ugu yeeri jiray Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah oo muddo toban sano ka badan dalka ka waday dagaallo fool ka fool ah. .

Xasan Sheekh oo maanta si cad usoo bandhigay qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka

Madaxweynaha ayaa sheegay in caalamka oo dhan uu isha ku hayo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isla markaana ciidamada dowladda oo gacan ka helaya Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay sii wadi doonaan soo celinta deegaannada cusub ee Khawaarijta ilaa inta dalka oo dhan laga helayo xor iyo nabad.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab inay ka tanaasulaan colaadda, ayna cafis weydiistaan ​​shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku boorriyay ajaanibta ka tirsan kooxdaas inay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, taasoo muujinaysa inaysan jirin meel ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog