Sunday, December 10, 2023
Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo korortay
Guddoomiyaha hay'adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee
SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay iney gaartay tirada dadka dhintay
daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle 120
ruux.
Guddoomiyaha SODMA ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ay ku
dhinteen gobolada Baay, Gedo iyo Jubbada Hoose.
"Daadadka iyo fatahaadaha inta aan diiwan galinay dhimashada waa 120
ruux oo ah guud ahaan gobolada dalka, haba ugu sii badnaadaan gobolada Baay,
Gedo iyo Jubbooyinka, dadka dhintay waxaa ku jiray dhowr iyo toban ruux oo doon
la gadoontay iyagoo ka cararaya kooxda Al-shabaab" ayuu yiri guddoomiyaha
hay'adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha iney ku adkaatay in deegaanada qaar
ay gaarsiiyaan gargaar, kadib markii garoomada diyaaradaha intooda badan ay ku
xirmeen daadadka ka dhashay roobabka.
Si kastaba ha ahaatee dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha
ayaa wali ka taagan magaalooyin badan oo ku yaala gobolada dalka, haba ugu sii
darnaadaan Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Saturday, December 9, 2023
Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee
caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda
Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka kulanka
41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, sida ay shaaca ka
qaaday Villa Soomaaliya.
Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo
in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.
Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid
yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan
madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galayo kulanka 41-aad ee aan
caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.
Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya
ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo
wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.
Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo
laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay
shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.
Thursday, December 7, 2023
Soomaaliya ayaa u mahadcelineysa dalalkii ku taageeray qaadista cunaqabateynta hubka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu mahadceliyey dalalkii
taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu
kaga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka ee saarneyd muddo ka badan 32 sano.
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad loo qabtay guushan
taariikhiga ah, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre
iyo mas’uuliyiin isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, isagoo ku bogaadiyay
taageerada joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen
halgankii dheeraa ee ay u soo galeen sidii loo gaari lahaa yoolkaas muhiimka
ah. guul.
Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda weyn ee go’aankan uu u leeyahay sidii
Soomaaliya looga xoreyn lahaa argagixisada, wuxuuna soo bandhigay qorshaha
dowladda ee ah in si mas’uuliyad ku jirto loo maareeyo hubka.
Xasan: Dunida si aysan uga qoomameyn go’ankii taariikhiga ahaa
Guushaan waxay cadeyn u tahay dadaalka wadajirka ah ee shacabka
Soomaaliyeed iyo beesha caalamka," ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud oo yiri:
"Waxaan si aad ah ugu mahadcelineynaa dhammaan dowladihii na garab
istaagay intii aan ku guda jirnay safarkan adag." Taageeradooda hagar
la’aanta ah ayaa wax weyn ka tari lahayd in aan ku soo dhawaado nabad iyo
xasillooni waarta oo Soomaaliya ka dhalata.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay madaxda iyo hay’adaha dadaalka
badan ee ku jira dowladda Soomaaliya oo kaalin mug leh ka qaatay xaqiijinta
guushan taariikhiga ah. Wuxuu ku celceliyay in dowladdu ay si buuxda uga
go’an tahay xaqiijinta in si mas’uuliyad leh loo adeegsado hubka iyo codsigooda
gaarka ah ee lagu xoreynayo dalka iyo difaaca qaranka.
Wednesday, December 6, 2023
Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka
soo qeyb galay shirkii is bedelka cimilada ee Imaaraadka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa ee
isbeddelka cimilada (COP28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga ImaaraatkaCarabta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo
Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay
saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro
dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in
taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka
Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo
bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday
dowladdu.
Tuesday, December 5, 2023
Wasiirka Caafimadka oo magaalada Dubai uga qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay WHO
Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.
Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qaybgalay kulan gaar ah oo ku saabsanaa sidii
loo abuuri lahaa xalka waara ee la xiriira isbadalka climilada.
kulanka ayaa looga hadlay xoojinta nidaamka Caafimaadka waxaana soo
qabanqaabisay Hey’adda Caafimaadka Adduunka iyo Hey’adda Maraynta howlaha
(UNOPS) waxa uuna qeyb ka ahaa kulan waynaha isbadalka cimilada (COP28) ee ka
socda magalaadda Dubai.
Wasiira Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS Dr. Cali
Xaaji Aadam ayaa qayb ka ahaa kulanka gaarka ahaa ee ay kasoo qayb galeen
Wasiirada Caafimaadka ee wadamada kala ah Pakistan, Yemen iyo Masar sidoo kale
kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee hey’adda UNOPS.
Kulanka ayuu Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ka jeediyey khudbad taariikhi
ah taasoo taabanaysay sida loo abuuri lahaa habka isku xiran ee isbadalka
cimilada iyo Caafimaadka ee xalka waara, waxa ayna Soomaaliya qayb ka tahay
isbahaysi cusub oo arrimahaas xoogga saaraayo loona yaqaano Alliance for
Transformative Acton on Climate and Health ( ATACH).
Waxa uuna ku soo gunaanaday Wasiirka Caafimaadka sida ay Soomaaliya hadda u
wajahaysa isbadalka cimilada oo bilow ka hore ay ka soo baxday abaaro,
islamarkaana bilaabatay Fatahaada ( El NiNo),
Sidoo kale Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey guulaha ay Soomaaliya ka
gaartay hirgelinta nidaamka cadceeda tamarta loogu helo ( Solar Energy Systems)
kaasoo ilaa iyo hadda laga hirgeliyey qeybo ka mid ah Isbitaalada Gobolada iyo
Degmooyinka ku yaalo dalka, iyadoo ay jiraaan qorshe dhamaystiran oo ku wajahan
sidii loo dhamaystiri lahaa xarumaha Caafimaadka ee dalka oo dhan.
Monday, December 4, 2023
Bangiga Adduunka ayaa rajaynaya in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordho 3.8% sanadka 2025-ka