Sunday, September 3, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda
Gaashaandhigga Soomaaliya, si uu ugu kuur galo habsami u socodka shaqada ee
halkaasi ka socota.
Berri oo la kulmay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo shaqaalaha
wasaaradda gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ku dadaali doonto
sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dhisayaan
ciidamo kala wareegaya waajibaadka sugidda amniga ee ciidamada AMISOM marka ay
dhamaadaan. ka bixitaanku wuxuu dhamaanayaa dhamaadka sanadka soo socda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si faah faahsan u taabtay marxaladihii uu soo maray
dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeeday u mideysan yihiin sidii dhibaatada argagixisada looga qaadi lahaa.
Berri waxa uu ku micneeyey in ciidanku yahay laf-dhabarta dhismaha qaranka,
taas oo muujinaysa in xukuumaddiisu ay dabooli doonto baahiyaha kala duwan ee
ciidanka qaranka si loo helo ciidamo awood u leh difaaca dalka.
Saturday, September 2, 2023
Madaxweyne XASAN oo qiray in ciidamada DF lagu soo jabiyay COWSWAYNE
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay
qiray in ciidamada xoogga dalka ay kasoo baxeen furimaha dagaalka, kaddib
dagaalkii ka dhacay ka dhacay degaanka Cawsweyne.
Madaxweyna oo xalay ka qeyb galayay kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka
dhacay aaladda Twitterka, ayaa wuxuu sheegay in weerarkaas uu Dowladda kasoo
gaaray saameyn xooggan.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in ciidamadu ay soo baneeyeen
furimaha dagaalka qaladaad farsamo oo dhacay. wuxuuse sheegay in Dowladda ay
qaaday tallaabooyin lagu wacyi galinayay ciidamada, si dib loogu celiyo
furimaha dagaalka.
“Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka Dowladda lagusoo jebiyay ma
jirto. Hadda xooggaa waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen
dhallinyarada,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada abaal marin la siinayo, si niyadooda
loo hagaajiyo oo aysan mar dambe furimaha dagaalka ugasoo bixin.
Wuxuu sheegay muddo bil iyo bar ah oo uu ku sugan meelaha laga hagayo dagaalka
Shabaab, in uu haatan tagayo meelo kale oo kusii dhow furimaha dagaalka, si uu
ciidamada u dhiirri galiyo.
“Dagaalka waa soconaa ma is taagaayo. Mooraalkeena waa Hight. Boqolkiiba boqol
ayaan kalsooni ku qabnaa inaan ka adkaanayno Shabaab. Ileen waa soo
tijaabinay,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Ugu dambayn wuxuu sheegay madaxweynuhu inay jiraan dad yar oo kooban oo ka
shaqeynaya fashilinta dagaalka Dowladda kula jirto Shabaab. Wuxuu sheegay
dadkaas inay ula mid yihiin Shabaab.
Thursday, August 31, 2023
Md JFS Xasan Sheekh oo Taliska hoggaaminta dagaalka Al-shabaab u badalaya degmada Maxaas
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo
ku dhaw hal bil ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug
oo uu u tagay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa warar soo
baxaya waxay sheegayaan inuu ku wajahan yahay magaalada Maxaas ee gobolka
Hiiraan.
Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagaayo magaalada Maxaas ayaa
la xariirta inuu doonayo in halkaasi uu ka hoggaamiyo howlgalada ka dhanka ah
kooxda Al-shabaab ee looga ciribtiraayo deegaanada maamulka Galmudug.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay shabakada HOL ayaa sheegaya in
madaxweyne Xasan uu wadahadalo la yeeshay madaxweynaha maamulka la baxay
Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan oo caan ku ahaa la dagaalanka Shabaab iyo
Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya inuu degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
uu ka dhigto xarunta uu ka hoggaaminaayo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab,
waxaana muuqaneysa in haatan ay isku soo dhawanayaan madaxweyne Xasan iyo Cali
Jeyte Cismaan oo loo magacaabay inuu noqdo madaxweynaha Hiiraan State, kadib
markii uu xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu ka qaaday madaxweynaha
Hirshabeelle.
Talaabadaan uu madaxweyne Xasan Sheekh uu taliska hoggaaminta dagaalka uga
dhiganayo Maxaas oo uu kaga soo guurayo magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo
beegmeysa, iyadoo dowladda culeysyo iyo fashil kala kulantay howlgaladii ugu
dambeeyay ee ka dhacay deegaanada ku yaala Bariga gobolka Galgaduud, waxaana
xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in la joogo waqtigii la isla
xisaabtami lahaa.
Wednesday, August 30, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday ciidamada Xoogga ee ku hawlan ciribtirka Khawaariijta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xamsa Cabdi Barre oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Hay'adaha
Dowladda ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu
ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu
soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u
dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee
gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta
Galmudug iyo Hirshabelle.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira
deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah
ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala
duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka
socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.
Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal,
taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga
dalka.
Tuesday, August 29, 2023
Ciidamada dawladda oo dib uga gurtay deegaano ay hore uga qabsadeen al-Shabaab
Saraakiisha amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay dib
uga gurteen magaalooyin iyo degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen
toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Laba ka mid ah saraakiisha dawladda oo diiday in magacooda la sheego
maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan hawlgallo xasaasi ah ayaa
sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga soo gurteen Ceel Dheer, Masagaway,
Budbud iyo Galcad.
Mid ka mid taliyayaasha ciidamada dawladda Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik
oo ah taliyaha guutada 26aad ayaa sheegay inay jirto “waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si
tartiib ah gadaal looga baxay” sida uu hadalka u dhigay inkastoo aanu sheegin
goobahaas.
Mid ka mid ah saraakiisha dawlada ayaa sidhoo kale sheegay in goobaha dib looga
gurtay aan dawladda dagaal looga qabsan, sidii markii horeba aanay dawladdu
dagaal ugu qabsan goobahaas.
Ka sokow goobaha dib looga gurtay, ciidamada dawladda ayaa weli ku sugan
magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii.
Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay isku
filan yihiin inay is difaacaan, waxaana uu dadka degaanka ugu baaqay inay
mas’uuliyad isa saaraan, oo ay sharafkooda iyo magacooda difaacaan, dagaalka
socdana aan la siyaasadayn.
Monday, August 28, 2023
War murtiyeed kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee Dhuusomaeeb ka socday