Thursday, July 6, 2023

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku guuleystay in uu kor u kacay 2.4%

 

Dhaqaalaha

Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin cusub oo muujineysa kobaca dhaqaalaha dalka oo hadda maraya 2.4%.

Warbixintu waxay soo bandhigtay aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan xaaladda guud ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidoo kale hagaha dhaqangelinta siyaasad dhaqaale oo wax ku ool ah oo kicin kara horumarka dalka.

Warbixinta dowladda ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu awood u leeyahay inuu muujiyo adkeysi iyo kobac sanadihii ugu dambeeyay inkastoo ay la kulmeen caqabado badan sida abaaro daba dheeraaday iyo khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dhinaca beeraha oo ay ka shaqeeyaan in ka badan 70% dadka ay yihiin laf dhabarta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay ka yihiin 30% GDP.

Adeegga oo isugu jira isgaarsiinta, bangiyada iyo gaadiidka ayaa sidoo kale muujiyay kobac weyn maadaama ay 28% ku biiriyeen wax soo saarka dalka.

Marka laga soo tago is-beddellada wanaagsan ee dhaqaalaha Soomaaliya, warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay caqabado dhowr ah oo ay tahay in wax laga qabto si loo joogteeyo loona dardargeliyo kobaca dhaqaalaha.

Caqabadahaas waxaa ka mid ah baahida loo qabo in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, kor u qaadista dhaqaalaha, iyo kor u qaadista jawiga ganacsigaiyada oo la dhimayo musuqmaasuqa iyo horumarinta sharciga.


Share:

Wednesday, July 5, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed

 

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id galabta ay wada qabteen isaga iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuumadaxweyne Xadan kala hadlay xiisada Hirshabelle ee ka dhalatay xil ka qaadistii gudoomiyihii gobolkq Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo muranka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ee deegaanka Xalfooleey.


Share:

Tuesday, July 4, 2023

Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh

 

Soomaaliya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho abaare Salaadii Subax ee Saakay.

Hoobiyaasha ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugna guryahooda.

Inta la xaqiijiyay Aabe Soomaaliyeed iyo Gabar uu dhalay ayaa ku dhintay hoobiyaasha mid ka mid ah oo kusoo dhacay gurigooda oo ku yaala xaafad ka tirsan degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen hooyada qoyska iyo xubno kale oo isla qoyska ah.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Aabaha ku dhintay hoobiyaha ku habsaday gurigiisa uu ahaa Macalin Dugsi Quraan oo si weyn looga yaqiinay degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho oo badi hurdaayay xiliga madaafiicdaan dhacayeen ayaa ku toosay mar qura dhawaqa madaafiicda oo ahaa kuwa intooda badan loo tuurayay dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa mararka qaarkood madaxtooyada dalka ku weerarta madaafiic, waxaana madaafiicdaasi intooda badan ay ku dhacaan guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ka agdhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya, taasoo sababta in dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaarto dad shacab ah aan waxba galabsan.

Share:

Monday, July 3, 2023

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

 

Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Danjire Mohamed El-Amine Souef, taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Jenaral Sam Okiding iyo taliyaha Booliiska ciidanka ATMIS.

Kulanka ayaa ahaa mid looga arrinsanaayay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanadii dhawaan laga xureeyay dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa dhankiisa balan qaaday in howlgalka ciidanka ATMIS ay kaalin sare ka qaadanayaan howlaha xasilinta deegaanadii laga saaray kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay ka go'an tahay garab istaaga ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay madaxda howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS taageerada iyo caawinta ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka siiyaan la dagaalanka Ururka Al-shabaab.

Gabagabadii kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ciidanka ATMIS qaar ka mid ah Saldhigyadoodii gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Share:

Monday, June 26, 2023

MD Xasan Sheekh oo Xalay ka qeyb galay Xuska Munaasabadda 26-ka June

 

Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.

 

Share:

Sunday, June 25, 2023

MD JFS “Dowladda toban kun oo macallimiin ah ayay ku biirin doontaa nidaamka waxbarasho ee dalka”

 

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee dhanka Waxbarashada ay tahay mid ahmiyad weyn ugu fadhiso, isla markaana dowladdu ay 10,000 oo macalimiin ah ku biirin doonto nidaamka Waxbarasho ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa yiri Waxaan ogahay sida tacliintu u baabi’in karto saboolnimada. Waxaan ku soo koray deegaan yar oo miyiga ku yaal. Markii uu geeriyooday aabahay, hooyaday waxay caqabad wayn kala kulantay sidii ay ku xaqiijin lahayd inaan waxbarasho helo.

Walow aysan awoodin inay wax akhriso, waxay haddana si joogto ah u hubin jirtay shaqo-guriga (layli) la i soo siiyay iyadoo eegi jirtay haddii wax calaamad casaan ahi ka muuqato. Hal-adayggeeda awgiis, waxaan awood u yeeshay inaan gacan ka gaysto dhisidda mid ka mid ah hay’adaha tacliineed ee dalka ugu wayn. Fursad taas la mid ah ayaan u doonayaa dhammaan carruurta Soomaaliyeed.

Sababtaas awgeed, dowladdayda waxay durba billowday olole ballaaran oo macallin-qoris ah, kaas oo higsanaya in 10,000 oo macallimiin ah lagu biiriyo nidaamka waxbarasho ee dalka, iyadoo 20 boqolkiiba ay noqon doonaan hablo macallimiin ah. Durba, waxaan qornay 3,000 oo macallimiin kuwaas oo haatan tababar ku jira.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog