Monday, April 24, 2023
Soomaaliya oo wadah Qorsho ay doonayso in la kordhiyo joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS
Dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa horey u soo jeediyay muddo shan sano ah oo kala guur ah oo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegi doonaan dhammaan howlaha amniga, balse Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay wadar ahaan 32 bilood laga bilaabo Abriil 2022.
Wednesday, April 19, 2023
Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya
Ergeyga gaarka ah ee
madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan magaalada Washington ayaa ka hadlay
xaaladda bani’aadanimo ee dalka, kadib wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga
ah ee VOA-da.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in weli Soomaaliya ay ku
jiraan xaalado adag oo ka dhashay fatahaado iyo abaaro xoogan oo soo laa
kaabtay.
“Suura gal maahan in 30 sano aan ku jirno fatahaad iyo abaar dhexdeeda,
adduunkane uu nagu sheegto in uu nagu baxshay balaayiin dollar.” ayuu
wareysigaan ku yiri ergeygu.
Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka ay ku baxaan dhaqaalaha tirada
badan ee ay magaca Soomaaliya kusoo qaataan hay’adaha samafalka ee ka howlgala
gudaha waddanka.
“12-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya $8 Bilyan ayaa ku baxday oo
mucaawino ah, weli abaarta way taagan tahay, sanadkii hore $1.4 Bilyan ayaa
dalbatay, haddane $2.8 Bilyan ayaa dalbanaysaa, dhibaatada way sii kordheysaa
ee dhaqaalaha xaguu aadaa?” ayuu sii raaciyay.
Warsame ayaa xusay in haatan dowladda federaalka iyo beesha caalamka ay ku
wada heshiiyeen inay sameeyaan isla xisaabtan dhab ah, si meesha looga saaro la
socosho la’aanta hay’adaha samafalka.
“Soomaaliya lama xisaabtanto Hay’adaha ka shaqeeya Samafalka iyo gargaarka,
mudnaanta ay u baahan tahay miiska looma saaro.” ayuu markale yiri CC Warsame.
Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Dowladda Soomaaliya waxaa ka saari
kara gacan hoorsiga iyo in ay ku tiirsanaanto ajnabi waa isla xisaabtan la’aan,
sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, dadkii la xisaabtami
lahaa shaqooyinka la xiriira in la xijiyo”.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka, kadib markii ay baaqdeen shan xilli roobaad oo la filayay.
Tuesday, April 18, 2023
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Uk oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa heshiis is-afgarad
ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Muqdisho kula saxiixday Xafiiska Dawladda
Ingiriiska u qaabilsan arimaha horumarinta caafimaadka.
Heshiiskan ayaa dhigaya mashruuc caafimaad oo laga hirgalin doono qaybo ka
mid ah dalka, kaas oo la rajaynayo inuu wax weyn ka tari doono hoos u dhiggidda
dhimashada dhallaanka iyo Hooyada
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegey in Dowlada Ingiriiska ay uga
mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dawladda
Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale Wasiirku hoosta ka xarriiqay muhiimadda
Mashruucani u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
Sii hayaha safiirka safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Marwo
Lottie Burrows ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ka go’antahay sii wadidda
taageerada Caafimaadka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go'an tahay baahinta
iyo tayaynta Barnaamijyada Caafimaad ee dalka si loo helo Bulsho bedqabto,
iyadoo la raacayo yoolka Caafimaadka ee Dowladda.
Monday, April 17, 2023
MD xasan oo u ololeynaya in laga qaado cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay
Bisha soo socota, Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa mar kale dib u
eegis ku sameyn doona cunaqabateynta Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa kamida ah waddamada si cad ugu baaqay in la qaado
xayiraada hubka ee saran dalkaas.
Arrintaan waxay kusoo aaday xilli toddobaadkii hore, Golaha Nabadda ee Midowga
Afrika uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ahayd inay tixgeliso codsiga soo
noqnoqda ee Soomaaliya si looga saaro xayiraadda hubka.
Golaha oo la tacaalaya khataraha amni ee Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya
laga qaado cunaqabateynta saaran “si loo xaqiijiyo in dalku uu si ku filan u
qalabeeyo ciidankiisa si wax looga qabto khataraha amni ee Al-Shabaab iyo
kooxaha kale ee argagixisada ah ee ka hawl-gala Soomaaliya, xilli uu isku
diyaarinayo in uu la wareego talada dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii la soo
dhaafay ku celiyay in xayiraadaasi ay waqtigeedu dhaaftay ka dib markii uu
marti geliyay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay Xoghayaha
Guud Antonio Guterres.
Sunday, April 16, 2023
Imaaraadka Carabta waxa uu Soomaaliya ka taageera dhinac walba
Burburkii Soomaaliya ka dib 1991-kii, Imaaraatka Carabta ayaa ka mid ahaa
dalalkii ugu horeeyay ee gacanta u fidiyay Soomaaliya oo ay ka jireen abaaro
ba’an iyo colaado soo noqnoqday.
Imaaraadku waxa uu Soomaaliya u fidiyay kaalmo dhinacyo badan leh taasoo ku
kacaysa boqolaal milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo ay ku fulinayeen
mashaariic bani’aadanimo iyo hawlgelin.
Mashaariicda horumarineed ee uu Imaaraadku ka fuliyo Soomaaliya kuma koobna
oo kaliya dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, balse waxaa jira mashaariic
dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, iyadoo shirkadda P&O Ports ay sanadkii
2017-kii la saxiixday heshiis lagu maamulayo laguna horumarinayo dekedda
Boosaaso oo arrimo badan taabanaya. Dawlad goboleedka Puntland muddo 30 sano
ah, kuna kacaya 336 milyan oo dollar.
DP World waxa kale oo ay saxeexday heshiis lagu horumarinayo laguna
balaadhinayo dekedda Berbera, iyada oo lagu maalgelinayo lacag dhan $442 milyan
oo dollar oo laba weji ah. Mashaariicdan ayaa gacan ka geysta horumarinta
kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo ay u dheer tahay in fursado shaqo ay
helaan muwaadiniin badan.
Imaaraatka Carabta ayaa bixiya dhaqaalaha lagu tababaro ciidamada
Soomaaliya iyo wixii la mid ah, iyadoo la kaashanayo ammaanka iyo iskaashiga
milateri ee ay la leeyihiin Muqdisho, si loo qalabeeyo ciidamada Soomaaliya
looguna diyaariyo inay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ciidamada nabad
ilaalinta ee Afrika. kaas oo xilkiisu uu dhacayo Diisambar 2024.
Imaaraadka Carabta ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee
walaalaha ah ee kaalin mug leh ka qaata taageerada Soomaaliya heerarkeeda kala
duwan, taasoo sidoo kale gacan ka geysata dib u soo kabashada Soomaaliya iyo
xaqiijinta xasilloonida dhinacyo kala duwan leh, iyagoo garab ka helaya
walaalahooda, kuwaasoo sidoo kale gacan ka geysta sidii ay Soomaaliya u heli
lahayd xasillooni. ammaanay dhismaha xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal
ee walaalaha ah dhinac walba.
Saturday, April 15, 2023
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay waxa ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic horumarineed oo