Thursday, September 29, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee Maxamuud

 

Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay madaxda ugu sareysa WFP

muqdisho


 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.

 Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaallada ay Dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.

 “Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.

 Dhankiisa, Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa ballan-qaadday in Dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunnayarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

Share:

Wednesday, September 28, 2022

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo bilaabay caawinta dadka beeraleyda ah

 

Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee dhawaanAl-shabaab kala wareegay deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay caawinta dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Ciidamada iskaashanaya ayaa dadka beeraleyda ah ee degan nawaaxiga degmada Buulaburte ka caawiyay iney la abuuraan beerahooda, xili la sheegay in deegaanadaasi ay ka da'deen roobab aan badneen.

Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinaayay ciidanka xoogga dalka oo ku labisan dareeskooda oo beer abuur la sameynaya dad beera qodato ahaa oo ku howlana abuurka beerahooda.

War qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in dadka deegaanka ay haatan bilaabeen tacbashada beerahooda, kadib markii deegaanadooda laga saaray Al-shabaab oo la tilmaamay iney markii hore qaadan jireen dalagyada u soo go'a dadka beera qodotada ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Al-shabaab dagaalada kula jira ayaa horay gargar bani'aadanimo ugu fidiyay qaar ka mid ah qoysaska ku nool deegaanada gobolka Hiiraan ee Al-shabaab laga saaray.

Share:

Tuesday, September 27, 2022

Ra’iisul Wasaare: Dowladda waxaa ka go’an in la helo garsoor madax-banaan oo soo celisa kalsoonida Soomaalida

 

Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyay shirka guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo maanta looga hadlay dardar-galinta howlaha hortabinta u leh hay’adaha Caddaaladda oo u dub dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo soo celiya kalsoonida bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xukumadda ka go’an tahay dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya wadajirka bulshadda Soomaaliyeed ,maadama cadaalad-darradu ay kamid tahay sababihii na dhaxalsiiyay qaran burburka

Tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo ka mid ah 6da tiir ee barnaamijka xukumadda Dan-qaran ayaa halbeegyadiisa ugu muhiimsan waxaa kamid ah dib-u-eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah

helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan ,Dhamaystirka Heshiiska Siyaasadeed ee Hannaanka Garsoorka Hay’adaha Cadaaladda, Daadajinta Adeegyada Garsoorka iyo dhiiri gelinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga iyo  hir-gelinta maamul wanaag ku dhisan isla xsaabtan.

 

Share:

Monday, September 26, 2022

Madaxwayne Xasan oo ka qayb galay Martiqaad uu sameeyay Joe Biden

 

somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo New York uga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka geeska Afrika.

MW Xasan wuxuu xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku hayeen Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore kulamo ula qaatay, Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka Lloyd James Austin oo uu kula kulmay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Antony Blinken.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jira sidii Soomaaliya nabad loogu fidin lahaa loogana takhalusi lahaa argagixisada iyo ururada argagixisada halka dawladii ka horeeysey ay ka shaqeen jirtey burburinta dalka

Dowladda Mareykanka ayaa ilaa hadda bixisay in ka badan 800 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha baahsan ee xilligaan ka taagan dalka taasoo wax-yeelleeyay ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed.

Dhawaan, Jake Sullivan oo ah la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, ayaa sheegay in Aqalka Cad uu aad uga walaacsan yahay saadaasha aan wanaagsaneyn iyo baaxadda abaaraha daran ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii May sanadkaan go’aamiyay in ilaa 500 oo askari oo Maraykan ah lagu soo daad gureeyo Soomaaliya, kuwaas oo dhamaadkii sanadkii hore ku baxay amarka Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump.

Waxaa xusid mudan in ku dhawaaqista dib u soo celinta askarta dalka Mareykanka ay timid maalmo kadib markii doorashada looga adkaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saaxiib dhow la ahaa saaxiibada Ruushka ee Geeska Afrika – Itoobiya iyo Eritrea.

Mareykanka ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowaladda Federaalka Soomaaliya oo safaarad ku leh Washington,D.C. taas oo dib loo furay kalkii hore ee MW Xasan sheekh, halka Mareykanku uu isna safaarad ku leeyahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Share:

Sunday, September 25, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha oo wadaha Dhaqdhaqaaqyo ay ku adkeenaayaa xiriirka iyo dib u habeynta siyaasadda gudaha iyo mida dibadeed

 

somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo shaley guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga…

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.

Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.

 Waxaa xusid mudan in Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka ay ku ammaaneen Soomaaliya sida ay u qaadday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu billaabayo in deymaha laga cafiyo.

Shidhookale Dhaqdhaqaaqyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah mid xoojineeyso xiriirka iyo dib u habeynta siyaasadda gudaha iyo mida dibadeed taasi oo ay gabtey dawladi horey

 Madaxwayne xasan sheekh maxamuud iyo ra,iisal wasaare xamse cabdi barre ayaa siwada jir u sheegay, inay kor uqaadayaan tayaynta dawlada iyo isla xisaabtanka, si loo helo xukuumad kudhisan hufnaan iyo cadaalad.







Share:

Saturday, September 24, 2022

Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka hor sheegay Kacdoonka ka dhan ka ah Al-shabaab iyo xaalada Abaaraha

 

Soomaaliya


Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday dowladdiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo uu sheegay iney ka mid yihiin in dalka laga xoreeyo Alshabaab iyo Daacish, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo ciidamada xoogga dalka, waxuuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo xasuuqa Al-shabaab iyo Daacish ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmogeydada ah.

“Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad binu aadannimo oo adag, haddana kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin islaamiyiin waxa ay qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u noolaan lahaayeen” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo ku  bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed dareenka iyo baraarugga ku wajahan inay iska dulqaadaan cadowga caadeystay daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalka Al-shabaab lagu garab istaago dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen xuquuqdooda aas aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada. Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Gabagabadii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxuu si faahfaahsan uga warbixiyey qorshaha tayeynta ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah Dunidana Heshiis la ah.

 


Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog