Tuesday, January 30, 2024

Guddoomiyaha Sodma oo furay shirka ka jawaabista arrimaha bini’aaddannimada

 

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta furay shir looga hadlayo qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adamnimo ee sanadkaan 2024.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnimo ee Soomaaliya George Conway, xubno ka socda wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada, hay’addaha samafalka, deeq-bixiyayaasha iyo madax ka tirsan QM.

Hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qaabbilsan arrimaha samafalka ayaa waxay dalbadeen lacag dhan $ 1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay aad u waxyeelleeyeen fatahaado ka dhashay roobabkii Elnino, kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.

 

Share:

Monday, January 29, 2024

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

 

kulan dhaxmarey wakiilka Bankiga Adduunka iyo wasiirka maaliyada

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Axad ah kulan la qaatay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Christina Svensson.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay taageerada dhanka farsamada iyo dhaqaalaha ee Bankiga Adduunka uu siiyo dowladda Soomaaliya. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha dib u habeynta maaliyadda iyo xoojinta hannaanka maamulka maaliyadda dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee Bankiga Adduunka uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen Bankiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in xarunta Wasaaradda uu ku soo dhoweeyo wakiilka Bankiga Adduunka, isagoo xusay inuu kala hadlay barnaamijka dib u habeynta maaliyadda, horumarinta dowlad wanaagga, mashaariicda uu Bankiga ku taageero Soomaaliya, horumarinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

 

Share:

Sunday, January 28, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

 

somaliya iyo Switzerland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya Ambassador Valentin Zellweger, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Inta uu socday kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay koox ka socota gobolka iyo beesha caalamka oo dano gaar ah leh.

Kulanka ayaa lagu adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojintaxiriirka diblumaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay daneeyayaasha muhiimka ah ee caalamiga ah si loo wajaho caqabadaha guud loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee Switzerland iyo ka qayb qaadashada dadaallada nabadda iyo horumarka ee Soomaaliya. dadaallada xallinta khilaafaadka.”

Danjire Valentin Zellweger ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay Switzerland uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, waxayna carrabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay wada-hadalka iyo iskaashiga si loo wajaho caqabadaha gobolka. Wuxuu carabka ku dhuftay 

sida ay Switzerland uga go’an tahay mudada dheer inay taageerto dadaallada nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo is-garab istaag iyo kaalmo joogto ah oo caalami ah.

 

Share:

Saturday, January 27, 2024

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka golaha fulinta ee ururka magaalooyinka Carabta ee ka socda magaalada Baqdaad

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jumcali “Madaali” ayaa ka qeyb galay shirka 61-aad ee Golaha Fulinta ee Ururka Magaalooyinka Carabta, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Hoose ee Baqdaad.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii uu gaaray ururka Magaalooyinka Carabta sanadkii la soo dhaafay, Qorshayaasha loo baahanyahay si horumar ballaaran loo gaarsiiyo Caasimaddaha Carabta iyo sidii loo ansixin lahaa ajendayaasha shirka soo socda, oo ay dhamaan isku raaceen madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Kulanka ayaa looga golleeyahay in lagu ilaaliyo aqoonsiga iyo dhaxalka magaalooyinka Carabta iyadoo la isweydaarsanayo khibrad iyo khibrad iyo sare u qaadida dakhliga dowladda.

Xoghaynta guud ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “Shirkii golaha fulinta ee ururka magaalooyinka Carabta oo ahaa kalfadhigii 61-aad uu ka dhacay magaalada Baqdaad ee iraq oo uu guddoominayay duqa magaalada Baqdaad Cammaar Musa Kazem,

waxaana goob joog ka ahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. ee Ururka iyo hay’adaha ku xidhan, xoghayayaasha caasimadaha iyo masuuliyiinta maamulada dawladaha hoose ee 20 magaalo oo Carab ah ka dib markii uu burburay muddo gaadhaysa 35 sano”.

 




Share:

Wednesday, January 24, 2024

𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐙𝐚𝐲𝐢𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲.

 

Wasaaradda Caafimaadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay dib u howlgelinta Isbitaalka Sheekh Zayed ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xamsa Berri, oo uu wehliyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, ayaa kormeeray qaybo badan oo ka mid ah isbitaallada, isagoo bogaadiyay taageerada Imaaraadka ee dib u howlgelinta isbitaalka.

Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa ah Isbitaal wayn oo ka qeyb qaadanayo adeeg bixinta Caafimaadka ee ay u hamuun qabaan bulshadeena, waxa uuna sidoo kale qeyb ka yahay dedaalada iyo horumarada dhinaca Caafimaadka, iyadoo ay tani muujineyso ahmiyadda ay lee dahay taageerada lagu bixiyo qeybaha Caafimaadkaiyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa dib howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid uga mahadcelisey Dowladda Imaaraadka Carabta kaalinka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalkeena.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.

 








Share:

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray saraakiisha ciidamada cirka Soomaaliya

 

ciidamada cirka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay saraakiisha ciidamada cirka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ka qalin jebisay Akadeemiyada Al-Zaciim ee dalka Qatar, waxaana uu ugu hambalyeeyay dadaalka wanaagsan ee ay muujiyeen.

Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan saraakiishii ka qeybgashay tababarkan ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo xirfadda ay barteen.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Saacid Cali Cabdallah oo kaalinta koowaad ka galay 112 sarkaal oo ka kala socday Qatar iyo Soomaaliya oo loo tababaray inay ka qeyb qaataan taageerada dhanka cirka ah.



Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog